Lix arrin oo ay tahay in aad ka ogaatid nooca doorasho qof iyo cod ee Soomaaliya

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland

Xigashada Sawirka, Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland

Qoraalka sawirka, Marwo codkeeda ka dhiibaneysa doorashada Golaha Deegaanka Puntland
    • Author, Muhyadin Roble
    • Role, Tifaftiraha, BBC Somali

Hanaanka doorasho ee Matelaadda Isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation – Closed List) waxaa uu markii ugu horreysay qeyb ka ahaa xeerka doorashada Qaran ee ay ansixiyeen Xukuumaddii Raysal wasaare Xasan Cali Khayre sanadkii 2019kii.

Waxa uu kasoo unkumay heshiis ay 2018kii Baydhabo ku gareen Madasha Wadatashiga Qaran oo ka koobnaa dowladda federaalka ee madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowladaha gobollada. Nidaamkan waxa uu codbixiyeyaasha la diiwaangeliyay awood u siinayaa inay kala doortaan xisbiyo, iyadoo xisbi walba uu heli doono kuraas baarlamaan oo u dhiganta cododka uu helay.

Waa ayo dalalka adeegsada, sidee ayuu se u shaqeeyaa nidaamka Matelaadda Isu-dheellitiran ee Liiska Xiran?

Waxaa la rumeysan yahay in dalal ka badan shan iyo sagaashan dal ay adeegsadaan nidaam ama mid wax yar uun ka duwan. Koonfur Afrika, Algeria, Rwanda, Belgium, Italy, Switzerland iyo Denmark ayaa ka mid ah dalalka waa weyn ee adeegsada nidaamka doorasho ee Matelaadda Isu-dheellitiran, kaas oo hadda la doonayo in laga hirgeliyo Soomaaliya.

Waa nidaam doorasho oo ay dadku kala dooranayaan xisbiyo, halka ay u kala codeyn lahaayeen shaqsiyaad ama murashaxiin. Tusaale, xisbi walba ayaa soo gudbinaya magacyada liiska 275 qof oo ah tirada uu ka kooban golaha wakiilada Soomaaliya.

Liiskaas ayaa la dhigayaa xarumaha codeynta, laakiin codbixiyeyaashu kala ma xulan karaa murashaxiinta. Waxay si isku-duub ah ugu codeynayaan liiska xisbiga oo murashaxiintiisu kuraasta u kala heli doonaan hadba sida ay ugu kala sarreeyaan liiska. Haddii uu xisbi helo codod u dhigma konton kursi waxaa kuraastaas ku fadhiisan doona kontonka qof ee ugu sarreeya liiska xisbiga iyada oo aan la eegeyn sida deegaanada kala duwan looga codeeyay. Murashaxiinta liiska kaga jira halka ugu hooseysa badanaa ma helaan xildhibaannimo haddii uusan xisbigoodu ku guuleysan kuraasta baarlamaanka oo dhan.

OPM - SOMALIA

Xigashada Sawirka, OPM

Qoraalka sawirka, Madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha gobollada oo ay ka maqan tahay Puntland ayaa ku heshiiyay nooca doorashada cusub

Yaa go’aaminaya kala sarreynta liiska murashixiinta xisbiyadda?

Haddaba, waxay ku xiran tahay xeerarka doorasho iyo kuwa xisbi ee u yaal dalka laga hirgelinayo nidaamkan. Xisbiyada qaar waxaa ka dhici kara tartamo doorasho oo dhexdooda ah, ama guddiyo xisbi oo kala xulo murashixiinta iyo sida ay liiska ugu kala sarreenayaan. Laakiin marar badan, guddoomiyaha ama/iyo xoghayaha xisbiga ayaa leh go’aanka ugu weyn ee halka murashaxu ka geli karo liiska guud ee xisbiga. Waxaa murashixiinta lagu kala xuli karaa mudada ay xisbiga xubnaha ka yihiin, saameynta ay ku dhex leeyihiin xisbiga ama sida ay ugu dhow yihiin hoggaanka, iyo siyaabo kale. Tan waxay ka dhigan tahay in guddoomiyeyaasha xisbiyadu ay awood badan yeelanayaa, iyaga oo geli kara kaalinta odeyaasha beelaha ee kuraasta usoo xula murashixiinta beeshooda.

XISBI MISE DEEGAAN: Yuu matelayaa xildhibaanka la doorto?

Si ka duwan hanaanka matelaad xildhibaanada Soomaaliya ee hadda, nidaamkan doorasho ee cusub waxa uu horseedayaa in wakiilada ay matelaan Soomaalida oo dhan. Waxay taasi ka dhigan tahay in isbedel ku imaan karo habka hadda xildhibaanadu wax-u-matelaan, iyo in aysan jirin xildhibaan ay si gaar ah ula xisaabtami karto beesha ama deegaanka. Taa bedelkeed, beelaha iyo deegaanada kala duwan waxay la xisaabtami karaan xisbiyadda iyo hoggaankooda. Laakiin nidaamkan waxa uu marar badan abuuri karaa in xildhibaanadu daacad u noqdaan oo u hoggaansamaan doonista hoggaanka xisbiyada in ka badan inta ay u janjeersan karaan dhanka doonista iyo aragtida codbixiyaha. Sababtu waa in hoggaanka xisbigu go’aamin karo rajada xildhibaannimo ee murashax walba, si kasta oo uu u yahay mid codbixiyeyaashu doorbidayaan.

Qabiil iyo Xisbi: Halkee ku dambeyneysaa wax-qeybsiga 4.5?

Haddii uu hirgalo, nidaamkan cusub waxa uu bedelayaa hanaankii hore ee wax-qeybsiga beelaha Soomaalida. Shanta beel, ama wax-qeybsiga 4.5 waxaa bedelayaa xisbiyo, ama sida ay soo-jeedisay Madasha Wadatashiga Qaran labo xisbi qaran. Aqoonsiga iyo loolanka beelaha ayaa hoos u dhici kara. Laakiin, si taa la mid ah, waxaa dhici karta in labada xisbi, haddiiba sidaas loo hirgeliyo, ay naaxiyaan oo ay noqdaan hanaan cusub oo lagu naaxiyo beelnimada. Dareenkaa waxaa xoojinaya sida ay dhaqanka siyaasada Soomaalidu uu ugu saleysan yahay dano siyaasadeed ama mid beeleed oo guur-guura in ka badan inta uu ku jaan go’an yahay aragti siyaasadeed oo kala sooca siyaasiyiinta.

Laakiin nidaamka Matelaadda Isu-dheellitiran waxaa loo arkaa in lagu dhowri karo matelaadda beelaha oo dhan, haweenka iyo dadka ka barakacay deegaankooga.

Matelaada Isu-dheellitiran: Ma ku cusub yahay Soomaaliya?

Maya, ma ahan nidaam doorasho oo ku cusub Soomaaliya. Sida uu ku sheegay warqad cilmibaaris oo uu dhowr sano kahor sameeyay Dr Afyare Cilmi, Agaasimaha Machad Cilmibaarista ee Heritage, nidaamka Matelaadda Isu-dheellitiran ee Liiska Xiran waxaa loo arkaa in uu yahay nooca doorasho ee ugu suurtogalsan in laga hirgeliyo Soomaaliya. Waa isla nooca doorasho ee ay Soomaaliya adeegsan jirtay intii u dhexeysay 1954dii ilaa 1969kii. Waa kacaankii kahor iyo xilligii dowladda daakhiliyadda iyo dowladaha rayidka ee Soomaaliya soo maray.