Cismaan Indhoole: Kumuu ahaa duqii magaalo ee ugu horreeyey Hargeysa?

Cismaan Axmed Indhoole

Xigashada Sawirka, Facebook

Allaha u naxariistee, waxaa shalay magaalada Hargeysa ee xarunta Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ku geeriyooday Cismaan Axmed Xassan (Cismaan Indhoole), oo ahaa barasaabkii ugu horreeyay ee magaalada Hargeysa.

Cismaan ayaa sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdii kacaanka ee Soomaaliya ee xilliyadii 1991-kii kahor, isaagoo markii danbena ahaa wakiilkii Somaliland ee Ingiriiska.

Taariikhda Cismaan Axmed Xasan

Cismaan Axmed Xassan

Xigashada Sawirka, Qoyska marxuumka

Cusmaan Axmed Xasan, wuxuu dhashay sanadkii 1924-kii, wuxuu ku dhashey meel miyi ah, oo la yiraahdo Sool Qori Jab, taasoo ah goob koonfur kaga beegan Yagoori, Caynabana bari ka xigta, sida ay qoyskiisa u xaqiijiyeen BBC.

Waqti ku beegan sanadkii 1932-dii, isagoo siddeed jir ah, ayuu aabbihii geeyey magaalada Cadan ee dalka Yemen, dabadeedna waxaa la geeyey dugsi Qur’aanka, iyadoo markii danbana loo wareejiyey dugsi hoose/dhexe, oo xilligaas ahaan jiray toddobo sano.

Markaa kadib, sanadkii 1941-kii, ayuu shaqo bilaabay, isagoo markaa ku biiray ciidanka cirka ee Ingiriiska, markaa kadib, 1942-dii, ayuu dib ugu soo noqday Berbera.

Sanadkii 1942-dii, ayey dowladdii Ingiriiska ee markaa ka talinaysay Somaliland, waxey u qaadatey Cismaan inuu ku shaqeeyo Karaani, wuxuu Karaani u noqday ciidankii Ingiriiska.

Xilalkii uu soo qabtay

Cismaan Axmed Xassan

Xigashada Sawirka, QOYSKA CISMAAN

Sanadkii 1956-dii, ayaa waxbarasho jaamacadeed loo diray barasaab Cismaan, iyadoo uu ku biiray jaamacad ku taalla Ingiriiska, wuu soo dhammeystay waxbarashadii jaamacadda sanadkii 1959-kii.

Dhamaadkii sanadkii 1959-kii, magaalada Ceerigaabo, ayuu ka noqday barasaab.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Taariikhdu markii ay ahayd 26-kii bishii June, ee 1960-kii, ayaa wuxuu noqday barasaabkii magaalada Hargeysa, iyadoo waqtigaa Somaliland oo dhan ay isku ahayd gobol kaliya, isagoo jagadaasi hayey illaa iyo sanadkii 1961-kii.

Waqti ku beegan bishii sagaalaad ee sanadkii 1961-kii, ayaa laga baddalay jagada barasaabka magaalada Hargeysa, iyadoo loo wareejiyey magaalada Muqdisho, isagoo ku biiray shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladdii Soomaaliya.

Bilawgii sanadkii 1962-dii, ayaa waxaa loo magacaabay Cismaan Axmed inuu noqdo safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Faransiiska.

Sanadkii 1965-tii, ayaa waxaa loo baddalay safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalkii la isku oran jiray Midowgii Soofiyeeti.

Dalka Soomaaliya, ayay dowladdii xiligaasi dib ugu soo celisay, iyadoo sanadkuna uu ku beegnaa 1968-dii.

Sanadkii 1968-dii illaa iyo bishii June ee sanadkii 1975-tii, ayaa wuxuu ahaa aggaasimihii wasaaradda caafimaadka.

Bishii lixaad ee sanadkii 1975-tii, ayaa waxaa uu kamid ahaa agaasimayaal iyo safiiro laga ruqseeyey shaqadii dowladda.

Xil ku wareejintii Soomaalida

Maxamed Cismaan oo ah wiilka uu dhalay Cismaan ayaa sheegay in aabbihiis barasaab Cismaan Axmed, uu Ingiriisku ku wareegay madaxtinnimada Somaliland, Maxamed Ibraahim Cigaal, oo markaa ahaa hormuudka xisbigii ugu weynaa Somaliland.

Bishii February, ee sanadkii 1960-kii, ayuu sheegay barasaab Cismaan, in dowladdii Ingiriiska ay ka dalbatay Cigaal inuu soo dhiso dowlad.

Maxamed Ibraahim Cigaal, ayaa dhisay dowlad ka kooban afar wasiir, iyo wasiir ku xigeen.

Baarlamaanka Somaliland, ayaa sanadkii 1960-kii k koobnaa 33 xubnood.

25-kii June ee sanadkii 1960-kii, ayaa Ingiriiska ninkii u danbeeyey ee mas’uuliyad dowladeed hayey ka tagay Somaliland.

Barasaabkii mas’uulka uga ahaa Ingiriiska magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu ku nagaaday magaaladaasi lix bilood, kadib markii ay dowladda Ingiriiska mas’uuliyadda Somaliland wareejisay.

Sidoo kale, xubnihii Ingiriiska, ayaa baaqi kusii noqday wasaaradaha iyo ciidanka, si ay tababaro ugu fidiyaan mas’uuliyiinta Soomaalida ee xilalka la wareegtay. Sidoo kale, lix dhakhtar, ayaa iyana baaqi ku sii noqday Somaliland.

25-kii bishii June, ee sanadkii 1960-kii, ayaa Ingiriisku wuxuu ka keenay nin saajina magaalada Cadan, isagoo duuduubay calankii Ingiriiska, iyadoo ay isku soo baxeen dad badan oo Soomaali ah, oo daawanayey sida uu u dhacayey hab maamuuseedkaasi.

Waxaa laga soo xigtay barasaab Cismaan Axmed, in dabaal degga xoriyadda Soomaalida, uu bilawday 26-kii bishii June, sanadkii 1960-kii.

26-kii bishii June, ee sanadkii 1960-kii, ayaa waxa uu sheegay barasaab Cismaan Axmed in lagu wareejiyey jagada duqa magaalada Hargeysa, iyadoo farxadda iyo reyn reynta ay Soomaali oo idil wadaagayeen.

Maxaa lagu xasuusan karaa Cismaan Axmed Xasan?

Cismaan Axmed Xassan

Xigashada Sawirka, QOYSKA CISMAAN

Barasaab Cismaan, ayaa waxaa lagu xasuusan doonaa shaqada uu bilaabay sanadkii 1941-kii, illaa iyo 1975-tii, inuu lasoo shaqeeyey dowladihii kala danbeeyey ee Somaliland iyo Soomaaliyaba inuu lasoo shaqeeyey.

Sanadkii 1975-kii, markii laga ergeyey shaqadii dowladda Soomaaliya, ayaa waxa uu u dhoofay dalka Sucuudiga.

Sanadkii 1980-kii, ayaa waxaa uu noqday guddoomiyihii guddigii ugu horeeyey ee qaban qaabada dhismaha jabhaddii SNM, iyadoo abaabul kaasi uu ka dhacay dalka Sucuudiga.

Wuxuu noqday Cismaan Axmed wakiilka Somaliland ee Ingiriiska sanadihii 1994-tii, illaa iyo sanadkii 2006-dii.

Sidoo kale, barasaab Cisman Axmed, ayaa waxaa lagu xasuusan doonaa sidii hawlkarnimada lahayd, ee uu ula soo shaqeeyey maamulladii Soomaalida ee kala danbeeyey.

Shakhsiyadda barasaab Cismaan Axmed

Sida uu inoo sheegay wiilka barasaab Cismaan Axmed, oo la yiraahdo Maxamed Cismaan Axmed, ayaa aabbihii uu ahaa ruux ahlu diin ah, illaa iyo markii ay ahayd da'diisa 16 sano jir.

Waa yadii u danbeysay wuxuu saarnaa sariir, iyadoo uu xanuun sanayey.