Burhaan Xaashi: Waa kuma ganacsadaha dadka uga digi jiray aanooyinka qabiil ee isna "aano loo dilay"?

Burhaan Maxamed Cali Xaashi waxa uu ahaa ganacsade sidoo kale hurmuud ka ahaa arrimaha bulshada deegaankiisa. Alle ha u naxariisto Burhaan oo ahaa maamulaha shirkadda Golis ee degmada Bur-saalax ee gobolka Mudug, dabley hubeysan ayaana dishay goor fiid ah.
Falkaan ayaa waxaa kale oo dhaawac uu ka soo gaaray labo qof oo kale oo mid haweeney tahay, iyadoo kooxda dilka gaysatay ay baxsadeen sida wararku ay sheegayaan.
Inkastoo ilaa iyo hadda aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga, haddana xog aan ka helnay dadka deegaanka ayaa sheegaysa in dhacdadaan ay salka ku hayso aano qabiil.
Degmada Bur-saalax ayaa sanadkii 2023-kii waxaa dil sidaan oo kale ahaa loogu gaystay guddoomiyihii degmadaas Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi.
Bashiir Cabduqaadir Maxamed oo loo yaqaan (Bashiir Suuleey), waxa uu ka mid ahaa arday uu wax soo baray Burhaan sidoo kalena saaxiib la noqday markii dambe. BBC-da waxa uu u sheegay in uu ahaa Burhaan qof markasta wanaagga ka shaqeeya
"Dadka lafdhabarka u ah bulshada, arrimahooda ka dhexmuuqda oo xoogga saara isdhexgalka ayuu ahaa, wuxuuna ahaa qof dhan walba dadka ka tilmaaman".
Howlaha bulshada uu ka dhexqaban jiray ayaa ka muuqday deegaankiisa. Kuma ekeyn howshiisa ganacsi ee sida lagu yaqaan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayuu isna qeyb ka qaadan jiray nabadeynta bulshada.
"Wuxuu ahaa qof wacyigelin sameyn jiray oo ka hadli jiray arrimaha dadka isku keenaa," ayuu yiri Bashiir oo intaas ku daray in uu ahaa hormuudka bulshada.
Bashiir Suuley wuxuu kaloo sheegay "in waxa kaliya oo noo furan ay tahay in la qaato taladii iyo dardaarankii uu nooga tagay ee aheyd in qof miskiin ah aan loo dilin qof kale oo aan waxba galabsan."

Hadalka saameynta leh uu ka tagay Burhaan
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muuqaallo dhawaan baraha bulshada la oo soo dhiga ayaa waxaa lagu arkayay Burhaan oo ka hadlaya qiimaha nabadda leedahay isago ku dhiirrogelinayay dadka dhageysanayay in ay ka fogaadaan aargoosiga loo dilayo qof aan waxba galabsan iyadoo loogu aarayo qof kale oo hore loo dilay.
"Qolo waxay idinkula talin doonaan dad laaya oo aarsada, haddii kale waad gumoobeysaan, qolo kalena waxay idinkula talineysaa dadkii idinka dhintay way naga wada dhinteen, dad aan jecelnahay bay ahaayeen in dad kale oo wax qabin la laayana aakhiro cadaab iyo naar adag baa ku sugan".
Hadalkaas ayuuna dadkii daawanayay kula hadlay isagoo kaga digayay in aysan qof aan waxba galabsan dulmin si ay ugu aargudaan qof kale oo gardarro loo dilay ama aan la ogeyn cidda dishay. Burhaan ayaa dadweynaha kula taliyay in labada talo ee ah mid lagu aarsanayo iyo mid lagu sabrayo kala doortaan, wuxuuna u sheegay dadka in ciqaab aakhiro iyo sumcad xumo adduun ay daba socoto aarsiga qofka aan waxba galabsan loogu gudayo qof la dilay.
Wuxuu ku adkeeyay dadka in aan taladaas la qaadaan, wuxuu ku taliyay in la qaato talada sabarka ah isagoo tixraac uga dhigay diinta iyo dhaqanka Soomaalida.
Burhaan intii uu noolaa wuxuu sheegay in labada talo ee ah mid aarsi iyo mid sabar ah ay heli doonaan labada dhinac ee dadka ka dhinteen, wuxuuna sheegay haddii ay talada sii xumaato aysan cidna wax u tareyn.
Ma ahan wax ku cusub dhaqanka Soomaalida dilalka la xiriira aanada qaabiilka oo inta badan lagu dilo hal doorka bulshada iyo dad aan waxa socda shaqo ku laheyn.
Filim laga sameeyay dhibaatada aanada qabiil ayaa jilaagii filimka ka mid noqoday dhibanayaasha dadka loo dilo aanada qabiilka. Guudey Maxamed Geeddi saddex bilood kadib markii muuqaalkaas filimka la duubay ayaa la dilay. Isla sidii uu filimka ku jilay ayay naftiisii ku baxday.
Guudey wuxuu u safray inuu booqdo qoyskiisa oo ku sugan tuulo yar oo ku taal agagaarka Warsheikh, ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Guudey waxaa bannaanka gurigiisa ku toogtay kooxo hubeysan oo u hamuun qaba dhiig ay u daadiyaan aano qabiil.













