Filimka ay soo jileen Mithun iyo Aw Baska ee muranka ka dhex abuuray shacabka Hindiya

Xigashada Sawirka, Anupam Kher/Mithun Charkraborty
Film cusub oo ku saabsan sida ay dadka Hinduuga ah uga qaxeen qaybta ay Hindiya ka maamusho gobolka Kashmir sannadihii 1990-meeyadii ayaa dufaan muran ah ka dhex kiciyay shacabka Hindiya. Xisbiga dowladda hoggaamiya ee BJP ayaa taageero u muujiyay filimkan.
Qisada uu ku saabsan yahay filimkan, oo lagu magacaabo 'Kashmir Files' ayaa lasii daayay Jimcadii, waxa uuna ka hadlayaa wiil arday ah oo ogaaday in waalidiintiisa oo ka mid ahaa dadka Hinduuga ah ee Kashmir daggan ay dileen mintidiin Muslimiin ah.
Ardaygan ayaa sidoo kale ogaanaya in sheeko uu awowgiis u tebiyay oo ahayd in waalidiintiisa ay shil ku dhinteen ay tahay been abuur.
Filimka ayaa siyaabo kala duwan looga fal celiyay, oo ammaan iyo dhaleeceyb labadaba wuu kala kulmay dadka filimada ka faallooda. Wax ka badan hal qof oo dadka wax dhaleeceeya ah ayaa ku tilmaamay "isku day loogu ciyaarayo dareenka dadka."
Balse isla markii filimka la sii daayayba, waxa uu dood culus ka dhex abuuray shacabka isticmaala baraha bulshada.

Xigashada Sawirka, KASHMIR FILES
Ra'iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ayaa sheegay in ay la dhacsan yihiin filimka, ayna taageersan yihiin sheekooyinka ku jira.
Gobollo badan oo ay xisbiga talada haya maamulaan ayaa filimkan looga cafiyay canshuurta marka laga daawanayo shaashadaha.
Booliska Gobolka Madhya Pradesh ayaa maalin fasax ah la siiyay si ay shaleemooyinka u aadaan oo ay filimka usoo daawadaan.
Haddaba siduu filimkan kharashka laga yareeyay u kala qaybiyay fikradaha shacabka?
'Mowduuca Kashmir waa xasaasi'
Filimkan wuxuu ka hadlayaa taariikhda Kashmir iyo deegaannada dhibaatada ka dhacday ee u dhow xadka Pakistan, arrintaas oo muddo dheer ahayd mowduuc xasaasi ka ah muran badanna ka dhex abuuray gudaha Hindiya.
Kashmir waa gobol ay ku badan yihiin Muslimiinta waxa uuna hoy yahay kooxo kacdoon sameeya oo ka soo hor jeeday dowladda Hindiya tan iyo 1980-meeyadii.
Sida laga soo xigtay dad ku xeel dheer taariikhda, dabayaaqadii 1980-meeyadii, misntidiin Muslimiin ah ayaa billaabay in ay bartilmaameedsadaan dadka nolosha dabaqadda sare ku nool ee daggan Kashmir, gaar ahaan kuwa haysta diinta Hinduuga.
Xilligaas, dad badan oo Hinduu ah ayaa la dilay, sida la qiyaasana, kumannaan qof ayaa lagu khasbay in ay ka barakacaan Kashmir, kuwaasoo u cararay dhinaca Hindiya.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhacdooyinkaas kaddib, dowladda federaalka Hindiya ayaa militeri geysay gobolka Kashmir, waxaana ciidankaas la siiyay awood aan xad lahayn oo ay ku xiri karaan qofkii ay doonaan, su'aalana ku weydiin karaan.
Muddo sannado ah ayaa ciidamada militeriga Hindiya lagu eedeynayay in ay dacwado aan sal iyo raad lahayn kusoo oogayeen dadka deegaanka.
Taliska militeriga ayaa bayaan ay soo saareen Jimacadii ku beeniyay sheegashooyinkaas, iyagoo sheegay in ay yihiin sheekooyin la abuuray.

Xigashada Sawirka, EPA
Xiriirka u dhaxeeya dadka reer Kashmir iyo dowladda Hindiya ayaa mar kale xumaaday kaddib markii ay xukuumadda Ra'iisul Wasaare Modi gobolkaas aqoonsiga kala noqotay sanadkii 2019-kii.
Fimilka muranka dhaliyay
"The Kashmir Files" oo soo baxay sanadkan 2022-ka waa filim lagu sameeyay luuqadda Hindiga, waxaana qoray islamarkaana hagay filim soo saaraha caanka ah ee lagu magacaabo Vivek Agnihotri.
Filimkan waxaa farsamadiisa ka shaqeeyay shirkadda Zee Studios, waxa uuna si toos ah uga hadlayaa weerarradii ay kooxaha mintidiinta Muslimiinta ah u geysanayeen dadkii Hinduuga ahaa.
Waxaa filiman jilaya atooreyaal ka mid ah kuwa ugu caansan Bollywiid-ka Hindiya.
Atooreyaasha ka dhex muuqta waxaa ka mid ah Mithun Chakraborty, oo ay Soomaalidu u taqaanno "Been Boode" iyo Anupam Kher "oo dadka filimada daawada ee Soomaalida ay u garan og yihiin "Aw Baska". Jilayaasha kale ee xiddigaha ka ah waxaa ka mid ah Darshan Kumar iyo Pallavi Joshi.















