Bollywood: Hal su'aal oo aadan weydiin karin Shah Rukh Khan

Shahrukh Khan (bidix) iyo Varun Dhawan waxay isla jileen filimkii Delwale

Xigashada Sawirka, Varun Dhawan

Qoraalka sawirka, Shahrukh Khan (bidix) iyo Varun Dhawan waxay isla jileen filimkii Delwale

Xiddigga shirkadda filimada Bollywoodka Hindiya, Shah Rukh Khan, labadii sano ee ugu dambeysay kama uusan soo muuqanin shaashadaha filimada, laakiin wuxuu qabtaa barnaamijyo uu ugu talo galay taageerayaashiisa.

Malaayiin qof oo ku taxan barihiisa bulshada, oo kala jooga gudaha Hindiya iyo dunida daafaheeda kala duwan ayuu uga jawaabaa su'aalo xiiso badan oo ay soo weydiiyaan. Twitter-ka ayuu soo dhigaa barnaamijyada uu su'aalaha uga jawaabayo.

Hase yeeshee waxaa jirta su'aal aan la weydiin karin Shah Rukh Khan, ayna tahay in waligaa aadan u bandhigin xiddiggan.

Atooraha caanka ah ee lagu magacaabo Varun Dhawan, oo qudhiisa ka tirsan Bollywood-ka Hidniya, ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Bollywoodhungama ku sheegay waxa ay tahay su'aashaas.

Maxay tahay su'aashaas?

.

Xigashada Sawirka, Hindustan Times

Qoraalka sawirka, Shah Rukh Khan wuxuu ka mid yahay atoorayaasha ugu caansan Hindiya

Varun Dhawan wuxuu Shah Rukh Khan kala soo shaqeeyay filimka Dilwale - oo soo baxay sanadkii 2015-kii - kaasoo uu ku jilayay inuu yahay Shah Rukh walaalkiis ka yar.

Markii la weydiiyay waxa ay tahay su'aasha aan marnaba la weydiin karin xiddigga, wuxuu durbadiiba ku jawaabay: "Imisa ayaad ku iibsatay Mannat ?"

Dadka aan ka warqabin waxa uu "Mannat" yahay, waa magaca dhismaha sida qasriga u sameysan ee uu Shah Rukh Khan ku leeyahay deegaanka Bandra ee magaalada Mumbai.

Waa guri aad u qurux badan oo eegaya badda, mar walba oo ay jilayaasha Bollywood-ka Mumbai tagaanna ma hilmaamaan in ay booqdaan dhismahaas oo ah hoyga Shah Rukh Khan.

Mar bishii October uu qof taageere ah weydiiyay in Khan uu iska iibinayo dhismahaas ayuu ugu jawaabay in uusan iib ka ahayn, waligiisna uusan gacantiisa ka bixin doonin.

Shah Rukh Khan?

Xigashada Sawirka, Shah Rukh Khan?

Qoraalka sawirka, Shah Rukh Khan waxaa uu jilay aflaan badan

Khan, oo warbaahinta Hindiya qaarkeed ay ku naaneysaan boqorka Bollywood, waa jilaaga ugu hantida badan atooreyaasha caalamka.

Lacagta uu heysto waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 600 oo milyan oo doolar.

Xirfaddiisa jilaanimo wuxuu soo billaabay isagoo da' yar, wuxuuna kasoo muuqday in ka badan 80 filim.

Shah Rukh Khan, oo dhashay 2-dii bishii November ee sanadkii 1965-kii, wuxuu jilitaanka ku billaabay filimada musalsalka ah dabayaaqadii 1980-meeyadii.

Filimkiisii ugu horreeyay Bollywood-ka, oo lagu magacaabo Deewana, wuxuu soo baxay 1992-kii. Intii uu xirfadda waday wuxuu ku guuleystay ilaa 14 abaalmarin oo ah billadda atooraha ugu wanaagsan sanadka ee Film Fare.

Dhowrkii sano ee ugu dambeysay xiddiggan waxaa soo food saaray hoos u dhac weyn oo ku saabsan heerka ay filimadiisa gaaraan ganacsi ahaan.

Filimkiisii ugu dambeeyay ee lagu magacaabay Zero, oo rajo fiican laga qabay inuu dib usoo nooleyn doono xirfaddiisa, ayaa soo baxay dabayaaqadii sanadkii 2018-kii.

.

Xigashada Sawirka, Red Chilles

Qoraalka sawirka, Shah Ruh Khan wuxuu filimka Zero soo saaray 2018-kii

Laakiin isaga laftiisa wuxuu ku noqday niyad jab kale, maadaama uusan u fiicnaanin sidii la filayay. Waxaa filimkaas la jilayay labada atariisho ee kala ah Anushka Sharmaa iyo Katrina Kaif.

Khan, oo inta badan looga bartay filimo xiiso badan oo guuleystay, sumcad badan na uu ku helay ayaa sheegay in hoos udhaca sanadihii dambe soo food saaray uu ku keenay walaac uusan horay u arag.

Tan iyo markii uu Zero guul darreystay Shah Rukh Khan filim kale ma soo jilin, lamana oga halka uu ku dambeyn doono mustaqbalkiisa dhinaca jilliinka.