Muxuu kansarka dhuunta ugu soo badanayaa caalamka?

Kansarka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Heerarka kansarka qanjirka 'thyroid' ayaa ku sii kordhaya qaybo ka mid ah adduunka - waana ka dhaqso badan yihiin noocyada kale ee kansarka. Waa maxay sababtu?

Heerarka kansarka qanjirka tayroodhka ayaa si xowli ah ugu kordhaya Maraykanka marka loo eego kansar kasta oo kale. Laakiin maxaa ka dambeeya faafitaankan dahsoon?

Qanjirka 'thyroid' wuxuu ku fadhiyaa salka qoorta, meel wax yar ka hooseysa lafta hunguriga. Shaqadeedu waa inay soo dayso hormoonno nidaamiya garaaca wadnaha, cadaadiska dhiigga, heerkulka jirka iyo miisaanka. Kansarka qanjirka tayroodhka waxa uu dhacaa marka unugyada qanjirka tayroodhku ay bilaabaan inay koraan oo ay u qaybsamaan si aan la xakamayn karin, ayna sababaan buro kasoo baxda halkaas. Unugyadan aan caadiga ahayn waxay gaari karaan unugyada ku xeeran waxaana suurtogal ah inay ku faafaan qaybaha kale ee jirka.

Inkasta oo inta badan kiisaska kansarka qanjirka tayroodhka la daweyn karo, khubarrada caafimaadku waxay ka walaacsan yihiin sida dhaqsaha badan ee heerarka cudurku u kordho. Marka loo eego xogta la socodka xanuunnadan faafa - nidaamka warbixinta kansarka ee Maraykanka - dhacdooyinka kansarka tayroodh ee Maraykanka ayaa in ka badan saddex laabmay intii u dhaxaysay 1980 iyo 2016.

"Kansarka qanjirka thyroid-ka ayaa weli ah mid ka mid ah dhowrka kansar ee soo kordhayay muddo ka dib, inkastoo horumarka laga sameeyay daawadu," ayay tiri Sanziana Roman, oo ah dhaqtar qalliinka oo wax ka dhiga Jaamacadda California San Francisco (UCSF).

Thyrod

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sidaa darteed, maxaa keenay kororka kiisaskan?

Waxaa in muddo ah la ogaa in xilliga carruurnimada oo qofku wajaho xaaladaha caafimaad qaar ay sababi karaan kansarka qanjirkan. Sanadihii xigay dhacdadii nukliyeerka Chernobyl sanadkii 1986, xaddiga cudurkan ee carruurta ayaa cirka isku shareeray gaar ahaan kuwa ku nool Belarus, Ukraine iyo Ruushka. Daraasad ayaa ogaatay in dadkii ka badbaaday bambadii lagu ganay Japan, ilaa 36% uu ku dhacayay kansarka qanjirka thyroid tan iyo sanadkii 1958, taasoo loo aaneyn karo in yaraantoodii ay ka dhaxleen saameynta nukliyeerka.

Si kastaba, ma jirin musiibooyin nukliyeer oo ka dhacay Mareykanka sanadihii '80meeyadii ama '90meeyadii, amaba meelo kale, kuwaasoo sharrixi lahaa kororkan. Markii hore khubarrada ayaa ku wareeray, si kastaba sharraxaad ayaa is keentay oo soo shaac baxday – ma waxaa laga yaabaa in baarid wanaagsan oo aan jirin loo aaneyn karo?

Dabayqaaqadii sanadijii1980meeyadii, dhaqaatiirta ayaa bilaabay in markii ugu horreysay ay adeegsadaan thyroid ultrasonography, oo ah hannaan raajo looga qaadayo qanjirka. Tan ayaa dhaqaatiirta u oggolaatay inay durba arkaan kankarka qanjirka oo aad u yar kuwaasoo aan hore loo arki jirin.

Kadib sanadihii 1990meeyadii, dhaqaatiirta ayaa sidoo kale bilaabay inay unugyo ka uruuriyaan burooyinka laga shakiyo si loo go'aansado inay kansar yihiin iyo in kale.

Cancer

Xigashada Sawirka, Getty Images

Muhiimadda qanjirkan

Sida guud, waxa jira illaa afar dheecaan oo uu qanjirkan soo daayo, labo kamid ah waxa lagu kala magacaabo T1 iyo T2, waxayna wax yar ka yihiin wax soo saarka qanjirkan. Labada kale waa T3 iyo T4 waxay soo saaraan inta badan dheecaanka qanjirkan, 20 boqolkiiba iyo 80 boqolkiiba sida ay isugu xigaan.

T3 ayaa u gudba jirka si uu uga caawiyo shaqada dheefshiidka, waana tan ugu dhakhsaha badan dhammaan howlaha falgalka kiimikeed ee jirkeena kuwaas oo aan la tirin karin, lana soo koobi karin, nolosheennana sabab u ah.

T4 waa dheecaan aan firfircooneyn oo ka tirsan T3, waxana lagu sii daayaa dhiigga, markaa dabadeed ayuu qaabeeyaa sida T3 u doonayo shaqada.

Haddii sidii la rabay qanjirkaasi u shaqeyn waayo, oo uu sii daayo dheecaan ka badan kii loo baahnaa ama mid ka yar, labadooduba waxay saameyn xun ku yeeshaan caafimaadka aadamaha.