Trump oo sheegay inuusan ku faraxsanayn dhimashada duqaymaha Ruushka ee Ukriane

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan "ku faraxsaneyn" weerarrada dhimashada leh ee Ruushka uu ku qaaday Kyiv, wuxuuna ugu baaqay Madaxweyne Vladimir Putin inuu "joojiyo" hase yeeshee kama uusan hadlin haddii tallaabooyin dheeraad ah laga qaadi doono Ruushka.
Habeenkii xalay illaa Khamiista, weerarrada lagu qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv, waxaa ku ku dhintay ugu yaraan 12 qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inuu "cadaadis badan saarayo" labada dhinac si loo soo afjaro dagaalka Ukraine, kadib weerarradii ugu dhimashada badnaa ee Kyiv ka dhacay tan iyo bishii Luulyo ee sanadkii hore.
Arrintani waxay noqotay caqabad cusub oo ku hor gudban dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis nabadeed oo u dhexeeya labada dal.
Trump oo si dhif ah u dhaleeceeyay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ee Truth Social ku yiri: "Ma ahayn wax loo baahnaa, waqti xunna waa lagu sameeyay. Vladimir, JOOJI!"
Weerarkan ayaa yimid iyadoo cadaadis sii kordhaya lagu saarayo Ukraine iyo madaxweyne Volodymyr Zelensky si ay u aqbalaan in Ruushku sii haysto dhulalka uu qabsaday, si heshiis nabadeed loo gaaro.
Madaxweyne Trump, oo khamiistii aqalka cad ay shir jaraa'id ku wada qabteen Ra'iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Støre ayaa sheegay inuusan "cidna daacad u ahayn", balse uu u heelan yahay badbaadinta nafaha.
Inkastoo uu qirtay inuu ka niyad jabay Putin, Trump wuxuu sheegay inuu sugayo toddobaadkan si loo arko haddii heshiis la gaaro basle wuxuu sheegay in "waxyaabo ay dhici doonaan" haddii duqeymaha aan la joojinin.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxweyne Volodymyr Zelensky oo ka jawaabayey weerarradaas xilli uu booqasho ku joogay Koonfur Afrika, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Mareykanku si adag ula hadli karo Ruushka si loo helo xabbad-joojin.
"Waxaan aaminsanahay in haddii cadaadis dheeri ah la saaro Ruushka, aan awoodo inaan mowqifyada isugu soo dhawaano," ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo la hadlayay suxufiyiinta.
Mar la waydiiyay in uu diyaar u yahay in uu wax tanaasulaad ah sameeyo, Zelensky waxa uu sheegay in xaqiiqadu tahay in Ukraine ay diyaar u tahay in ay la xaajooto Ruushka gabi ahaanba ay tahay "isku tanaasul weyn" iyo " inxabad joojintu waa in ay noqotaa tallaabada ugu horreysa"."Haddii Ruushku sheegayo inuu diyaar u yahay inuu joojiyo dagaalka, waa inuu marka hore joojiyaa weerarrada baaxadda leh ee uu ku hayo Ukraine. Waa dadka reer Ukraine ee dulqaadkoodu gabaabsi yahay, waayo annaga ayaa nala weeraray, ma ahan cid kale," ayuu intaas ku daray.

Xigashada Sawirka, EPA
Weerarka ayaa sidoo kale sababay in Zelensky uu si degdeg ah u soo gaabiyo safarkiisii Koonfur Afrika oo uu dib ugu laabto dalkiisa.
Kahor weerarkii lagu qaaday Kyiv, waxay muujisay xumaanshaha xiriirka horey u jilicsanaa ee u dhexeeya Trump iyo Zelensky – kadib markii Madaxweynaha Mareykanka uu soo jeediyay in Ukraine ay dhul ka tanaasusho si loo gaaro heshiis nabadeed.
Arbacadii, Trump wuxuu sheegay in heshiis lagu soo afjaro dagaalka uu yahay "mid aad u dhow", balse diidmada Zelensky ee shuruudaha Mareykanka ay "kaliya sii dheereyn doonto dagaalka".
Ukraine waxay muddo dheer ku adkaysatay in aysan marnaba ka tanaasulayn Crimea, jasiirad ku taalla koonfurta dalka oo si sharci-darro ah uu Ruushku u la wareegay sanadkii 2014.
Isla Arbacadii, Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa si cad u faahfaahiyay aragtida Mareykanka ee heshiis nabadeed, isagoo sheegay in heshiiska uu "xeerin doono xuduudaha dhuleed ee dagaalku ku, isagoo intaas ku daray in Ukraine iyo Ruushka "labaduba ay tahay inay ka tanaasulaan qaybo ka mid ah dhulka ay hadda gacanta ku hayaan".
Mar ay saxafiyiin ku sugan Aqalka Cad todobaadkan wax ka weydiiyeen in maamulku uu raadinayo in uu aqoonsado madax-banaanida Ruushka ee Crimea, Trump, waxa uu sheegay in uu kaliya doonayo in uu arko dagaalka oo dhammaaday.
Aqoonsiga qabsashada sharci darrada ah ee Ruushka ee Crimea ma noqon doonto oo keliya siyaasad aan macquul ahayn in Zelensky uu aqbalo, waxay sidoo kale noqon doontaa mid liddi ku ah xeerarka caalamiga ah ee dagaalka ka dib in xuduudaha aan lagu beddelin xoog.
Booqashada madaxweyne Zelensky ee Koonfur Afrika, oo uu kula kulmay madaxweyne Cyril Ramaphosa, ayaa muujisay horumar weyn oo ku yimid xiriirka labada dal ee mar xumaaday.
Maraykanka ayaa ka mid ahaa xulafada ugu dhow ee Ukraine ilaa dib loo doortay Trump bishii November. Hadda Ukraine waxa ay aad u doonaysaa in ay ballaadhiso wada-hawlgalayaasha caalamiga ah - gaar ahaan Afrika oo waddamo badan ay xiriir adag la leeyihiin Ruushka.
Koonfur Afrika ayaa sidoo uu xumaaday xiriirkii kala dhexeeyay Washington, iyadoo Maraykanku uu dalkiisa ka soo eryey safriikii dalka Koonfur-Afrika uuna meesha ka saartay dhaqaalihii gargaarka.
Koonfur Afrika ayaa sheegtay in mawqifkeeda aan isbahaysiga ahayn uu dhigayo booska ugu sarreeya si ay gacan uga geystaan sidii ay heshiis nabadeed ula gaari lahaayeen Ruushka.













