Bollywood: Laadarka loo yaqaanno (Naanaa ma naxe) oo wiilkiisa caawin waayay

.

Xigashada Sawirka, Aditya Rawal/Instagram

Paresh Rawal ayaa wareysi uu siiyay qaar ka mid ah warbaahinta Hindiya, oo uu ku jiro wargeyska Indian Express waxa uu ku xirtay in uu garab istaagi waayay wiilkiisa.

Ninkan oo filimada Bollywood-ka inta badan ku jila laadarnimo waxay Soomaalida u garan og yihiin magacyo ay u bixiyeen, sida "Naanaa ma naxe" ama "Osa Buuko".

Muddo ka badan 40 sano ayuu Paresh ku soo dhex jiray xirfadda jilitaanka filimada Hindiya, wuxuuna leeyahay taageerayaal la dhacsan qaabka uu wax u matalo iyo doorka majaajilada ee uu mararka qaar qaato.

Dhawaan waxaa shaashadaha filimada kusoo biiray wiil uu dhalay "Uso Buuko" laakiin filimkiisii ugu horreeyay ma uusan noqonin mid heer sare ah, maadaama horay atooreyaasha ay xiddigaha caanka ah dhaleen loogu yaqaannay inay si fiican kusoo billaabaan xirfadda.

Arrintan ayaa loo sababeeyay in "Naanaa ma naxe" uu wiilkiisa caawin waayay, isagoo magac weyn ku leh Bollywood-ka.

Ma wuxuu noqday Shiid (lacag la'aan)?

.

Xigashada Sawirka, Google

Wiilkiisa Aditya wuxuu dhawaan kasoo muuqday filimkiisii ugu horreeyay ee Bamfaad, inkastoo aan si fiican looga daba dhicin.

Markii uu filimka soo baxay kaddib ayaa lagu baraarugay in Aditya Rawal uu yahay wiilka uu dhalay Paresh, inta badan daawadeyaasha filimaduna horay uma aysan sii ogeyn.

Wareysiga uu bixiyay ayuu ku sharraxay sababta ay taas ku dhacday.

"Iima suurtagalin inaan soo shaac bixiyo wiilkeyga, sababtoo ah lacagtaas uma heynin. In wiilkeyga la caan bixiyo waxay u baahneyd howl badan," ayuu yiri Osa Buuko.

Hase yeeshee wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida uu wiilkiisa kaligiis tallaabada horumarka leh u qaaday iyadoo aysan jirin cid taageero la garab istaagtay.

"Soo wax fiican ma aha in uu isaga dadaalkiisa kuwoo shaac baxo? Dadku way ka heleen sida uu u jilay filimka Bamfaad. Haddana wuxuu ka shaqeynayaa jilitaanka filimka Hansal Mehta. Wuxuu la shaqeynayaa nin sidiisa oo kale filimada u soo saara,"

Inta uusan Aditya noqonin jilaa, wuxuu ahaa qoraa iyo filim soo saare, sida uu sheegay Paresh.

.

Xigashada Sawirka, Google

Dad badan waxay isweydiinayaan in wiilka Paresh uu sida aabihiis u noqon doono laadar haddii filimadiisa ay guuleysan waayaan.

40-kii sano ee lasoo dhaafay Paresh Rawal wuxuu daawadeyaasha qalbiyadooda ku kasbaday xirfad aad u her sarreysa.

Filimkiisii ugu horreeyay, oo lagu magacaabo Holi, wuxuu soo baxay sanadkii 1984-kii, tan iyo xilligaasna wuxuu ahaa jilaa aan la joojin karin.

Marka uu doorka laadarnimada ku jilayo filimada waxaa lagu yaqaannaa in aan si sahlan lagu loodin karin.

Dhawaan wuxuu kasoo muuqan doonaa filim cusub oo lagu magacaabo Toofan.

Filimadiisa ugu caansan ee ay Soomaalida si weyn ugu xasuustaan waxaa ka mid ah "Aankhen" oo ay kula jiraan Akshay Kumar (Mastar Boon) iyo Arjun Pampal (Gooraf).

Filimkan waxay ku jilayaan in ay yihiin saddex indhoole saaxiibbo ah oo bangi isla dhacaya. Saddexdoodaba waxaa si khiyaano ah u adeegsanaya Amitabh Bachchan (Cali Dheere).

.

Xigashada Sawirka, Google

Sidoo kale filim ka mid ah kuwiisa ugu shactirada badan wuxuu lasoo dhigay Sunil Shetty iyo Akshay Kumar, waana filimka Hera Pheri.

Bartamihii bishii May ee sanadkan ayaa mar qura la shaaciyay war been abuur ah oo ku saabsan in jilaaga Paresh Rawal uu geeriyooday kaddib markii xilligaas maalmo ka hor laga helay cudurka Covid-19.

Laakiin durbadiiba wuxuu warkaas ku beeniyay bartiisa Twitter-ka, oo uu ku sheegay in si khaldan wax loo fahmay, loona maleeyay in isagoo hurda uu geeriyooday.