Maxaa ka jira in hantida Bashaar Al-Asad diyaarad gaar ah lagu geeyay Imaaraatka?

Warbixin baaritaan oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters ayaa daaha ka rogtay in madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al-Asad uu lacag iyo agab qaali ah ku dhoofiyay diyaarad khaas 48 saacadood ka hor markii xukunka laga tuuray taliskiisa

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Diyaaraddan oo nooceedu ahaa C-5SKY ayaa afar duulimaad oo xiriir ah ku tagtay dalka Suuriya 48 saacadood gudahood ka hor inta aan awoodda laga tuurin taliska Asad

Warbixin baaritaan oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters ayaa daaha ka rogtay in madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al-Asad uu lacag iyo agab qaali ah ku dhoofiyay diyaarad khaas 48 saacadood ka hor markii xukunka laga tuuray taliskiisa, iyo weliba sida uu u dhoofiyay dukumninti sir ah oo la xiriira shabakadiisa ganacsi.

Warbixinta ayaa faahfaahisay doorka uu arrintan ku lahaa Yassar Ibrahim, Lataliyaha dhaqaalaha ee Asad kaas oo soo kireeyay diyaarad gaar ah oo lagu qaaday agabka muhiimka ah ee Asad, xubno ka tirsan qoyskiisa, gacanyarayaashiisa iyo shaqaalaha qasrig madaxtooyada kuwaa oo afar diyaarad loogu duuliyay dalka Imaaraatka Carabta, sida lagu sheegay warbixinta ay soo ururisay wakaaladda wararka ee Reuters oo ku salaysan in ka badan toban ilood.

Warbixintu waxa ay sheegtay in Ibraahim oo madax ka ahaa xafiiska dhaqaalaha iyo maaliyadda ee madaxtooyada xilligii xukuumadda Asad, uu kaalin mug leh ka qaatay samaynta shabakad ganacsi oo uu Assad u isticmaali jiray in uu ku hantiyo qaybo badan oo ka mid ah dhaqaalaha Suuriya. Waxa inta badan loo arki jiray mid aad ugu dhaw madaxweynihii hore, sida lagasoo xigtay ogeysiisyada cunaqabateynta Mareykanka, khubarada dhaqaalaha Suuriya, iyo isha ku jirta shabakadda ganacsiga ee Asad.

Wadamada reer-galbeedka ayaa cunaqabatayn kusoo rogay Asad ka dib markii uu si xun u xakameeyay dibadbaxyada looga soo horjeeday dowladda 2011kii, waxaana cunaqabateyntaas markii dambe lagu daray Ibraahim taageerada uu u hayo taliska darteed.

Falanqaynta ay wakaaladda wararka ee Reuters ku samaysay xogta duullimaadyada ayaa muujinaysa in diyaaradda Embraer Legacy 600 ee ka diiwaan gashan Gambia, lambarkeeduna yahay C5-SKY, ay afar duulimaad oo xiriir ah ku tagtay Suuriya 48 saacadood ka hor intii aanan taliska Asad la ridin.

Duullimaadkii afaraad ee diyaaradda ayaa ka ambabaxday saldhigga Ruushka ee Hmeimim oo ku yaala meel u dhaw magaalada Latakia ee xeebta Mediterranean-ka ee Suuriya, 8-dii December, sida laga soo xigtay xogta la socodka duulimaadka sawirrada dayax-gacmeedka iyo xog sirdoon oo hore oo ciidamada cirka ah oo si toos ah wax uga ogayd hawlgalka iyo warbixinada. Isla maalintaas ayay ahayd markii Asad uu isla saldhiggaas ka ambabaxay oo uu aaday Ruushka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa dib u eegtay wada sheekeysi WhatsApp ah oo dhexmaray gacanyarayaasha Ibrahim, iyo sidoo kale xogta la socodka duullimaadka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waddamada Reer Galbeedka ayaa cunaqabatayn kusoo rogay Assad kadib markii uu cabariyiyay mudaaharaadyo looga soo horjeedo xukunkiisa 2011-kii

Waa markii ugu horreysay oo la shaaciyo faah-faahin ku saabsan hantida Bashaar Al Assad ee laga qaaday mdalka Siiriya. Wakaaladda wararka ee Reuters ayey u suurta gashay in ay wareysato 14 qof oo Suuriyaan ah oo aqoon u leh howlgalka, oo ay ku jiraan shaqaalaha garoonka diyaaradaha, dhowr sarkaal oo horey uga tirsanaan jiray sirdoonka iyo ilaalada madaxtooyada, iyo ilo xiriir la leh shabakadda ganacsiga ee Asad.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa dib u eegtay wada sheekeysi barta WhatsApp ah oo dhexmaray gacanyarayaasha Ibrahim, iyo sidoo kale xogta la socodka duulimaadka, sawirada dayax-gacmeedka, iyo diiwaanka lahaanshaha shirkadaha iyo diyaaradaha ee ka diiwaan gashan seddex qaaradood, si ay usoo koobaan sida kaaliyaasha Assad ugu dhow ay u xaqiijiyeen marinka nabdoon ee diyaaradda.

Reuters ma aanay awoodin inay la xiriirto Ibraahim si uu uga hadlo arintan. Wasaaradaha arrimaha Dibadda ee Ruushka iyo Imaaraadka ayaan sidoo kale ka jawaabin codsiyo ku saabsan howlgalka

Sarkaal sare oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in xukuumadda madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya Axmed Al-Sharaa ay doonayso in ay dib u soo ceshato hantidii dadwaynaha ee dibadaha loo xawilay ka hor inta aan la riddin Asad, isla markaana ay u isticmaasho in lagu taageero dhaqaalaha Suuriya oo ay saarantahay cunaqabatayn adag kaas oo lacag yari ay soo food saartay.

Reuters ma aanay awoodin in ay si madax banaan u xaqiijiso in Asad uu si shaqsi ah u kormeeray howlgalka. Si kastaba ha ahaatee, ilo-wareedyo dhowr ah oo xog-ogaal u ah warbixinta hawlgalka ayaa sheegay in aanu howlgalkaasi dhici lahayn haddii uusan ogolaansho ka haysan Asad.

Suuriya

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Sawirhore oo Bashaar al-Assad ah oo booqasho ku jooga Imaaraadka sanadka 2023
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Taliye sare oo hore oo ka tirsan Ilaalada Jamhuuriga ayaa xusay in ku lug lahaanshaha ilaalada Jamhuuriga ay la macno tahay in "Bashaar Al-Asad uu soo saaray awaamiirta" howlgalka, isaga oo intaa ku daray in Ilaalada ay amar ka heleen oo kaliya taliyahooda Talaal Makhlouf ama Assad laftiisa.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in madaxa ammaanka garoonka Ghadir Ali uu ku wargeliyay shaqaalaha garoonka in xubno ka tirsan ciidamada sirdoonka hawada ay iyagu maamuli doonaan diyaaradda, sida uu sheegay Mohammad Qayrut oo ah agaasimaha howlgallada dhulka ee diyaaradda Suuriya.

Warbixinta ayaa sheegtay in, Ghadir Cali uu sheegay : "Diyaaraddani way soo degi doontaa, annaguna waannu la macaamilaynaa, adinkuna weligiin ma aydan arag diyaaraddan."

Saddex ka mid ah saraakiisha garoonka diyaaradaha iyo sarkaalkii hore ee sirdoonka ayaa sheegay in Cali oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka ciidamada cirka uu amarka si toos ah uga helay madaxtooyada.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay la xiriirto Cali si uu jawaab uga bixiyo.

"Diyaaradda Lubnaan"

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in Ibraahim uu diyaaradda ka kireeystay ganacsade reer Lubnaan ah oo lagu magacaabo Mohammed Wahbi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diyaaradda waxaa laga diiwaan geliyey Gambia shirkad maxalli ah oo lagu magacaabo Flying Airline Company, bishii Abriil 2024

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in Ibraahim uu diyaaradda ka kireeystay ganacsade reer Lubnaan ah oo lagu magacaabo Mohammed Wahbi, sida uu sheegay xubin ka tirsan kooxda dhaqaalaha sare ee Suuriya iyo ilo ka tirsan shabakadda Asad.

Wadahadalka WhatsApp-ka, mid ka mid ah gacanyarayaasha Ibraahim ayaa ku tilmaamay diyaaradda "Diyaarad Lubnaan ah."

Wahbi waxa uu leeyahay Flying Airlines FZCO, oo ah diyaarad fadhigeedu yahay Dubai oo ka diiwaan gashan aagga xorta ah ee Dubai, sida ku cad macluumaadkiisa shaqsiga ah ee LinkedIn.

Bishii Abriil 2024, Wahbi wuxuu soo galiyay sawirada diyaaradda C-5SKY ciwaankiisa LinkedIn isagoo ciwaan uga dhigay "Hello." Bishii Janaayo, ganacsaduhu wuxuu ku sheegay qoraal gaar ah oo isla goobtaas lasoo dhigay in diyaaradda ay ahayd iib.

Diyaaradan ayaa laga diwaan galiyay dalka Gambia shirkad maxali ah oo lagu magacaabo Flying Airline Company bishii April 2024, xogta la socodka duulimaadka ayaa daaha ka qaaday in bilihii ka horeeyay afgembigii xukuumada Bashaar Al Assad ay diyaaradaasi u safartay dalka Ruushka oo xulufo dhow la ah Asad oo xiligaas cunaqabatayn kala kulmaya shirkadaha diyaaradaha ee reer galbeedka sababo la xiriira duulaanka ay ku qaadeen dalka Ukraine.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaan u suurta galin inay la xiriirto wakiilka shirkadda Flying Airlines ee dalka Gambia Sheikh Tijan Jallow, sida lagu sheegay warbixinteeda.

Nin kale oo Lubnaani ah, Osama Wehbe, ayaa leh boqolkiiba 30 shirkadda Flying Airlines, iyo nin Ciraaqi ah, Safa Ahmed Saleh oo leh 70 boqolkiiba shirkadda, sida ku cad diiwaannada rasmiga ah ee Gambia.

Sida lagu daabacay boggaga baraha bulshada, Maxamed Wahbi waxa uu dhalay wiil lagu magacaabo Osama, kaas oo sidoo kale ka shaqeeya qeybta duulista. Reuters ma aanay awoodin inay xaqiijiso in Usama uu yahay isla qofka ka diiwaan gashan diiwaanka Gambia.

Mar ay Reuters taleefoon kula xiriirrtay, Mohammed Wahbi waxa uu dafiray inuu wax xiriir ah la leeyahay duullimaadyada C-5SKY ee u socda iyo kuwa ka imaanaya Suuriya. Waxa uu u sharraxay wakaaladda wararka ee Reuters in aanu isagu lahayn diyaaradda balse uu "mararka qaarkood" ka kiraysto dalal aan la aqoonsan. Ma uusan ka jawaabin su'aalo ku saabsan in wiilkiisa ku lug lahaa.

Osama Wahbi kama uusan jawaabin codsiga ah in uu ka jawaabo arintaas, sidoo kale wakaaladda wararka ee Reuters uma suurtagelin in ay la xiriirto Safaa Axmed Saalax, sida ay warbixinteeda ku sheegtay.