Robert Prevost: Waa kuma Baadariga cusub ee la doortay?

Baadari Leo XIV

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Baadari Leo XIV

Kahor intaan magaciisa laga shaacin barxadda Basilica-ga St Peter, dadkii isugu soo baxay bannaanka waxay ku dhawaaqayeen "– Noolow Baadari

Robert Francis Prevost, oo 69 jir ah, wuxuu noqon doonaa baadarigii 267-aad ee fadhiya carshiga St Peter, waxaana loogu yeeri doonaa Leo XIV.

Waa Mareykan kii ugu horreeyey ee qabta xilka baadari (Pope), inkasta lagu tixgeliyo inuu jeeda Latin America kana soo shaqeyay muddo Peru.

Prevost wuxuu ku dhashay magaalada Chicago sanadkii 1955, waalidkiisna waxay ahaayeen dad kasoo kala jeeda Spain iyo Iswiis-Faransiis. Wuxuu adeega ka ahaa kaniisadda isagoo ahaa wiil miisaska wax dul saara, waxaana uu wadaad noqday sannadkii 1982.

Inkasta oo uu u guuray Peru saddex sano kadib, haddana wuxuu si joogto ah ugu noq-noqon jiray Mareykanka si uu uga shaqeeyo kaniisad isagoo ahaa (hoggaamiye diimeed) magaalada uu ku dhashay.

Wuxuu haystaa dhalashada Peru, waxaana si diirran loo xasuustaa isagoo la shaqayn jiray bulshooyinka la takooro, isla markaana ahaa qof isku xira bulshada.

Wuxuu 10 sano ka soo shaqeeyay kaniisadeed isagoo ahaa wadaad iyo bare ka tirsan kulliyadda wadaaddada ee magaalada Trujillo ee waqooyi-galbeed Peru.

Erayadiisii ugu horreeyay isagoo ah baadari, Leo XIV wuxuu si kalgacal leh ula hadlay kii ka horreeyay, Baadari Francis.

"Wali waxaan maqlayaa codkii hooseeyay balse geesinimada lahaa ee Baadari Francis oo na barakeeyay," ayuu yiri.

"Innagoo ssku duuban oo gacmaha is haysta, aan hore u wada soconno," ayuu u sheegay dadkii goobta ku sugnaa.

Madax badan ayaa hambalyo u diray Baadariga cusub

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madax badan ayaa hambalyo u diray Baadariga cusub

Baadariga sidoo kale wuxuu ka hadlay doorkiisa ururka Augustinian-ka.

Sanadkii 2014, Baadari Francis wuxuu u magacaabay Bishop-ka magaalada Chiclayo ee dalka Peru.

Wuxuu caan ku yahay sarkaalinimadiisii sababo la xiriira doorkiisa muhiimka ahaa isagoo ah madaxa hay'adda Dicastery for Bishops ee Latin America, taas oo mas'uul ka ah xulashada iyo kormeerka wadaada

Bishii Janaayo 2023 ayuu noqday Archbishop, wax yar kadibna Baadari Francis wuxuu ka dhigay sarkaal kaniisadeed.

Waa maxay aragtida Baadari Leo?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Baadari Leo XIV, waxaa la eegayaa haddii uu sii wadi doono dib-u-habayntii uu bilaabay ninkii ka horreeyey ee hoggaanka u hayey Kaniisadda Katooliga ee Roomaanka.

Prevost waxaa la rumeysan yahay inuu la wadaago aragtidii Francis ee ku saabsan tahriibayaasha, dadka saboolka ah, iyo deegaanka.

Reverend John Lydon oo ay aad isugu dhow yihiin, ayaa u sheegay BBC-da in Prevost uu yahay "nin la jaanqaadi kara," "si fudud ula dhaqma dadka," isla markaana uu aad uga welwelsan yahay dadka saboolka ah.

Markii laga hadlayey asalkiisa, Prevost wuxuu u sheegay telefishinka Talyaaniga ee Rai kahor doorashadiisa in uu ka soo jeedo qoys muhaajiriin ah.

"Waan ku dhashay Mareykanka… Laakiin ayeeyooyinkay iyo awoowayaashay dhammaantood waxay ahaayeen muhaajiriin, Faransiis, Isbaanish... Waxaan ku barbaaray qoys Katoolik ah oo aad uga qayb qaata hawlaha kaniisadda, labadeyda waalid waxay si firfircoon uga shaqayn jireen kaniisadda," ayuu yiri.

In kasta oo Prevost uu ku dhashay Mareykanka, Vatican-ka ayaa ku sifeeyay inuu yahay Baadarigii labaad ee ka soo jeeda qaaradda Ameerika (Francis wuxuu ka yimid Argentina).

Intii uu joogay Peru, Prevost wuxuu awoodi waayay inuu ka badbaado fadeexadaha la xiriira xadgudubyada galmada ee dul hoganayay Kaniisadda, in kasta oo diiwaankiisa deegaanka uu si adag u beeniyey in uu wax ka qariyey ama ku lug lahaa isku day daboolidda arrimahaas.

Markuu doortay magaca Leo, Prevost waxa uu muujiyay inay ka go'antahay ka shaqeyntaarrimaha bulshada, sida ay sheegeen khubarradu.

Baadarigii ugu horreeyay ee adeegsaday magaca Leo, oo taladiisu dhammaatay sanadkii 461-dii, wuxuu la kulmay Attila Hun wuxuuna ku qanciyay inuusan weerarin magaalada Rooma. Baadarigii ugu dambeeyay ee la oran jiray Leo wuxuu hoggaaminayay Kaniisadda intii u dhaxaysay 1878 ilaa 1903, wuxuuna qoray qormo saameyn weyn ku yeelatay xuquuqda shaqaalaha.

Seán Patrick O'Malley, oo horay u ahaan jiray Archbishop-ka Boston, wuxuu bartiisa Internedka ku qoray in baadariga cusub "doortay magac si weyn loola xiriiriyo dhaxalka caddaaladda bulshada ee Pope Leo XIII, kaasoo hoggaanka hayay xilli ay dunidu la kulmeysay qalalaaso weyn sida kacaankii warshadaha, bilowgii fikradda Marxism-ka, iyo socdaal ballaaran oo dadweyne."

Aragtida baadariga cusub ee ku aaddan dadka isku-hawooda ma cadda, balse kooxo ay ka mid yihiin Golaha saraakiisha kaniisadaha ee ra'yiga adag leh ayaa rumaysan in laga yaabo inuusan taageero badan u muujin doonin sidii Pope Francis.

Isagoo ka hadlayay isbeddelka cimilada sanadkii hore, Baadari Prevost wuxuu sheegay in la gaaray xilligii laga gudbi lahaa "hadalka loona gudbi lahaa ficil".

Wuxuu ugu baaqay bulshada inay dhistaan "xiriir is-dhaafsi leh" oo ay la yeeshaan deegaanka.

Wuxuu kaloo u uku taliyay tallaabooyin wax ku ool ah oo laga qaaday Vatican-ka, sida rakibidda agabka laga dhaliyo korontada iyo adeegsiga gawaarida korontada ku shaqeysa.

Baadariga Leo XIV wuxuu taageeray go'aankii Pope Francis ee ahaa in dumarku markii ugu horreysay ku biiraan Waaxda xubnaha saree e kaniisadaha.

"Waqtiyo badan waxaan aragnay in aragtidooda ay tahay mid wax xoojinaysa," ayuu u sheegay Vatican News sannadkii 2023.

Sannadka 2024, wuxuu u sheegay Catholic News Service in joogitaanka dumarka "ay si weyn uga qeyb qaataan hanaanka kala-soocidda marka la raadinayo musharrixiinta ugu fiican ee u adeegaya Kaniisadda."