Ruushka oo bilaabay barnaamij lagu dhiirigelinayo dhalmada gabdhaha oo ay ardaydu ku jiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ruushka ayaa bilaabay barnaamij cusub oo lagu siinayo kaalmo dhaqaale hooyooyinka da'da yar si ay u umulaan si kor loogu qaado heerka dhalmada ee dalkaasi.
Kuwa dhaleeceynaya barnaajikan waxay ku doodeen,in barnaamijyadan oo kale loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo uurka dhallinta yar oo ay ku jirtaan in loo bandhigo ardayda in qaadaan uur aanay dooneyn.
Baaritaan ay samaysay BBC-da ayaa lagu ogaaday in 27 gobol oo Ruushku ka tirsan ay soo bandhigeen barnaamijyo tan iyo bishii January taas oo u suurtogelisay ardayda uurka leh ee tacliinta sare in ay dalbadaan lacag hal mar ah.
Haweenka da'doodu ka yar tahay 25 sano ayaa xaq u yeelanaya lacagtaas, khidmadduna waa 100,000 Rubi oo Ruush ah, ama qiyaastii $1220.
Ilaa hadda, haween badan ayaa helaya lacagtaasi cusub.
War ka soo baxay wasaaradda shaqada ayaa lagu sheegay in gabdhaha da'da yar oo ay ku jiraan arday, ay uur qaadaan, isla markaana ay ka faa'ideystaan barnaamijkan, taas oo qeyb ka ah kororka degdegga ah ee tirada carruurta dhalanaysa.
Sharciga ayaa ah midka ugu doodda badan, sababtoo ah tirada sii kordheysa ee gabdhaha uurka ku qaada dugsiyada ee gobollo badan.
Sharcigu waxa uu dhigayaa da'da ka hooseysa 25 laakiin ma jiro wax xaddidaya oo da'da hoose ah, taas oo macnaheedu yahay in ay quseyso gabdhaha da'adoodu tahay 18 sano ama ka yar.
Da'da guurka ee Ruushka waa 16 jir, qaar kalena waxay qeylo dhaan ka sameeyeen diidmada sharciga, taas oo kordhisay khatarta uurka ee dadka qaangaarka ah ee ka yar da'dan.
Xildhibaan Ruush ah, Kesenia Goryacheva, oo daacad u ah dowladda Madaxweyne Vladimir Puti ayaa ah mid aan u dhaliisha siyaasaddan.
Waxay sheegtay inay khalad tahay in la sameeyo wax khatar gelinaya gabdhaheenna si loo saxo tirada dadaweynaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Nina Ostanina oo u ololaysa xuquuqda bini'aadanka ayaa sheegtay in lacagahan oo kale "aysan ahayn oo kaliya mid ka hor imanaysa xeerarka bulshada, balse sidoo kale waxay muujinayaan in dawladdu ay isku dayayso inay ku dhiirigeliso haweenka da'doodu ka yar tahay 18 jir inay ubad dhalaan.
Barasaabka gobolka Oryol Andrey Kilyechikov ayaa sheegay in tallaabooyin ilaa heer federaal ah la ansaxiyay si dadka loo dhiirigeliyo "kuwa ka baqaya inay uur qaadaan xaalado nololeed oo adag awgeed"
Sannadkii hore tiradii ugu yareyd ee caruura ayaa ku dhashay Ruushka taas oo ah mid ka mid ah tiradii ugu yareyd 5tii sano ee la soo dhaafay - kaliya 1.2 milyan.
Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa ku tilmaamay heerka dhlamada mid "aad u hooseeya" iyo "suurtagalna ay tahay in ay masiibo ku keeni karta mustaqbalka qaranka."
Marka la gaaro 2046, dadka Ruushka waxaa la filayaa inay hoos ugu dhacaan 139 milyan
Xaaladdan ayaa sanado badan hal-ku-dheg u ahayd khudbadaha madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Khudbad uu jeediyay bishii Diseembar, wuxuu ku sheegay "horumarinta xaaladda tirakoobka, taageeridda heerarka dhalashada iyo qoysaska waaweyn" in ay ahayd "mudnaanta qaranka".
Ilaa hadda tiro yar oo haween ah ayaa helay lacagaha cusub.
BBC ayaa ururisay diiwaanka 66 arday oo uur leh tan iyo bishii Janaayo kuwaas oo helay lacag u dhaxaysa 20,000 iyo 150,000 rubles ($ 242 iyo $ 1,815) gobollada kala duwan ee Ruushka.
Wasiirka shaqada Anton Kotyakov ayaa sheegay bishii April, in lacagaha aysan ahayn in lagu dhiirigaliyo dhalmada hore, balse ay tahay in lagu taageero hooyooyinka da'da yar ee ku jira xaaladaha adag.
"Taageerada gobolka waa in lagu wajaho dhammaan hooyooyinka u baahan, oo da' kasta, waa in aanan ka tagin qof kaligiis xaaladda nololeed ee uu wajahayo."
Lacag-bixinta cusubi waxay kordhinaysaa barnaamijyadii jiray, oo ay ku jiraan "lacagta dhalmada" - lacag-bixin la soo bandhigay 2007-dii taas oo markii hore la siinayay ilmaha labaad, laakiin markii dambe lagu daray ilmaha koobaad.
Qoysasku hadda waxay helayaan 690,000 rubles ($ 8,349) ilmahooda ugu horreeya iyo 222,000 rubles kale ($ 2,686) ubadkoodka labaad. Waxa taas sii dheer lacagaha cusub ee ardayda iyo gabdhaha dhigta iskuulka la siinayo.
Khubarada ayaa sheegaya in dadaallada ay dowladuhu ku doonayaan in ay wax kaga beddelaan isbeddellada tirakoobka ay dhif tahay in lagu guuleysto mustaqbalka fog.
"Isku dayada lagu kicinayo heerka dhalmada canguga koobaad kama aanay shaqayn, Ruushka iyo dibadda midna tobankii sano ee la soo dhaafay," ayuu yidhi Alexey Raksha oo madax-banaan oo Ruush ah.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in hirgelinta lacagtaa dhalmada ee carruurta labaad ay kor u qaadday heerka bacriminta ee Ruushka markii hore.
"Ingiriiska iyo Maraykanka, ujeedadu waa in la dhimo uurka gabdhaha dhalinyarada, sababtoo ah inta badan waxay keentaa dhibaatooyin bulsho waxayna waxyeelo u geysataa caafimaadka hooyada – ma aha qoysas ballaaran, sida dawladaha qaarkood ay rajeynayaan," ayuu yiri.
Labada khabiirba waxay yiraahdeen badbaadada maaliyadeed ee ballaaran ayaa door muhiim ah ka ciyaarta.
Iyada o aany jirin "dareen xasillooni leh," ayuu yiri Prof Ermisch, haweenku "uma dhalin doonaan lacag darteed".










