Timaha cad: Xiriirka ka dhexeeyo welwelka iyo cirrada iyo sida looga hortaggi karo

Mar kasta oo qofka da'da ay sii korodho, waxaa caadi ah in qofka ay timihiisa isu bedelaan caddaan ama cirro.
Dadka qaar waxay cirrada la xiriiriyaan dadka sida adag u shaqeeya sida madaxweyneyaasha, saraakiisha xilalka sare haya iyo shaqaalaha maaliyadda. Sidoo kale waxaa lala xiriiriyaa aqoonyahannada.
Illaa iyo hadda lama hayo caddeymo muujinaya in cirrada ay la xiriirto welwelka balse khuburrada waxay sheegayaan in laga hortaggi karo cirrada ka soo baxda dhallinyarada.
Sida laga soo xigtay daraasad ay sameysay jaamacadda Columbia oo lagu daabacay jornaalka ILife, ayaa lagu sheegay in meesha laga saaro waxyaabaha horseeda cirrada iyo sida qofka uu dib ugu soo ceshan karo timahiisii madoobaa.
"Muddo tobonaan sano ah waxaan isku dayeynay in aan fahanno xiriirka ka dhexeeya welwelka iyo cirrada balse markii ugu horreysay waxay daraasad qeexday xiriirka ka dhexeyn kara welwelka iyo cirrada," ayuu yiri Martin Picard oo ka tirsan jaamacadda Vagellos isla markaana ah cilmibaare ka tirsanaa khuburrada ku howlaneyd daraasadda.
Waxay sheegeen in dadka caddaanka ay cirrada ka soo baxdo marka ay gaaraan sanadaha ugu dambeeyay ee da'da soddonka sano.
Halka dadka Hindida ah ay cirrada isku arkaan marka ay gaaraan da'da 40-maadka, halka dadka Afrikaanka ah ay ka soo muuqato cirrada marka ay gaaraan da'da 45.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddaba maxaa dhaliyaa Cirrada?
Khaladaad ka dhasha Hide-sidaha
Dadka qaar waxay cirrada ka raacaan waalidiintooda. Haddii qofka waalidkiisa ama ehelkiisa uu lahaan jiray cirro waxay u badan tahay in qofka uu raaci karo. Waxaa nasiib darro ah in taa aan waxbo laga qaban karin.
Qofka in uu ka maqan yahay nooc ka mid Fiitamiinnada
Haddii qofka jirkiisa uu ka maqan yahay Fiitaamiin B12, waxaa suurtagal ah in ay timaha cirro ka noqdaan, sidoo kale qofka waxaa ku dhici kara dhiig yaraan maadama ay meesha ka baxeyso maaddada hemoglobin ee jirka gaarsiisa hawada Oxygen-ta.
Dhibaato dhanka hormoonnada ah
Haddii si wanaagsan aysan u shaqeynin qanjirada loo yaqaano Thyroid Gland, waxaa hoos u dhacaya awoodda maqaarka qofka taas oo horseedeysa in maqaarka qofka uu baddalmo. Qanjirka Thyroix Gland wuxuu ku yaalla dhuunta agteeda.

Xigashada Sawirka, ELIZABETH OHENE
Falcelinta jirka
Marka xaaladda noocan ah ay bilowdaan, hannaanka difaaca jirka wuxuu weerarayaa unugyada jirka, waxaa ka dhasha labo cudur oo lagu kala magacaabo Alopecia Areata iyo vitiligo.
Qofka marka uu ku dhaco vitiligo, difaaca jirka wuxuu weerarayaa qeybta maqaarka u qaabilsan sameynta midibada, wuxuu ka dib qofka u horseedaa dhibicyo cad iyo cirro.
Haddii qofka uu ku dhaco Alopecia Areata, timaha madow ayaa si degdeg ah u dhammaada, wuxuuna qofkana isku arkayaa cirro.
Sigaar cabidda
Sigaarka wuxuu horsedaa kansar, xannuuno ku dhaca wadnaha iyo sanbabada, sidoo kale waxaa lala xiriiriyaa cirrada.
Nooc ka mid ah kimikada
Dawooyinka qaar ee timaha loo adeegsado ee ku jirto maadada 'hydrogen peroxide' waxaa lala xiriiriyaa cirrada.
Ma laga hortaggi karaa cirrada?
- Haddii cirrada ay ka dhalatay hide sidaha, markaa jawaabta waxay waxbo lagama qaban karo.
- Haddii timahaaga aad wax marsatid si aad u qarisid cirrada, waa in aad mar kasta marsataa.
- Haddii xaalad caafimaad lala xiriiriyo cirrada kaa soo muuqatay, waa in aad baaritaan caafimaad martaa.
- Waa in badsataa cuntada leh Fiitaamiin B12 sida khudaarta iyo digirta.
- Waa in aad joojisaa cabidda sigaarka.
- Waa in aad iska ilaalisa nooca dawada aad timahaaga u isticmaashid.











