Puntland miyay ka go'eysaa Soomaaliya?

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahai Deni ayaa ku eedeyay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku takri fal awoodeed oo uu ku hayo xafiiska raysal wasaaraha.

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahai Deni ayaa ku eedeyay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku takri fal awoodeed oo uu ku hayo xafiiska raysal wasaaraha.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in Puntland aysan qayb ka ahyen isla markaana aaney qusen Warmurtiyeedkii Golaha Wadatashiga Qaran iyo Heshiis kii laga gaaray hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee dhawaan ay soo saareen madaxda federaalka iyo qaar ka mid ah maamulgoboleedyada.

Madaxweyne Saciid Cabdullahai Deni oo maanta ka hadlayay magaalada Garoowe ayaa sidoo kale sheegay in haddii la rabo in xal la gaaro in dhamaan dhinacaydu Soomaalida ay isku yimaadaan oo si dhab ah loo wadahadlo isagoo soo dhaweyay hadal uu dhawaan sheegay mar uu waraysi siinayay Laantan Af-Soomaaliga ee BBC-da safiirka mudda xileedkiisu sii dhamaanyo ee Mareykanka u fadhiya Soomaalia Larry Andure kaasi oo ahaa in arrimaha taagan si wada jir ah loo wajaho Somaliland ay qayb ka noqoto.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa madaxweyne Deni wuxuu halis ku tilmaamay hannaanka dhismaha dowladda ee ka mid ah qoddobada ay ku heshiiyeen madaxda federaalka iyo afar ka mid ah mamaul goboleedyada Soomaaliya isagoo ka digay wax kasta oo aan wadatashi ku dhisneyn.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahai Deni ayaa ku eedeyay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku takri fal awoodeed oo uu ku hayo xafiiska raysal wasaaraha, wuxuuna intaa ku daray in Puntland ay si gooni ah u qabsan doonto howlaheeda tan iyo inta laga helayo wax heshiis lagu wadayahay.

Maxay Puntland uga hor timid arrinta ay isku raaceen afar maamul gobboleed, gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalka, maxaa Puntland ku gaar ah?

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo sii sharraxay khudbadda madaxweynaha Saciid Cabdullaahi Deni ayaa BBC-da u sheegay in muhiimadda khudbadda ay ahayd in la laalay dastuurkii dalka taas oo aysan marnaba Puntland aqbalayn.

Wasiirka oo ka jawaabaya su’aashaas oo ay BBC-da weydiisay ayaa yiri: “anaga waxaa inoo muuqda oo aanu dooneynaa inay dowlad Federaal ah inay dhalato, naf iyo maal baanu gelinay, inay hana qaaddo baanu dooneynaa oo dadka Soomaaliyeed midnimo iyo dowlad federal ah oo dadka raalli ka wada yihiin oo sharciga ku dhaqata baanu dooneynaa.”

Muxuu yahay micnaha hadalka madaxweyne Deni ee ah in Puntland ay sigaar ah u dhaqmi doonto tan iyo inta laga helayo dowlad heshiis lagu yahay?

"Taa micneheedu wuxuu yahay, dastuurka Puntland iyo kan ku meel-gaarka ah ee Federaalka waxaa horreeyay kan Puntland, dastuurka kumeel-gaarka ee federaalka waxa uu aqoonsan yahay dastuurka Puntland, qodobka afaraad faqaddiisa saddexaad waxaa ku qoran ‘ inta laga helayo dastuur Federaalka ah ee la dhameystiray oo afti dadweyne lagu ansixiyay oo Puntland wax ka anisixisay Puntland waxay yeelanaysaa dowlad madax-bannaan," ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir.

Puntland ma waxay dooneysaa sida Somaliland inay ka go’do Soomaaliya?

Madaxda Maamul Gobboleedyada

Xigashada Sawirka, VIlla SOMALIA

"Anagu sidaa doonimeyno oo waxaanu oggolnahay inaanu la shaqeyno dowladda Soomaaliyeed waana ictiraafsanahay laakin waxaanu dooneynaa sharcigii wax lagu qeybsaday ee dastuurka ahaa iyo awood qeybsigii la raaco. Madaxweynaha inuu afar maamul goboleed u yeero oo go’aamo masiiri ah soo saaro waa arrin aanu dastuurka waafaqsanayn," ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir

Saamayn intee la'eg ayay diidmada Puntland ku yeelan kartaa nidaamka doorashada ee la soo bandhigay?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Arrinta ay aadka loo hadal hayo waa saamaynta diidmada Puntland ay ku yeelan karto nidaamka doorashada ee la soo bandhigay. Maxamed Mukhtaar oo madax ka ah machadka SIPAM wuxuu qabaa in isku jaho wax loo wadi karo haddii arrimaha qaarkood la isla fahmo.

“Dabcan cidna ma diidayso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, laakin su’aashu waxay tahay goorma ayey noqonaysaa, sideese loo kala hor marinayaa. Madasha waxaa laga doonayaa inay dadka ka gaddo waxa dhacaya iyo goorta ay wax dhacayaan. Haddii aan la isla fahmin waxaa suurtogal ah in loo fasirto muddo kordhin taasoo uusan waddanku u diyaarsanayn” ayuu yiri.

Hadalka Puntland ee ah in ay si gaar ah u dhaqmi doonto inta laga helayo wax heshiis lagu yahay, ayaa isna aragtida dadka siyaasadda indha-indheeya soo jiitay, ayadoo siayaabo kala duwan loo ga hadlay.

“Hadalkaas ma cusba, wuxuuna ku qoran yahay dastuurka Puntland. Siciid Deni arrintaas ayuu ku celiyey ee ma aha mid cusub, laakin haddii la doonayo in la sameeyo dastuur lagu midaysan yahay waa in dabarka siyaasadeed la iska furo. Muqdisho wa inay iska furto dabarka siyaasadeed, Garowena waa inay iska furto dabarka siyaasadeed, Hargaysana waa inay iska furto dabarka siyaasadeed, laakinse haddii uu qof walba ku cel-celiyo ‘dastuurkayga ayaa sidan qaba’ iyo ‘mowqifkayga waa sidaan’ hore looma socon karo” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar