Bollywood: Atariisho caan ah oo laga helay cudurka kansar-ka

Xigashada Sawirka, Bollywood
Mahima Chaudhary oo atariisho ka ahayd filimo badan, sida Pardes, Sahar, ayaa maanta la shaaciyay in ay la xanuunsanayso cudurka kansarka.
Rug caddaaga Bollywood-ka, Anupam Kher, oo ay Soomaalidu u yaqaannaan "Aw Baska" ayaa ku dhawaaqay warka ku saabsan xanuunka Mahima, isagoo Baraha Bulshada soo dhigay muuqaal ay kula jirto atariishada caanka ah.
Mahima ayaa muuqaalka gudihiisa ku tiri: "Wax calaamado ah ma aanan qabin. Sanad walba waxaan tagi jiray dhakhtarka si aan baaritaannada joogtada ah u maro. Xilligan waxaan helay talo ku saabsan in aan baaritaan isku sameeyo. Isla markii aan maqlay taladaas, waxaan u tagay dhakhtarka anigoo aysan cid kale ila soconin. Dhakhaatiirta ayaa tijaaboouin iga qaaday waxayna ogaadeen in aan qabo kansarka nooca naasaha."
Waxyaabaha kale ee ay Mahima Choudry ku tiri muuqaalka waxaa ka mid ahaa:
- Qof walba waxa uu igu dhahayay waa farxad in la ogaaday waqti hore, maxaad u ooyaysaa? Balse waxaa xaqiiqo ah in magaca kansar qofkii maqla uu ka argagaxayo. Taas ayay ahayd sababta aanan arrintan ula wadaagin xitaa waalidiinteyda.
- Waxaan la noolahay waalidiinteyda. Hooyadey waxaan u sheegay inaan nabar ku leeyahay naaska, sidaas awgeedna aan usoo booqan waayay tobankii maalmood ee lasoo dhaafay. Islamarkiiba waxaa sare u kacay dhiig karkeeda. Waxaa khasab noqotay in isbitaalka loola cararo.
Maanta oo Khamiis ah ayuu Jilaaga Anupam Kher shaaca ka qaaday in Mahima ay la il daran tahay kansarka naasaha. Taageerayaashiisa ku xiran boggiisa Instagram-ka ayuu la wadaagay muuqaal ay kula jirto atariishada.

Xigashada Sawirka, Hindustan Times
Muuqaalka uu soo bandhigay ayuu ku qoray in Mahima ay tahay halyeey, ayna iyadu raalli ka ahayd in la shaaciyo warka ku saabsan xanuunkeeda.
Mahima ayaa muuqaalka gudihiisa ku sheegtay in Anupam Kher uu lasoo xiriiray si ay qayb uga noqoto filimkiisa, balse markaas ay iyadu ku jirtay isbitaal lagu daweynayay.
Timo la'aan
Waxay sheegtay in muddooyinkii lasoo dhaafay ay si joogto ah u heleysay codsiyo ku saabsan inay kasoo muuqato filimo dhinaca internet-ka ah balse ay aqbali waysay maadaama aysan timo lahayn. Timaha ayaa laga xiiray kaddib markii ay u billowdeen dawooyinka kansarka.
Markii dambe waxay u muuqatay in ay qiirootay, waxayna sheegtay in ay Anupam Kher ka codsatay in ay filimkiisa la jisho iyadoo isticmaalaysa timo macmal ah.

Xigashada Sawirka, INSTA/MAHIMA
Qaar ka mid ah jilayaasha kale ee Bollywood-ka ayaa muuqaalkaas ka fal celiyay, iyagoo muujiyay taageerada ay u hayaan Mahima Choudry.
Genelia D'souza oo ka mid ah jilayaashaas ayaa yiri: "Mar walba waxaad tahay qof cajiib ah, ruux kastana uu ku tiirsanaan karo."
Mahima oo tobannaan sano kusoo jirtay jilista filimada Hindiga ah ayaa sanadkii 2006 la aqal gashay Bobby Mukherji, oo ah injineerka naqshadaha guryaha.
Hase yeeshee lamaanahan oo isu dhalay hal gabar ayaa kala tagay sanadkii 2013-kii.
Wareysi ay sanadkii lasoo dhaafay ee 2021-kii siisay Pinkvilla ayay ku sheegtay in ay jilista filimada iska joojisay si ay u koriso gabadheeda.
Markii ugu dambaysay ee Mahima lagu arko shaashadaha filimada waxay ahayd sanadkii 2016-kii, xilligaas oo la daawaday filimkeeda "Dark Chocolate".
Filimkaas waxaa laga matalay qisada dil dhab ah oo loo gaystay Sheena Bora, oo ahayd gabadha maalqabeennada Warbaahinta ee lagu kala magacaabo Indrani Mukherjea iyo Peter Mukherjea.
Mid ka mid ah filimada ay Soomaalida sida aadka ah u xiiseeyaan ee ay Mahima soo gishay waa "Dhadkan" oo soo baxay sanadkii 2000.
Filimkaas oo ay ka ahayd atariishada labaad waxaa kale oo la jilayay xiddigaha kala ah Akshay Kumar, Sunil Shetty iyo Shilpa Shetty.














