Magaalooyinka adduunka ugu nabdoon ee lagu noolaado 2025

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaalada Vienna ayaa kaalin sare ka gashay magaalooyinka ugu nabdoon ee lagu noolaado adduunka. Dhowr sano ayey halkaas ku jirtay, waxayna sandkan sii joogtay in ay ka sii mid noqoto dalalka ugu horeeya.
Ururka EIU ayaa muddo sameynayay qiimeynta heerarka magaalooyinka adduunka marka la fiiriyo ammaanka iyo nolosha.
Sanadkan 2025-ka wax weyn ayaa isbeddalay. Markii ugu horeysay muddo saddex sano ah Vienna waxay ka baxday kaalinta koowaad. Copenhagen ayaa kor u kacday oo dhaaftay Vienna. Waxybaaha ay kaga wanaagsanaatay waxaa ka mid ah tacliinta iyo kaabayaasha.
Waxybaaha sanadkan lagu kala tagay waxaa ku jira ammaanka iyo xiisadaha siyaasadeed ee adduunka ka taagan.
Vienna waxay la kulantay khatar bam taas oo keentay in dib loo dhigo bandhigii Taylor Swift ee sanadkii hore iyo sidoo kale weeraro qorsheysan oo lagu qaaday saldhiga tareenada.
Magaalooyinka kale ee reer galbeedka ee sanadkan galay kaalmaha ugu horeey waxaa ka mid ah kuwa ku yaal dalalka Australia, New Zealand iyo Canada. Magaalada Osaka ee dalka Japan ayaa noqotay magaalada kaliya Asia ee gashay tobanka ugu horeeya.
Hadaba maxay ka dhigan tahay in magaalo noqoto tan ugu ammaanka fiican? Taas waxaa nooga jawaabay dadka ku nool shanta magaalo ee adduunka ugu nabdoon.
1. Copenhagen
Magaalada Copenhagen waxay noqotay tan ugu ammaanka badan adduunka ee lagu noolaado. Sidoo kale waa magaalada ugu farxada badan adduunka. Farxada iyo nabadda waa darajo isla socota inta badan.
"Tareenka waxa uu yimaadaa waqtiga saxda ah oo daqiiqad dib uma dhaco marka uu imaanayo. Cidna kulama yaabeyso hadii aad maqaayad gasho adigoo xiran dhar aan loogu talogalin" ayuu yiri Thomas Franklin oo deggan magaalada Copenhagen kaas oo sidoo kale madax ka ah shirkadda Swapped, wuxuuna intaas ku daray, "Waddooyinka waa kuwa waaweyn, baaskiilada waxay ka badan yihiin gawaarida, dhabtii waa magaalo si fiican looga shaqeeyay".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Franklin wuxuu sidoo kale amaanay niyadda dadka ku nool magaalada. Ma jiro wax kuugu qasbaaya in aad qorsheyso kulamada. Dadka waxaad la kulmi kartaa adigoon hore ula ballamin, waxaadna la sheekeysan karta saacado.
10-ka magaalo ee ugu nabdoon 2025
1. Copenhagen, Denmark
2. Vienna, Austria (tied)
2. Zurich, Switzerland (tied)
4. Melbourne, Australia
5. Geneva, Switzerland
6. Sydney, Australia
7. Osaka, Japan (tied)
7. Auckland, New Zealand (tied)
9. Adelaide, Australia
10. Vancouver, Canada
2. Vienna
Magaalada Vienna ee Austraia waxay ka soo degtay kaalinta koowaad, waxayna gashay tan labaad. Nidaamkeeda caafimaad ayaa weli ka fiican dhammaan magaalooyinka kale. Sidoo kale waxay kaalin fiican weli kaga jirtaa dhanka tacliinta iyo kaabayaasha.
"Waxaan ahay reer New York, afar sano ka hor ayaan u soo guuray Vienna, qorshahana iiguma jirto in aan ku laabto dalkeyga," ayey tiri Nataleigh O'Connell oo intaas ku dartay in ay ka heshay magaalada nolol ka fiican tii hore.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxa ugu horeeya ee dadka ku dhiirogeliya magaalada waxaa ka mid ah in aad goyn karto nolosha. Kirada guryaha ayaa ah mid jaban iyadoo guriga halka qol ah aad ku heleyso €850 bishii. Gaadiidka dadweyanaha magaalada ayaa sidoo kale soo jiita dadka. Qiimaha gaadiidka waa mid jaban. Maalinkii €1 ayaad ku raaci kartaa gaadiidka dadweynaha.
3. Geneva
Nolosha dalka Switzerland ayaa inta badan lagu qiimeeyaa in ay tahay mid tayadeedu sareyso. Magaalooyinka Zurich iyo Geneva ayaa sanadkan soo galay shanta ugu sareysa adduunka.
Dadka ku nool magaalada Geneva waxay sheegaan in magaalada ay leedahay wax u gaar ah ay ku soo jiidato dadka.
"Magaalada Geneva waa mid si fiican loo maamulo oo ku taal dal si fiican loo hoggaamiyo", ayuu yiri James F Royal oo ka mid ah dadka ku nool magaalada
Magaalada sidoo kale waa mid nadiif ah oo si fudud loogu dhexsocon karo, xitaa hadii aad ajnabi tahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaalada Geneva sidoo kale waa magaalada ay ku nool yihiin dad dhaqamadooda kala duwan yahay. 40% dadka ku nool magaalada dibadda ayey ka yimaadeen.
4. Melbourne
Melbourne waxay gashay kaalinta afaraad ee adduunka. Waa magaalo leh tacliin iyo caafimaad heerkiisu sareeyo. Waxa ka sara-mariyay magaalooyinka kale ee Australia waa dhaqanka iyo deegaanka.
Melbourne waxay sidoo kale ku fiicnaatay in ay leedahay kaabayaal wanaagsan. Oliver Morrisey oo ah qareen ku nool magaalada, wuxuu sheegay sababta uu halkaas uga doortay shaqadiisa in ay tahay, tayada guud ee magaaladu leedahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidoo kale waxa uu jeclaaday Oliver dhaqamada isku dhafka ah ee dadka ku nool magaalada. Wuxuu kula taliyay dadka booqnaya in ay tagaan goobo badan.
5. Osaka

Xigashada Sawirka, Alamy
Magaalada Osaka ee dalka Japan waxay gashay 10-ka ugu sareeya magaalooyinka adduunka ugu nabdoon. Waxyaabaha ay magaaladan ku fiicnaatay waxaa ka mid ah caafimaadka iyo tacliinta.
"Osaka waa magaalo horumarsan" ayuu yiri Graham Hill oo maamula bog qiimeeya magaalada. Graham wuxuu kaloo sheegay in ay magaalada ay uga dhigan tahay Japan sida magaalada San Francisco.
Magaalada Osaka waxay leedahay goobo badan oo soo jiita dalxiisayaasha. Dadka booqanaya magaalada waxay tagi karaan meelo badan oo ay ku raaxeystaan.













