Maxaan ka naqaan kansarka ku dhacay ra'iisul wasaarihii hore ee Ingriiska, Soomaalidana dhibaatada ku haya

Prostate cancer

Xigashada Sawirka, Getty Images

Raysal Wasaarihii hore UK, David Cameron, ayaa ka hadlay in kansarka qanjirada ee loo yaqaan (borostate kansar) laga daaweeyay. Inta badan kansarkan wuxuu ku dhacaa ragga da'adoodu weyn tahay.

Sanadkasta waxaa laga helaa ku dhawaad 55,000 oo qof kuwaas oo isugu jira kuwa markaas uu ku dhacay iyo kuwa muddo la xanuunsanaa balse aan ogeyn.

Hadaba muxuu yahay kansarkan?

Kansarkan waxa uu ku dhacaa qanjir aan ka weyneyn xabad loos ah, kaas oo ku yaal kaadi haysta hoosteeda. Waxa uu qanjirkan dhinacyada kaga yaal tubada qaada kaadidada ee xubinta taranka geysa.

Kansarka borostateetka waa unug u weynaada si aan la xakameyn karin, si tartiib-tartiib ah ayuuna ku koraa. Dadka qaar ma dareemaan ilaa uu soo rito xanuunka.

Waxaa suuragal ah in sanado uusan laheyn wax astaamo ah oo lagu garto, dadka qaarkiina wax dhibaato ah ma arkaan. Qaar kale waxa uu noqdaa mid degdeg ku socda oo loo dhinto.

Kansarkan oo goor hore la ogaado waa sida ugu fiican ee wax looga qaban karo, waxayna taasi keeneysaa in si guul leh loo daaweyo.

Heerkuu gaarsiisan yahay kansarkan?

Dowladda UK waxay sheegtaa in Kansarakan uu ku dhaco sideedii nin mid ka mid ah noloshooda. Sanadkiina waxaa laga helaa 55kun.

Dadka u dhinta sanadkii waxaa lagu sheegaa in ay gaarayaan 12,200 oo qof sida ay sheegtay hay'adda cilmibaarista kansarka ee UK.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Inta badan waxa uu ku dhacaa dadka waa weyn ama ragga ka weyn 75 sano. Dadka ka yar 50-ka sano ee uu ku dhaco cudurkan ma badna. Hadii qof ka mid ah ehelkaaga sida aabahaa, walaalkaa ama awoowgaa uu qabay kansarkan, waxaa suuragal ah in adigana uu kuugu dhaco. Taas oo macnaheedu yahay in si dhaxal ah uu kuugu soo gaaray.

Dowladda UK waxay sheegtaa in Kansarakan uu ku dhaco sideedii nin mid ka mid ah noloshooda. Sanadkiina waxaa laga helaa 55kun.

Dadka u dhinta sanadkii waxaa lagu sheegaa in ay gaarayaan 12,200 oo qof sida ay sheegtay hay'adda cilmibaarista kansarka ee UK.

Inta badan waxa uu ku dhacaa dadka waa weyn ama ragga ka weyn 75 sano. Dadka ka yar 50-ka sano ee uu ku dhaco cudurkan ma badna. Hadii qof ka mid ah ehelkaaga sida aabahaa, walaalkaa ama awoowgaa uu qabay kansarkan, waxaa suuragal ah in adigana uu kuugu dhaco. Taas oo macnaheedu yahay in si dhaxal ah uu kuugu soo gaaray.

Dr Cabdulqaadir Axmed-Nur Jaziira waxaa uu ka tirsan yahay xarunta caafimaadka gaarka ee Walk-in-Clinic ee magaalada London, waxaa uu noo sheegay in ay adag tahay in la ogaado marka hore in aad caqbto kansarkan.

"Waxaa dhici karta in qofku uusan ka warqabin isagoo qaba kansarka balse caalamadaha lagu garto ee horudhaca u ah waxaa ka mid ah in qofku uu habeenkii la soo kaco kaadi badan, xowligii kaadida oo yaraada, kaadida oo dhibta, miisaankiisa oo dhaca sabab la'aan, qofka oo daciif noqda".

Dr Cabdulqaadir wuxuu kaloo sheegay in kansarkan uu yahay kan ugu badan ee ku dhaca dadka waa weyn, marka la la fiiriyo UK waxaa u badan ayuu yiri dadka madow. Dr. Cabdulqaadir ayaa kula taliyay dadweynaha in lays baaro marka hore si goor hore wax looga qabato.

"Marka la gaaro da'da 45 iyo wixii ka sareeya waa in ay isbaaaraan, qofka haduu madow yahay waa in uu isbaaraa, waxaa lala xiriiriyaa in kansarkan uu ku dhaco dadka hilibka badan cuna inkastoo aysan aheyn arrin la xaqiiyay"

Dr. Cabdulqaadir wuxuu kaloo sheegay in astaamaha lagu garto kansarkan ay dhici karto in ay noqdaan xanuuno kale balse waxaa muhiim ah in aad la tashato dhakhtarkaaga.

Ma jirtaa baaris gaar ah oo lagu ogaado kansarkan?

Ma jirto baaris gaar ah oo lagu ogaado kansarkan. Dhakhaatiirta waxay ku ogaadaan marka ay fiiriyaan astaamo badan sida in ay dhiig kaa qaadaan iyo sidoo kale in cad laga soo jaro qanjirka oo baaris sheybaar loo diro.

Dhakhaatiirta ayaa hadda ka fakaraya in baarista dhiigga lagu kordhiyo mid iskaanka loo yaqaan MRI la marsiiyo bukaanka taas oo la sheegay in xaalada ay kor u qaadi karto.

Cilmibaarayaasha ayaa iyagana ka fakaraya in baarista lagu daro mid iskaan ah si looga faa'ideysto tiknolojiyada.

Balse qaar ka mid ah khubarada caafimaadka ayaa ka shakisan waxtarka baarista iskaanka. Waxay qabaan in qofka laga daaweeyo kansar iyadoo aysan muhiim aheyn taas oo laga yaqaabo in ay ku keento waxyaabo kale sida in dareenka raganimo uu ka tago.

Sidee loo daweyn karaa kansarkan?

Waxaa jira dhowr hab oo loo daaweyo. Dhakhtarkaaga wuxuu awoodaa in uu kuugula taliyo tan qaaska ah ee kuugu haboon.

Hadii kansarka uu marayo marxaladaha ugu horeeya oo uusan laheyn wax astaamo ah ama uu degdeg ku weynaanayo markaas waxaa suuragal ah in lala socdo oo laga aan tallaabo la qaadin.

Noocyo ka mid ah kansarkan borostateetka waxaa lagu daaweyn karaa khalliin ama daaweynta shucaaca ee loo yaqaan 'raadiyo-tarabi'. Sidoo kale daaweynta loo yaqaan Horman-tarabi ayaa hoos u dhigi karta in uu sii weynaado.

Sidoo kale waxaa suuragal ah in la burburiyo unugyada kansarka iyadoo la adeegsanayo qaboow aad u daran ama kuleyl aad u badan si loo burburiyo unugyada jiran ee qaba kansarka.