Trump oo su'aal galiyey rabitaanka nabadda ee Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images
Donald Trump ayaa su'aal galiyay rabitaanka Vladimir Putin ee ah in la soo afjaro dagaalka Ukraine ka dib markii uu la kulmay hogaamiyaha dalkaas Volodymyr Zelensky oo ay ka wada qeyb galeen aaska Pope Francis.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada markii uu ka baxay Rome, trump ayaa sheegay inuu ka baqayo in Putin uu "marin habaabinayo" ka dib markii Mosco ay duqaysay Kyiv horraantii toddobaadkan isaga oo intaa ku daray "ma jirto sabab uu Putin gantaallo ugu garaaco goobaha rayidka,"
Trump iyo Zelensky ayaa horraantii maalintaas lagu arkay iyaga oo si qoto dheer ugu doodaya gudaha Basilica-da St. Peter, kahor inta aan aaska si rasmi ah u bilaaban.
Aqalka Cad ayaa kulanka dhexmaray Trump iyo Zelensky oo qaatay 15 daqiiqo ku tilmaamay "mid wax soo saar leh". Madaxweynaha Ukraine, Zelensky, ayaa sheegay in kulankaasi uu "yahay mid taariikhi ah noqon kara".
Wuxuu ahaa kulankii ugu horreeyey ee fool ka fool ah ee Trump la yeesho dhigiisa Ukriane Vladamir Zelensky tan iyo bishii Feebaraayo ee sannadkii hore markaas oo hadalo kulul ay is waydaarsadeen intii lagu guda jiray kulankoodii xafiiska Oval ee aqalka Cad.
Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa Truth Social ayaa sheegay in weerarrada Ruushku ku qaaday magaalooyinka Ukraine ay ku rideen shaki, isagoo yiri: "Waxay igu keentay inaan u maleeyo in laga yaabo inuusan doonayn inuu dagaalka joojiyo, balse uu i khiyaanayo, waxaana laga yaabaa in si kale loola tacaalo—tusaale ahaan 'Bangiyada' ama 'Cunaqabateyn labaad.
Trump ayaa horrey u sheegay in Ruushka iyo Ukraine ay "aad ugu dhow yihiin heshiis" ka dib wadahadal qaatay saddex saacadood Jimcihii oo dhexmaray ergaygiisa Steve Witkoff iyo madaxweynaha Ruushka.
Dhinaca kale, Kremlin-ka ayaa Sabtidii sheegay in Putin uu u xaqiijiyay Witkoff in Ruushku uu diyaar u yahay inuu si toos ah ula fariisto Ukraine si ay u wadahadlaan, "iyadoo aan wax shuruudo ah lagu sii xirayn".
Kulankii Trump iyo Zelensky ee ka dhacay Rome ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ay si fool ka fool ah u kulmaan tan iyo kulankii ay ku yeesheen Aqalka Cad, xilligaas oo Trump u sheegay Zelensky: "adigu ma haysato wax kaarar ah" isla markaana uusan dagaalka Ruushka kaga adkaanayn.
Trump ayaa fariintaas markale ku celiyay toddobaadkan, isagoo sheegay in madaxweynaha Ukraine "uusan haynin wax kaarar ah oo uu ciyaaro." Trump ayaa horay Ukraine ugu eedeeyay inay bilowday dagaalka, wuxuuna dhowr jeer ku eedeeyay Zelensky inuu caqabad ku yahay wada-hadallada nabadeed.

Xigashada Sawirka, Andriy Yermak/Telegram
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Laakiin Aqalka Cad ayaa si togan uga hadlay kulankii Sabtida, halka Zelensky uu ku tilmaamay fadhigu inuu yahay "kulan astaan u ah oo awood u leh inuu noqdo mid taariikhi ah, haddii aan gaarno natiijooyin wadajir ah".
Laba sawir oo laga soo saaray kulanka ayaa muujinaya madaxweynaha Mareykanka oo xiran jaakad buluug ah, iyo madaxweynaha Ukraine oo ku labisan funaanad iyo surwaal madaw, iyagoo si xooggan u wada hadlayay iyagoo iska soo horjeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Andrii Sybiha, ayaa sidoo kale sawirka kulanka ku soo qoray barta X (Twitter), isagoo leh: "Erayo looma baahna si loo sharraxo muhiimadda kulankan taariikhiga ah. Laba hoggaan oo u taagan nabadda gudaha Basilica-da St. Peter."
Sawir kale oo ay soo bandhigeen wafdiga Ukraine ka socday ee ku sugnaa gudaha St Peter's ayaa muujinayay labada nin oo ay garab taagan yihiin Ra'iisul Wasaaraha Britain Sir Keir Starmer iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo gacanta ku haya garabka Zelensky.

Xigashada Sawirka, Andriy Yermak/Telegram
Macnuhu wuxuu ahaa in ra'iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Faransiisku ay gacan ka geysteen isu keenista labada hoggaamiye.
Kulanka ka dib, Trump iyo Zelensky waxay soo mareen jaranjarada xarunta kaniisadda, halkaas oo imaatinka Zelensky uu helay sacab badan oo ka imaanayay dadweynihii isugu soo baxay, waxayna fariisteen kuraastooda safka hore.
Intii ay ku sugnaayeen halkaas waxaa labada madaxweyne e Ukriane iyo Maraykanka u dhaxeeyey kuraas ay fadhiyeen madax uu ka mid yahay madaxweynaha Faransiiska.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cardinal Giovanni Battista Re oo jeediyay khudbaddii aas-ka, ayaa ka hadlay baaqyada joogtada ahaa ee Pope Francis u jeedin jiray nabadda. Wuxuu yiri: "Dhiso buundooyin, ha dhisin derbiyo" – waa waano uu Pope-ka marar badan ku celceliyay.
Mas'uuliyiinta Ukraine ayaa ka hadlay suuragalnimada kulan labaad, balse kolonyada gaadiidka Trump ayaa si degdeg ah uga dhaqaaqday St. Peter's kadib xafladda, waxaana diyaaraddiisu Rome ka tagtay wax yar kadib.
Zelensky, dhankiisa, wuxuu beerta Villa Bonaparte, oo ah safaaradda Faransiiska ee Vatican-ka kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweyne Macron. Waxaa kale oo la kulmay Raysal Wasaaraha UK Sir Keir Starmer iyo madaxweynaha guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen.
Madaxweyne Macron ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ee horrey loo oran jiray (Twitter) ku sheegay in dhammaadka dagaalka Ukraine uu yahay yool ay isaga iyo Madaxweyne Trump si wadajir ah u wadaagaan, isagoo intaas ku daray in Ukraine diyaar u tahay "xabbad-joojin aan shuruud lahayn."
Trump ayaa cadaadis sii kordhaya saaray Kyiv si ay u aqbasho dhul-ka tanaasul qayb ka ah heshiis nabadeed oo lala gaaro Moscow, taasoo la rumeysan yahay inay ku jirto in Ukraine ay ka tanaasusho dhulal ballaaran—gaar ahaan jasiirada Crimea oo si sharci darro ah ay Ruushku u qabsadeen 2014.
Zelensky ayaa si cad u diiday arrintaas marar badan. Wuxuu u sheegay BBC-da Jimcihii in "xabbad-joojin dhammeystiran oo aan shuruud lahayn ay fure u noqon karto in wax walba laga wada hadlo."













