Suudaantu waxa ay cunayaan dhuxusha iyo caleemaha si ay u badbaadaan, hay'ad gargaar ayaa sidaas ka digtay

Dadka Reer Suudaan ayaa cunaya caleemaha iyo dhuxusha si ay u noolaadaan ka dib markii ay ka carareen weerar lagu qaaday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo u dhow magaalada el-Fasher, sida ay BBC-da u sheegtay hay’ad gargaar

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Barakacayaasha ayaa isku dayay in ay badbaadiyaan ka dib markii la weeraray xerada Zamzam.

Dadka Reer Suudaan ayaa bahai darteed waxa ay cunaya caleemaha iyo dhuxusha si ay u badbaadaan ka dib markii ay ka carareen weerar lagu qaaday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo u dhow magaalada el-Fasher, sida ay BBC-da u sheegtay hay'ad gargaar.

"Sheekooyinka aan maqalnay runtii waa kuwo argagax leh," Noah Taylor, oo ah madaxa hawlgallada Golaha Qaxootiga Norway, ayaa u sheegay barnaamijka Newsday ee BBC-da.

Dadku waxay ka qaxayaan el-Fasher iyagoo u socda Tawila, laakiin way dhimanayaan "markii ay yimaadaan," ayuu Mr Taylor ku daray hadalkiisa.

Waxa uu sheegay in qaarkood ay "harraad u dhimanayaan", iyaga oo 40km uga soo safray xerada Zamzam iyagoo ku jira kulayl "xanuun leh".

"Waxa aan maqalnay sheekooyin, waxaa jira meydad weli yaalla waddada u dhexeysa El-Fasher iyo Tawila.

"Waxa aan la hadalnay qoys noo sheegay gabar kaligeed lug ku soo martay el-Fasher, oo marar badan lagu kufsaday safarka, ka dibna ay u geeriyootay dhaawacii soo gaaray markii ay Tawila timid.

El-Fasher ayaa ah magaaladii ugu dambeysay ee gobolka Darfur ee galbeedka Sudan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada iyo xulafadooda. Horaantii bishan, Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ayaa weeraray xerada Zamzam ee u dhow, taas oo ku qasabtay tobanaan kun inay ka cararaan hoyga ay ku noolaayeen ee ka sameysan cooshadaha.

Dad badan oo reer Zamzam ah ayaa halkaas ku sugnaa muddo labaatan sano ah, ka dib markii ay ka soo carareen colaadihii hore ee Darfur.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

RSF ayaa ciidanka dowladdala dagaalamaysay labadii sano ee la soo dhaafay, dagaal ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 150,000 oo qof, kuna qasbay ilaa 13 milyan oo qof in ay guryahooda ka qaxaan.

Hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in ay tahay dhibaata bini'aadantinimo tan ugu xun adduunka.

Si kastaba ha ahaatee, dhibaatooyinka maalgelinta ayaa horseeday in QM ay dhinto cunnada gargaarka ah ee ay geyso meelaha ay macaluushu ku dhufatay ee dalka Suudaan, ayay tiri QM.

RSF ayaa lagu eedeeyay in ay beegsatay dadka aan Carabta ahayn ahayn ee deggan Darfur intii uu dagaalku socday.

Khamiistii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK David Lammy ayaa sheegay in ay tani muujinayso "astaamaha isir sifeynta oo laga yaabo inay u dhigmaan dembiyo ka dhan ah aadanaha".

Waxa uu ku boorriyay labada dhinac in ay "siiyaan hawl-wadeenada bini'aadantinimada dammaanad qaadka amni ee loo baahan yahay si ay gargaar degdeg ah u gaarsiiyaan".

Ugu yaraan 481 qof ayaa lagu dilay Waqooyiga Darfur, agagaarka El-Fasher, tan iyo 10kii Abriil, Qaramada Midoobay ayaa sidaasi sheegtay Jimcihii, iyadoo ka digaysa in tirada guud ay aad uga badan tahay.

Madaxa Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee QM, Volker Türk, ayaa walaac ka muujiyay xaaladda, isagoo yiri: "Nidaamka lagu caawinayo dhibanayaasha meelo badan ayaa qarka u saaran inu burburo, shaqaalaha caafimaadka laftooda ayaa khatar ku jira iyo xitaa ilaha biyaha oo si ula kac ah loo weeraray."

Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay "warbixinnada baahsan ee xadgudubyada galmada".

Xerada Zamzam ayaa la gubay "oo dhulka lala simay", sida uu sheegay Nathaniel Raymond, madaxa shaybaarka cilmi-baarista bini'aadantinimada ee jaamacadda Yale ee Caafimaadka Dadweynaha.

Mr Raymond ayaa ku tilmaamay "burbur nidaamsan guud ahaana gubista guryaha" iyo "goobaha gargaarka", isagoo intaa ku daray in dadkii ay u suurtagashay in ay ka baxsadaan xerada Zamzam ay waddada ku dhimanayaan ".

Mr Taylor ayaa sidoo kale ka digay in Tawila ay la daalaa dhacayso qulqulka dadka ka cararaya guryahooda.

"Waxa jira cunto yari, habka biyaha ayaa aad u yar," ayuu yirii, isagoo intaas ku daray in magaaladaasi yar ay hadda hoy u tahay qiyaastii 130,000 ilaa 150,000 oo qof.

Toddobaadkii hore, dad ka qaxay xerada Zamzam ayaa BBC-da u sheegay in guryahoodii la gubay, isla markaana rasaas lagu furay. RSF ayaa sheegtay in ay weerartay xerada balse waxa ay beenisay in ay geysatay wax xadgudub ah.

Dagaallada ayaa sidoo kale ka socda meelo kale oo Suudaan ah.

Gobolka koofureed ee galbeedka Kordofan 74 qof ayaa lagu dilay markii RSF ay weerartay tuulada al-Zacafah, sida ay sheegtay shabakada dhakhaatiirta Sudan maalintii Jimciha.