Baadiragii cusbaa ee la doortay oo hadda soo muuqday

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Marada baadariga ayaa la soo fidiyey oo laga soo laalaadiyey geeska balakoonka, iyadoo kardinaalladu ay isugu yimaadeen labada dhinac ee balakoonka, iyagoo eegaya dadka isugu yimid fagaaraha St. Peter.

Dadka ayaa sacbinaya oo bilaabay qaylo iyo hees kadib markii la shaaciyey in Kardinal Robert Francis Prevost loo doortay baadari cusub.

Baadiriyada oo ku hawllannaa doorasha baadirigii ugu sarreeyey kaniisadda, baadari cusub, waxaana hadda si degdeg ah wax walba u socdaan.

Inyar ka hor ayaa qiiq cad uu ka soo baxay, taas oo muujinaysay in baadariga cusub eela doortay uu balakoonka ku yaalla fagaaraha St. Peter ka soo muuqan doono, taas oo hadda kaso muuqday

Baadariga cusub ee la doortay, oo asal ahaan ka soo jeeda magaalada Chicago, Pope Leo XIV, ayaa hadda ka muuqda balakoonka hore si uu u jeediyo khudbadiisii ugu horreysay.

Isagoo la hadlayay dadkii sacbinayay oo ku hadlayay af Talyaani, ayuu baadariga 69-jirka ah yiri:

"Nabad ha idinla jirto dhammaantiin.

"Walaalayaal qaali ah, tani waa salaantii ugu horreysay. Waxaan jeclaan lahaa in aan idin gaarsiiyo salaanta nabadda — qoysaskiinna, dhammaantiin, meeshii aad joogtaanba. Nabad ahaada."

Maxaa lagu xasuustaa Pope Francis?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Baadarinimada Francis waxay horseedday waxyaabo badan oo markoodii ugu horreeyay dhaca iyadoona uusan weligii joojin inuu isbeddello kusoo dabbaalo Kaniisadda Kaatooligga, wuxuu caan ka dhex ahaa bulsho dhaqameedyo badan.

Wuxuu ahaa baadarigii ugu horreeyay ee kasoo jeeda Americas amaba Hemisphere-ta Koofureed. Tan iyo markii ninka Suuriya ku dhashay ee Gregory III uu geeriyooday sanadkii 741 ma jirin Baadariga Rome oo aan Yurubiyaan ahayn.

Wuxuu sidoo kale ahaa qofkii ugu horreeyay ee ka tirsan Bulshada Jesus ee loo doorto madaxa St Peter - dadkan loo yaqaanno Jesuits taariikhiyan Rome ayaa shaki ka qabi jirtay.

Ninka uu beddelay Francis, Benedict XVI, wuxuu ahaa baadarigii ugu horreeyay ee si iskiis ah howlgab u noqda ku dhowaad 600 sano iyo ku dhowaad 10 sano intii Vatican Gardens ay yeelatay labo baadari.

Isagoo ahaa Cardinal Bergoglio-ga Argentina, da'aaddiisa 70-meeyada ayuu ku jiray markii uu Baadari noqday sanadkii 2013.

Wadaaddo badan oo Kaatoolig ah ayaa u heystay in baadariga cusub uu noqon doono nin da'yar.

Bergoglio ayaa isu soo taagay musharrax diyaar u ah in wax la isku raaco: isagoo u cuntamay asalraaca leh aragtiyada arrimaha galmada isagoo sidoo kalena kuwa isbeddellada sameynaya kusoo jiitay aragtidiisa dhexdhexaadka ah ee dhanka caddaaladda bulshada.

Waxaa la rajeynayay in taariikhdiisa inuusan u baran howlahaas ay ka caawin doonto dib u cusbooneysiinta Vatican-ka iyo dib usoo nooleynta howlaheeda barakeysan.

Balse maamulka Vatican-ka dhexdooda qaar ka mid ah isu dayada Francis ee isbeddelka waxaa laga horkeenay diidmo iyadoo qofkii uu xilka kala wareegay, oo geeriyooday sanadkii 2022, uu caan kasii dhex ahaa kuwa dhanka dhaqanka ku adag.