Maxay tahay abaalmarinta qaaliga ah ee gaadhaysa 1 milyan ee doollar ee ay heshay Edna Aadan?

.

Xigashada Sawirka, Tim Cole/Templeton Prize

Qoraalka sawirka, Waxa ay noqonaysaa haweenaydii u horraysay ee Afrikaan ah ee ku guulaysatay abaalmarinta Templeton Prize.

Hay’adda John Templeton Foundation ayaa shaaca ka qaadday dhawaan in Edna Aadan Ismaaciil ay sanadkan ku guulaysatay abaal-marinta Templeton Prize, iyada oo ku mutaystay ka qayb qaadashada caafimaadka haweenka ee Somaliland.

Waxaa lagu qiimeeyay ku dhawaad $1.4 milyan qiimaha abaalmarintan, oo ah mid sannadle ah oo uu aasaasay samafale hore Sir John Templeton.

Waxaana la guddoonsiiyaa oo lagu sharfaa dadka ka faa'iidaysta awoodda cilmiga si ay u sahmiyaan su'aalaha ugu qoto dheer ee caalamka.

Mother Teresa, ayaa ahayd qofkii ugu horreeyey ee hesha Abaalmarinta Templeton konton sano ka hor 1973, Ednana sidaas si la mid ah waxay nafteeda u hurtay caawinta bulshada aan haysan daryeel caafimaad oo ku filan, taas oo u keentay in ay hesho saameyn caalami ah.

Dadka kale ee ku guulaystay abaalamarintan waxaa ka mid ah baadarigii reer Koonfur Afrika ee Desman Tutu, oo ku helay in uu gacan ka geystay soo afjaristii nidaamkii midab takoorka dalka Koonfur Afrika.

Maxay ku mutaysatay?

.

Xigashada Sawirka, Templeton Prize

Maadaama ay ahayd umulisadii ugu horraysay ee caafimaad ee tababaran, waxa ay la dagaallantay oo wanaajisay sawirka laga haysto dhalmada iyo sheekooyinka caafimaad ee ku-tidhi-kuteenka ah, kuwaas oo aan cilmi ahaan sax ahayn.

Hay'adda bixisay abaal marinta ayaa sheegtay in ay ku mutaysatay doorkeeda ku aaddan korinta wacyiga ruux ahaaneed iyo badbaadinta jidh ahaaneed ee ay u fidisay haweenka Soomaaliyeed.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsannahay inaan maamuusno Edna Aadan Ismaaciil oo ah gabadh ka faa’iidaysatey cilmigeeda diineed, saamaynta qoyskeeda, iyo waxbarashadeeda guud si ay u horumariso caafimaadka iyo horumarinta fursadaha qaar ka mid ah haweenka iyo hablaha adduunka ku tabaalaysan.” ayaa ay boggooda ku qoreen bahda John Templeton Foundation

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wax-qabadyada badan ee ay samaysay Edna waxa ka mid ah aasaaskii Jaamacadda Edna Aadan iyo Cusbitaalka Edna Aadan oo si weyn hoos ugu dhigay dhimashada hooyada iyo dhallaanka Somaliland, iyo sida oo kalena ololaheeda hagar la’aanta ah ee ay ku doonayso inay ku joojiso gudniinka fircooniga ah.

Waxa ay noqonaysaa sida ay sheegeen bahda bixisay abaalmarintani haweenaydii u horraysay ee Afrikaan ah ee ku guulaysatay abaalmarinta Templeton Prize.

Sida oo kalena waxa ay ku qeexeen bahda Templeton, in abaalmarintani tahay sida ay rumaysan yihiin tii ugu qaalisanayd ee la siiyo haweenay Afrikaan ah.

Dhanka kale, Adna Aadan oo wareysi gaar ah siisay Hay’adda John Templeton Foundation iyadoo ka sheekeyneysa taariikhdeeda iyo sida ay ku soo bilowday shaqada umulisada iyo waxyaabihii ay ka soo martay ayaa tiri:

“Waxaan ku soo jeedaa qoys isku dhaf ah, hooyadey waxay ahayd masiixiyad haysata madhabta Katooligga, aabahayna Muslim. Waxaa nagula soo barbaariyay inaan qadarino diimaha oo dhan.”

"Waxaan aaminsanahay in diimaha badankoodu ay isku mid yihiin," Waxay faraan mabaadii' isku mid ah sida xaqa, samafalka, naxariista, daacadnimada.

“Waxaan arkaa waxyaabo ay iskaga mid yihiin firqada Catechism ee madhabta Katooligga iyo Qur'aanka."

Maxay ka tidhi abaalmarintan ay heshay Edna?

.

Edna Aadan sida ay ku sheegtay falcelin ay siisay hay'adda guddoonsiisay abaalmarintan, waxay sheegtay in ay ku faraxsan tahay, isla markaana Sharaf u tahay helidda aqoonsigani.

Waxaana ay sii raacisay in lacagta ay ke heli doonto abaalmarintan ay ahaan doonto mid ay ku sii waddo kaabidda dedaalladii iyo hawlihii caafimaad ee ay wadday.

"Lacagta abaalmarintaas waxaa loo isticmaali doonaa in lagu taageero isbitaalka si uu u guto shaqadiisa muhiimka ah, sida helitaanka qalab caafimaad, shaqaaleysiinta barayaal khubaro ah, awood u yeelashada ballaadhinta si loogu adeego bukaanno badan, iyo in la sii wado tababarka jiilka soo socda, kuwaas oo noqonaya shaqaalaha caafimaadka ee Bariga Afrika si aad ah ugu baahan tahay.” ayaa ay Edna Aadan.

Edna Aadan ayaa imika jirta da'aadda 85 sano iyada cimirigeeda inta u badanna ku qaadatay ka shaqaynta caafimaadka.

Waxaa kale oo ay wasiir ka soo noqotay Somaliland, iyada haatanna haysa xilka Ergayga Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland u qaabilsan Somaliland.

Adna ayaa si weyn ugu ololeysa ictiraaf raadinta Somaliland.

Sanadkii 2018 ayaa ay jaamacadda London South Bank oo ay horay wax uga baratay waxa ay ku sharaftay shahaadada doctorate. Waxaana ay haatan deggan tahay magaalada Hargeysa.