Soomaaliya iyo Sacuudiga oo heshiis amni kala saxiixday

Xigashada Sawirka, QNA
Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa xalay kala saxiixday heshiisyo guud oo iskaashi ah kaas oo labada dowladood ay sheegeen inuu faa’iido u yahay dhinacyada.
Magaalada Riyad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga oo heshiiska lagu kala saxiixday waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse, halka Sacuudiga uu u saxiisay wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaas, Nasser Bin Abdull Aziz, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Sida lagu daabacay barta X oo hore loo oran jiray Twitrer ee wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu xusay in heshiiska dhanka ammaanka ee ay la galeen Sacuudiga uu muhiimad gaara u leeyahay xilligan dalka Soomaaliya.
Faahfaahin baahsan oo intaas dheer lagama bixin heshiiska ee ay kala saxiixdeen labada amni, lama sheegin in la horgeyn doono baarlamaanka Soomaaliya iyo in kale.

Xigashada Sawirka, X
Horey, baarlamaanka Soomaaliya ayaa u ansixiyay heshiis amnio o muran dhaliyay kaas oo ay dowladdu la gashay Imaaraatka Carabta.
Axmed Cabdilaahi Kaboole ah oo ah falanqeeyo amni waxa uu ku tilmaamay in heshiiskan uu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah, oo dhex mara Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Laakiin wax xog ah oo dheeraad ah kama uusan helin heshiiskan iyo ay Soomaaliya ka heli karto, iyo waxa uu sida rasmiga ah u yahay amniga ay iska kaashan karaan labada dhinac.
Xiriir aan la sameynay dowladda Soomaaliya iyo wasaarada arrimaha dibeda inooma suurtogelin in aan helno.
Warbixintan waa lasoo koobay, oo wax baa laga bedelay iyada oo la cusbooneysiiyay













