Labada qalanjo ee basaasiinta u ahaa Ruushka ee ay BBC-du dabagalka ku samaysay

Haweenka

Xigashada Sawirka, FACEBOOK-GA

Kooxda baarista ee BBC-da ayaa markii ugu horeysay daabacday magacyada labo dumar ah oo ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka, kuwaas oo ka howlgalayay shabakad laga maamulayay dalka Ingiriiska.

Gabdhahan oo ah muwaadiniin u dhashay wadanka Bulgaariya ee kala ah Chuatlina Gencheva iyo Tsotanka Doncheva, ayaa ka qayb qaatay hawlgal faahfaahsan oo ilaalo ah oo ka dhan ah shakhsiyaadka ay bartilmaameedsatay shabakadd wax lagu basaasayay.

BBC-da ayaa xiriir la sameysay gabdhahan, si ay wax uga ogaato howlahan basaasnimada, balse midkoodna kama jawaabin su'aalihii la weydiiyay.

Mar aan la xiriirnay Ms. Gencheva, oo ka tirsan shaqaalaha garoonka diyaaradaha, taleefanka ayay jartay, balse waxay soo dirtay farriin ah in aysan ka hadleyn kiiskaas.

Dhanka kale, xiriir aan sido kale la sameynay Ms. Doncheva, xili ay ku sugnayd meel u dhow gurigeeda oo ku yaal magaalada Vienna ee dalka Austria, si aan wax uga weydiino arrintan, waxay dafirtay inay tahay qofka aan wacnay.

Magaalada London, lix muwaadin oo kale oo Bulgarian ah ayaa sugaya xukun la xiriira doorkii ay ku lahaayeen basaasnimada Ruushka iyagoo xubin ka ah shabakada.

Booliisku ayaa hawlgalkan basaasinimo ku tilmaamay "mid aad casri u ah" oo khatar ku ah nolosha muwaadiniinta. Saddex ka mid ah waxa ay qirteen in ay ogaayeen in ay u shaqaynayeen Ruushka, halka saddexda kalena ay ku guuldaraysteen in ay ku qanciyaan xeerbeegtida intii ay socotay dacwadda ka socotay Maxkamadda Dembiyada Old Bailey ee London, in aanay basaas ahayn oo lagu helay dambiga.

Maxkamada ayaa sidoo kale dhageysatay kiiska labo dumar ah, kuwaasi oo Yurub ugu howlanaa howlo ilaalo ah.

BBC ayaa dabagal ku samaysay oo xaqiijisay aqoonsiga labada dumar iyadoo u martay cilmi baaris dhijitaal ah, waxay sidoo kale la xogo ka heshay ilo kala duwan.

Haweeneyda

Xigashada Sawirka, Cvetlina Gencheva/Facebook

Shaqaalaha daahsoon ee garoonka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Chuatlina Gencheva, oo ku nool magaalada Sofia ee caasimadda dalka Bulgaria, waxay shaqadeeda kaga faa'iidaysatay shirkadda diyaaradaha, si ay u hesho xogta gaarka ah ee duulimaadka dadka ay shabakaddu bartilmaameedsaneysay.

Basaasiinta howlahan wada ayaa raacaya rakaabka bartilmaameedka u ah, iyagoo fariisanaya kursiga ku xiga, si ay u helaan xogta taleefannadooda gacanta.

Xittaa waxay soo heeleen lambarka taleefanka weriye Roman Dobrokhotov, kiiskaas oo kamid ah kiisaska lagu helay basaasiintan.

Gencheva waxay ka mid ahayd koox loo diray magaalada Berlin si ay u basaasto Dobrukhotov, oo ah wariye baritaanada sameeya oo u dhashay dalka Ruushka.

Waxay sidoo kale direysay xogta duulimaadka ee wariye Kristo Grozov, oo isna ka soo jeeda Ruushka, waxaana loo xilsaaray inay uruuriso xogta safarka Kirill Kachur, kaas oo mucaarad ku ah dawladda Ruushka.

Magacyada ayay bedesheen, laakin BBC-du waxay Ms Genchua ku aqoonsatay baraheeda bulshada, ka dib, waxay ogaatay inay tahay shaqaale diyaaradeed.

Marka la eego macluumaadka barteeda LinkedIn, waxay la soo shaqeysay shirkado diyaaradeed. Diiwaanka shirkadaha ee Bulgaria ayaa muujinaya inay sidoo kale leedahay shirkad duulimaad oo caalami ah.

Ilo wareedyo ayaa BBC-da u xaqiijiyay in ay xiriir la leedahay shabakada basaaska ee laamaha ammaanka Bulgaria, balse aanan lagu soo oogin wax dambi ah.

Waxaan kula xiriirnay taleefanka Bulgaria oo ay u adeegsato howlaha guryaha. Markii ay ogaatay in BBC-du soo wacday way jartay iyadoo aan xittaa ogaan sababta loo soo wacay.

Genchua ayaa bedeshay magacyadeeda baraheeda Facebook-ga iyo LinkedIn, ka dib markii ay la xiriirtay BBC-da, laakiin waxay boggeeda ku keydisay qeyb ay ku sheegtay inay la shaqeyneysay shirkadda diyaaradaha ee Amadeus.

Basaas

Xigashada Sawirka, Tsveti Doncheva/Facebook

Haweeney ku nool Vienna

Doncheva, iyaduna waxay basaaseysay Christo Grozov, oo ah wariye u dhashay dalka Ruushka oo baaritaanno sameeya, kaas oo ku sugan magaalada Vienna.

Wariyaha ayaa soo bandhigayay arrimo la xirriira Ruushka.

Waxay kaamero ku rakibtay guri dabaq ah oo ka soo horjeeda halka uu Grozov ku noolaa iyadoo sidoo kale sawiro ka qaaday gurigiisa.

BBC-da ayaa Donchowa ku aqoonsatay akoonadeeda baraha bulshada kadibna, ilo ku sugan Austria ayaa xaqiijiyay aqoonsigeeda.

Intii ay socotay su'aalo ay booliska weydiinayeen, Ms. Donchowa waxa ay qiratay in ay sawiro ka qaadday goobtii uu ka shaqeynayey wariyaha, xiligaa soo ay ku sugnayd goob maqaaxi ah oo goobta ka ag-dhoweyd.

kuwa kale

Xigashada Sawirka, Metropolitan Police

Labadan dumar ah ayaa ka barbar shaqaynayay lix muwaadin oo kale oo Bulgarian ah kuwaas oo lagu helay dambi ah inay u basaasayeen Ruushka.

Waxay is dhaafsadeen ku dhowaad 80,000 oo farriimo ah.