Muxuu taliyaha ciidamada Mareykanka kala hadlay Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland?

Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka M JSL
Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo taliyaha ciidamada, Birhanu July ayaa la kulmay taliyaha ciidamada Mareykanka ee taliska Afrika, Janaraal Dagvin RM Anderson shan iyo labaatankii bishan.
Sarkaalkan sare ee Mareykanka ayaa booqan doono magaalada caasimada ee Addis Ababa si halkaas uu madaxda dalka ugula yeesho wadahadal ku saabsan arrinta Badda Cas iyo danaha Itoobiya sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha dalkaas.
"Waxaan saakay la kulmay taliyaha ciidamada Marekanka ee Afrika, Janaraal Dagvin RM Anderson kaas oo aan kala hadlay arrimaha ammaanka gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac" ayuu ku qoray bartiisa bulsho raysalwasaare Abiy Axmed.
Wafdiga oo uu hoggaaminayay taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, Janaraal Dagvin RM Anderson, wuxuu kaloo la kulmay Janaraal Birhanu July oo ah taliyaha ciidamada Itoobiya. Labada mas'uul ayaa ka hadlay sidii ay isu kaashan lahaayeen dalalka ay ku yaalaan xeryaha qaxootiga si loo helo xasilooni.
Sida ay sheegtay wasaarada difaaca Itoobiya, labada dal ayaa in muddo ah ka wada shaqeynayay arrimo badan oo ay ku jiraan militeriga.
Taliyaha ciidamada wuxuu sheegay in uu sii xoogeysanayo xiriirka militeri ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Mareykanka.
Janaraal Birhanu July waxa uu kaloo sheegay in Itoobiya ay sii wadeysoo dadaalkeeda ay ku wiiqeyso Al-shabaab si looga hortago arrimaha argagixisada iyo shirqooladooda.
Isagoo ka mahadceliyay kaalinta Itoobiya ee gobolka looga hirgelinayo nabadda iyo xasiloonida, ayuu sheegay Janaraal Dagvin RM Anderson in dalkiisa uu sii wadayo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika waxa uu sheegay in uu taageerayo nidaamka Itoobiya ay ku dooneyso in ay ku hesho bad iyadoo la marayo hab nabadeed, waxa uuna sheegay in uu rumeysan yahay in Itoobiya ay wax badan ka qabaneyso ammaanka marka ay awood u hesho in ay gaari karto Badda Cas.
Janaraal, Dagvin RM Anderson, wuxuu kaloo sheegay in uu Itoobiya dhankeeda kala hadlayo baahida dhinacooda ka jirta iyo qorshooyinka lagu xaqiijinayo ammaanka xeryaha qaxootiga.
Itoobiya waxay qabaneysaa howl diblomaasiyadeed oo xooggan oo la xiriirta sidii ay ku heli laheyd Badda Cas. Waxaa la sheegay in Itoobiya ilaa hadda ay taageero ka heshay dalal ay ka mid yihiin Ruush iyo Faransiiska kuwaas oo gacan ka geystay dhismaha ciidamadooda badda.
Ciidamada Itoobiya waxay iyaguna sheegeen in ay wadahadal labo dhinac ah la yeesheen ciidamada badda Talyaaniga taas oo ku saabsan sidii ciidamadooda u heli lahaayeen tababar iyo waayo aragnimo.
Wafdi ka socda ciidamada Badda Talyaaniga ayaa la kulmay taliyaha ciidamada Itoobiya. Dhanka Talyaaniga wax war ah kama aysan soo saarin arrintan.
Dhanka kale, Eritrea ayaa isku dayeysay in ay hagaajiso xiriirka ay la leedahay Washington ilaa iyo markii uu xukunka yimid madaxweyne Donald Trump balse ma cadda halka ay taasi gaartay.
Hadal faahfaahsan oo soo baxay Sabtigii ayey Eritrea kaga jawaabtay sheegashada madaxda Itoobiya ee ah in ay tahay qeynuun caalami ah in bad uu helo dal sida Itoobiya oo aan bad laheyn iyadoo loo marayo qaab wadahadal oo u dhexeeya labada dal.
Qeynuunka caalamiga ayaa u ogolaanayo dalalka go'doonka ah ee aan laheyn bad in ay dakada ka helaan kuwa leh badda balse taasi waxaa lagu gaari karaa wadaxaajood iyo heshiis dhexmara labada dal.
Si kasta ha ahaatee, xuquuqda noocan ah ma ahan mid dalka badda doonayo uu ku lahaanayo bad ama joogto uu ku maamulayo bad dal kale leeyahay.
"Mabaadi'da la xiriirta ixtiraamka xuduudaha dalalka madaxabannaan waa mid aan laga gargortami karin" ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Eritera oo intaas ku daray isku daykasta oo lagu xaqirayo, laguna carqaladeynao mabaadi'dan in ay noqonayaan kuwa toos u jabinaya xuduudaha.
Somaliland
Dhanka kale, war ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isna qasriga Madaxtooyada ku qaabilay General Dagvin Anderson, Taliyaha Guud ee Ciidammada Maraykanka ee (AFRICOM), Safiir ku-xigeenka Safaaradda Maraykanka, Ambassador Justin Davis iyo Wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayeen oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan oo ahaa mid leh muhimmad istiraatijiyadeed oo culus, ayaa waxa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, iyo ilaalinta danaha wadajirka ah ee ay labada dhinac ku leeyihiin Gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Madaxweynuhu waxa uu weftiga Maraykanka la wadaagay doorka ay Somaliland ku leedahay nabadgelyada, xasilloonida iyo adkaynta hannaanka dimuqraadiyadda ee gobolka, isaga oo xusay in Somaliland ay mudnaan gaar ah siiso ilaalinta amniga xuduudaheeda, la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah, iyo amniga marin-biyoodka caalamiga ah ee Gacanka Cadmeed.
Taliyaha Ciidammada Maraykanka ee AFRICOM, Mr. Dagvin Anderson ayaa xusay in Somaliland ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah amniga guud ee Badda Cas iyo ka Gobolka Geeska Afrika, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhaw oo ay labada dhinac yeeshaan.
Sida oo kale, safiir ku-xigeenka dowladda Maraykanka, Mr. Justin Davis ayaa Somaliland ku bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, amniga badda, iyo sida ay Somaliland u leedahay awood ciidan oo nidaamsan iyo hannaan siyaasadeed oo xasiloon.
Safiir ku-xigeenka ayaa muujiyey in dawladda Maraykanku ay muhiim u aragto sii xoojinta wada-shaqaynta dhinacyada amniga, horumarinta hay'adaha amniga, iyo kobcinta xiriirka labada dhinac.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay si buuxda ula shaqeyso Maraykanka, si loo adkeeyo amniga gobolka, lana xoojiyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, gaar ahaan kuwa ka dhashay Hirdanka Quwadaha waaweyn ee marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas iyo dhaqdhaqaaqyada sii kordhaya ee kooxaha xasillooni darrada ka wada gobolka.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu muujiyey in ay jirto fursad ballaadhan oo u taalla labada dal, taasi oo ku saabsan xoojinta iskaashiga Difaaca, Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga culus u caddeeyay in Somaliland ay tahay Saaxiib la isku hallayn karo oo Maraykanku leeyahay oo ku yaalla goobta ugu istiraatijisan Gobolka Geeska Afrika.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu xusay in Danaha Amni iyo kuwa Istiraatijiyadeed ee Maraykanku uu ku leeyahay Gobolka Bariga Afrika ay si dhab ah ugu jiraan Aqoonsiga Somaliland, maadaama buu yiri Somaliland ay leedahay nidaam dimuqraadiyadeed oo shaqeeya, ciidamo Qaran oo amnigeeda sugayay muddo ka badan 30 sano iyo goob muhiim u ah istiraatijiyadda Maraykanka ee ah xasilloonida mandaqadda.
Kulanka ayaa ku soo gebogeboobay is-afgarad buuxa oo ku saabsan in labada dhinac ay sii xoojiyaan iskaashiga amniga, kor u qaadaan hawlgallada istiraatiijiga ah, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan ilaalinta xasilloonida Badda Cas iyo amniga guud ee Gobolka Geeska Afrika, si loo suurto geliyo hannaan ku dhisan dano-wadaag iyo iskaashi joogto ah oo midho dhal ah.
Waxaa xusid mudan in Weftigii ka socday Maraykanka ee ay hoggaaminayeen Taliyaha Guud ee Ciidammada Maraykanka (AFRICOM) Gen. Dagvin Anderson iyo Safiir ku-xigeen Justin Davis, markii ay dhammaysteen kulankii Madaxweynaha Somaliland ee Hargeysa, waxa loo kaxeeyey Madaarka, Dekadda Caalamiga ah ee Berbera iyo Magaalo Xeebeedka Berbera si ay u soo kormeeraan.













