Nooc ka mid ah kansarka oo aad ku garan karto saxarada haddii aad aragto astaamahan

Bowel Cancer

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dame Deborah James, oo u geeriyootay kansarka mindhicirrada, iyadoo 40 jir ah, ayaa qof walba ku boorrisay inuu eego saxaradiisa si ay u xoojiso ololaha ay dadka uga wacyigalinaysay cudurkaas.

Halkan waxaa uga jawaabaynaa dhowr su'aalood oo aad la iska waydiiyo arrimaha ku saabsan nooca ka midka ah xanuunka dilaaga ah ee aan wali dawadiisa la helin.

Sideen uga arki karaa saxarada?

Waxaa jira saddex shay oo waawayn oo diiradda la saaro ama la eego:

  • dhiig ku dhex jira saxaradaada oo aan ku imaanin sabab aad ogtahay - wuxuu noqon karaa dhiig khafiif ah ama midabkiisu yahay guduud tikh ah
  • isbaddal aad ka dareento sida aad u saxarootid - sida inaad musqusha aaddo tiro ka badan tiradii hore ama inay saxaradaada sidii hore ka jilicsanaato ama ka adkaato
  • inaad xanuun ka dareento qaybta hoose ee caloosha ama inaad xanuun u eg gaaska ka dareento qaybtaas, gaar ahaan marka ay calooshaada buuxdo ama aad adkayso

Waxaa jiri kara calaamado kale, sida:

  • inuu miisaan badan kaa dhaco
  • inaad dareento in saxaradu ay wali kugu sii harsan tahay marka aad soo saxarootid
  • inaad dareentid daal iyo wareer ka badan sida caadiga ah

Inaad leedahay calaamadahan micnaheedu ma aha in ay hubaal tahay inaad qabto kansarka mindhicirrada, balse waxaa lagugula talinayaa inaad si dhakhso ah dhaktar u tagto, una sharraxdo xaaladdaada.

Bowel Cancer

Xigashada Sawirka, Getty Images

Taasi waxa ay keeneysaa in dhakhtarku uu si deg deg ah kuu baaro. Mar walba kansarka daawayntiisa waxay sahlan tahay marka xilli hore la ogaado.

Mar walba oo laga daahana halistiisu faraha ayay kasii baxdaa.

Mararka kansarka mindhicirrada waxa uu xiri karaa meelaha ay saxarada soo marto, sidaas darteedna wax saxaro ah ma imaan karto.

Tani waxay keeni kartaa xanuun aad u daran oo ku imaada qaybta hoose ee caloosha, calool istaag iyo cudur.

Xaalad noocaasoo kale ah haddii aad isku aragto la xiriir dhakhtar.

Maxaa sababa kansarka mindhicirrada?

Ma jirto cid si sax ah u taqaanna waxa sababa noocan kansarka ka midka ah, balse waxaa jira waxyaabo laga yaabo inay horseedi karaan.

  • mar walba oo ay da'daada badato waxaad u jilicsanaan kartaa inuu kansar kugu dhaco, nooca mindhicirradana waa sidaasoo kale - inta badan waxay halistan bilaabataa marka uu qofku dhaafo 50 sano
  • cunista raashin uu ku badan yahay hilibka cas iyo hilibka la warshadeeyay, sida soojeej-ka iyo hilibka la qallajiyo
  • cabista sigaarka waxay xoojin kartaa halista aad ugu jirto noocyo badan oo kansar ah
  • cabitaannada lagu sakhraamo oo uu qofka aad u isticmaalo ayaa keeni kara
  • miisaan badan ama cayil xad dhaaf ah
  • inaad dhaawacyo hore ama xanuunno ka qabtay qaybta hoose ee caloosha

Ma laga dhaxlaa qoyska?

Inta badan, kansarka mindhicirrada lama kala dhaxlo, balse waa inaad dhakhtarka u sheegtid haddii uu jiro qof ka tirsan qoyskaaga oo horay looga helay ka hor inta uusan gaarin 50 sano.

Bowel Cancer

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xaalado gaar ah oo ay dadka qaarkood qabaan oo soo jiita kansarka ayaa sababi kara in dadkaas ay halis wayn ugu jiraan cudurkan, laakiin sidoo kale waa laga hortegi karaa haddii uu dhakhtarku ogaado xilli hore.

Sideen ku yarayn karaa khatarta aan ugu jiro?

In ka badan kalabar ka mid ah kiisaska kansarka mindhicirrada waa laga hortegi karaa haddii ay dadku raacaan tilmaamaha ku talinaya in lagu dadaalo caafimaadka nolosha, sida ay saynisyahannadu sheegeen.

Taas micnaheedu waa in la sameeyo jimicsiga badan joogto ah, in la cuno raashinka u badan khudaarta, kuwa uu dufanku ku yaryahay iyo in uu qofki maalintiiba cabo lix ilaa siddeed galaas oo biyo ah.

Sidoo kale waxaad khatarta ku yarayn kartaa inaad dhakhtarka la kulanto mar walba oo aad isku aragto calaamadaha cudurkan.