Wax ka ogow cudurka sababa in indhuhu ay bannaanka usoo baxaan

XANUUNKA INDHAHA BANAANKA U SOO SARA

Xigashada Sawirka, GET IMAGES

Qoorteenna waxaa ku jira qanjidh u eg balanbaalis (thyroid) oo leh laba nooc oo hormoonno ah oo kal ah T3 iyo T4. Qanjidhkani wuxuu go'aamiyaa sida ugu dhakhsaha badan ee xubnaha jidhkeenna ee kala duwan u shaqeeyaan.

Qanjirkan haddii qudhiisa khalad ka jiro waxaa TSH, hormoon ay samaysaa in maskaxda u soo dirto amarrada qanjirka Tayroodka si uu u shaqeeyo.

Waxaa jira calaamado lagu garto marka aad la il daran tahay cudurkan kuwaas oo ay ka mid yihiin miisaankaaga oo yaraada, calool istaag, xasuus la'aan, daal iyo haddii qofku dumar yahay in caaadadu ay noqoto mid an waqti joogta ah lahayn.

Sidoo kale tilmaamaha muujinaya caddaymaha cudurkan waxaa ka mida garaaca wadnaha oo gaabis noqda iyo timaha oo daata.

Marka qanjirkan soo daayo heermoonnada T3 iyo T4 oo xad dhaafa, qofku wuxuu la kulmi karaa wadna garaac deg deg ah, walaac, dhidid iyo xitaa inuu gariir sameeyo jirkiisu.

QANJIRKA TAYROODH

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Labadan hoormoon ee triiodothyronine (T3) and thyroxine (T4) waxay door muhiima ka ciyaaraan nidaaminta miisaankaga, heerka tamarta, maqaarka ,dheef shiidka, timaha, iyo koritaanka ciddiyaha kuwaas oo haday xaddiga siidaynta xad dhaafka kororto sababi kara halis caafimaad.

Laakiin waxaa jira saameyn naadir ah oo aan si fiican loo aqoon oo la xiriirta xaaladdan la xiriirta ficilka qanjirada thyroid si ay u soo saarto hormoono xad-dhaaf ah, xaalad loo yaqaan hyperthyroidism, xaalad saameyn xun ku yeelan karta caafimaadka iyo tayada nolosha.

Waxyeelladan waxaa ka mid ah in cudurka ku dhaca qanjirka indhaha ee loo Graves' orbitopathy ama ophthalmopathy kaas oo sababi kara barar ku yimaada godka isha oo hore u riixaya indhaha kaas oo keeni kara raaxo daro iyo ugu danbayn araga oo luma.

Warka wanaagsan ayaase ah inay jiraan siyaabo lagu daweyn karo cudurka,khuburo ka kala socday Yurub iyo Maraykanka ayaa dhawaan ku biiray si ay arintan u qeexaan hababka ugu wanaagsan ee loola dagaallamo cudurkan.

Dalka Brazil ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa la ansixiyey daawo gaar oo cusub oo wax ka taraysa cudurka Graves 'orbitopathy.

Intee le’eg tahay waxa laga yaqaan cudurkan?

Stefania Diniz oo ah dhaqtarad ku takhasusutay oculoplasty ama qaybta ka shaqaysa daaweynta daboolka isha ama jeexjeexyada wejiga ayaa ku qiyaastay ku dhawaad 30% bukaanada leh heerka sare ee hoormoonka ay u badan tahay inay qaadaan cudurkan tayroodka ee ku dhaca isha.

Daraasado caalami ah ayaa muujinaya in cudurkani uu saameeyo inta u dhaxaysa 0.5% ilaa 2% dadka adduunka.

"Waa cudur, kaas oo isku muujin kara calaamado daran oo aan gaar ahayn, sida qallayl ama casaanka isha, raaxo daran oo saameeya awoodda wax lagu arko," ayuu tidhi Diniz.

"Nasiib darro, cudurka tayroodh ee indhaha ayaa dib u dhac ku yimid ogaanshaha sababtoo ah aqoon la'aanta ku saabsan dad badan iyo dhakhaatiirta dhexdooda," ayey intaas ku dartay.

Daweynta xilliga hore

DAAWEYNTA XANUUNKA

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Diniz ayaa sheegay in cudurka tayroodhka ee isha uu u qaybsan yahay laba qaybood oo kala kuwan mid la daweyn karo iyo mid daba dheeraada

Dhakhaatiirta indhaha ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in cudurka lagu ogaan iyadoo oo la baarayo calaamadaha,bukaankana loo diro shaybaarka ama baaritaano sawiro laga qaadayo mesha waxaa sababy dhibaatada.

Marka la ogaado cilladda macular degeneration, daaweynta ayaa bilaaban karta - taas oo ku xiran hadba inta ay le’egtahay sida uu u daran yahay xanuunka.

Dalka Maraykanka, daawaynta cudurkan waxa ay ku kacaysaa boqollaal kun oo doollar halka qiimaha dawada ee Brazil aan weli la garanayn.