Maxay sameeyeen xayawaannada la sheegay in ay ka digayeen dhul gariirkii Turkiga?

Xayawaannadu ma saadaalin karaan dhul-gariirka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Markii uu dhulgariirku ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya waxaa soo baxay muuqaallo laga soo duubay xayawaano si qeyrul-caadi ah u dhaqmaya.

Xayawaannada muuqaalladooda sida weyn loo faafiyay waxaa ka mid ah Eey ciyaya, waxayna xayawaannadan u muuqdaan inay digniino ka bixiyaan dhul-gariirka, ka hor inta uusan dhicin.

Hase yeeshee su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: Xayawaanadu ma saadaalin karaan musiibooyinka?

Barfasoor Martin Wikeleski oo ka tirsan machadka la socda dhaqdhaqaaqa xayawaannada ee Max Planck ayaa sheegay in jawaabta su’aashaas la raadinayay muddo dheer.

"Waa arrin aan baareynay 10-kii sano ee lasoo dhaafay daraasado badan ayaa lagu baaray dhaqamada xayawaanada gaar ahaan marka ay dhacayaan masiibooyinka dabiiciga ah ka hor iyo kadib,” ayuu yiri.

Qoraalka Muuqaalka, Xayawaanadu ma saadaalin karaan dhulgariirka?

Waxa uu khabiirkan sheegay in mararka qaar la dareemayo wax u eg iney xayawaanadu na siinayaan diginin.

"Waxaan aragnay xayawaanada oo u muuqda inay ka dhursugayaan masiibooyinka. Marka uu dhici rabo dhulgariirka xooggan ee awooddiisu ka sarreyso 4 Magnitude, xayawaannada wey qeyliiyaan ka hor masiibadaas, waxay arrintan ka dhigan tahay in digniino xooggan ay ka bixinayaan dhulgariirka, waa muhiim in la ogaado waxa ay sameynayaan xayawaanadan ka hor iyo kadib masiibada, si falanqeyn loogu sameeyo waxa dhacaya," ayuu yiri.

Waxaan baarnay muuqaallada si aan u hubinno in goobta dhul gariirku ku dhuftay laga soo duubay iyo in kale.

Kumannaan qof ayaa ku dhimatay dhulgariirkii ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Muuqaal ka mid ah kuwa ku baahay baraha bulshada ayaa laga arkay astaanta farmashi ku yaalla Turkiga. Waxay u muuqatay in qabow uu ka jiray koonfurta Turkiga, maalin ka hor inta uusan dhicin dhulgariirka. Marka xayawaanada ma waxay u dhaqmayeen si aan horey loo arag?

"Muuqaallada aan arkay waxay muujinayeen shimbiro hal meel isugu soo uruuray waa arrin inta badan la arko xilliyada qaboobaha, marka arrinta ma muujineyso in dhulgariir uu dhici doono," ayuu yiri Barfasoor Martin Wikeleski.

Sidoo kale waxa uu sharraxaad ka bixiyay muuqaallada lagu arkayay eeyaha sameynayay qeylada naxdinta leh.

“In ay Eeyaha ka hor ciyaan guryaha wey dhacdaa waa in aan la soconnaa xogtaas la xiriirta eeyaha si aan u hubinno in arrin naadir ay tahay iyo in kale, waa in la helaa 20 ilaa 50 eeyo ah oo isla arrintaas sameynaya. Mustaqbalka, daraasaddan waxaa lagu sameyn karaa falanqeyn, Balse haatan, wey adagtahay in laga faalooda si loo ogaado inay tahay digniin laga faa'ideysan karay ama in kale," ayuu yiri.