Yemen: Maxay Xutiiyiinta ugu dhegan yihiin atirishadan?

Intisar al-Hammadi h

Xigashada Sawirka, INTISAR AL-HAMMADI

Qoraalka sawirka, Intisar al-Hammadi

Gabar filimaanta jisha oo u dhalatay dalka Yemen ayaa lagu eedeeyay inay faafineysay falal anshax xumo ah iyo in lagu soo qabtay maandooriye. Hase yeeshee hay'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in gabadhan ay wajahayso cadaallad darro weyn.

Intisaar Al-Xammadii oo u xiran Xuutiyiinta ayaa beenisay inay gashay dembiyada lagu soo oogay.

Gabadhan ayay dagaalyahanada Xuutiyiinta xabsiga dhigeen bishii February ee sanadkan xilli ay ku sugneyd magaalada Sanca.

Qareennada u doodaya Intisaar ayaa sheegay in loo geystay tacaddiyo isl maarkaana la aflagaadeeyay xilli lagu qasbay inay saxiixdo warqado qiraal ah iyadoo indhaha ka xiran.

Dacwad oogayaasha ayaa lagu eedeeyay inay ugu hanjabeen inay bikranimadeeda tijaabin doonaan.

Qareennadeeda waxay Human Rights Watch u sheegeen in labo jeer loo diiday inay arkaan gabadhan jilaaga ah si ay uga qeybgalaan dhageysiga dacwadda loo heystay.

Xutiyiinta oo dagaal kula jiray dowladda Yemen tan iyo sanadkii 2015 ayaan weli ka hadlin arrintan Intisaar.

Jilaagan oo aabaheed uu Yemeni yahay halka hooyadeedna ay kasoo jeedo Itoobiya ayaa ka shaqeyn jirtay xayeeysiinta dharka iyo sameynta filimada.

Xuutiyiinta ayaa maamula qeybo badan oo Yemen ah.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Xuutiyiinta ayaa maamula qeybo badan oo Yemen ah.

Waxaa jiray qaar kamid ah sawiradeeda oo lagu baahiyay Online-ka iyadoo uusan wajigeeda daboolneyn.

Dagaalyahannada Xuutiyiinta ayaa dabayaaqadii February kala degay baabuur ay saarneyd xilli ay maraysay gudaha magaalada Sanca.

Waxaa intii muddo ah lagu hayay xabsi ku yaal xarunta dembi baarista ee Sanca.

"Teleefoonkeedi ayaa laga qaatay, sawiradeedii xayeeysiinta ahaana waxaa lagu tilmaama kuwo anshax xumo ah. Xuutiyiinta waxay ku tilmaameen qof jirkeeda ka ganacsata," ayuu qarankeeda u sheegay hay'adda Human Rights Watch.

Sida laga soo xigtay Human Rights Watch, koox difaaceysay iyo qareenkeeda oo booqday dabayaaqadii bishii May ayaa sheegay in Intisaar lagu qasbay inay saxiixdo iyadoo indhaha u xiran yihiin warqado muujinaya inay gashay dembiyo dhowr ah.

Bishii March, gabadhan jilaaga ah waxaa loo wareejiyay xabsiga dhexe ee Sanca. Ilaaladii joogtay xabsiga waxay gabadha ugu yeereen 'qofka jirkeeda ka ganacsato' oo 'addoon ah' maadama ay gabadha madow tahay oo ay qosykeeda kasoo jeedaan Itoobiya, sida uu sheegay qareenkeeda.