Bollywood: Waa kuma askariga xaaskiisa ay atariishada tahay ee wiilka Shah Rukh Khan u xiran yahay?

Wiilka Shah Rukh Khan iyo askarigii xiray

Xigashada Sawirka, IG / TWITTER

Aryan Khan, oo ah wiilka uu dhalay xiddigga Bollywood-ka, Shah Rukh Khan, ayaa wajahaya eedeymo la xiriira arrimo siyaasadeed iyo dhaliilo kale tan iyo markii ay xabsiga u taxaabeen ciidamada ka howl gala laanta la dagaallanka maandooriyaha ee magaceeda loo soo gaabiyo NCB.

Waxaa lasoo xiray kaddib markii uu soo galay raad ku saabsan daroogo la sheegay inuu ku lug lahaa. Fal celin aad u badan iyo hadal-heyn ballaaran ayaa ka dhalatay dhacdadan maadaama wiilka la xiray uu dhalay atoore magac weyn ku leh hindiya.

Maanta oo ah 13-ka bisha October, 2021 ayaa la filayaa in uu billowdo dhageysiga kiiska ka dhanka ah Aryan.

Arrintan oo dhan waxaa bartanka uga jira agaasimaha NCB ee aagga Mumbai, oo lagu magacaabo Sameer Wankhede.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, NCB waxay gudaha Bollywood-ka ka fulisay olole ka dhan ah maandooriyaha, kaasoo lagu bartilmaameedsanayay jilayaal badan oo ka tirsan shirkaddaas.

Waxaa Sameer qudhiisa lagu eedeynayaa inuu Bollywood-ka daba dhigtay si uu wai u sii ahaado hadal heynta wararka warbaahinta.

Hase yeeshee Sameer ma aha nin ku cusub inuu dhexda ka istaago muran, horayna waxaa loogu jeediyay eedeymo noocan oo kale ah.

Markii uu hadda ka hor ka shaqeynayay waaxda canshuuraha ee garoonka diyaaradaha Mumbai waxaa sidoo kale uu tallaabooyin ka qaaday qaar ka mid ah dadka caanka ah ee ka tirsan Bollywood-ka.

Waa kuma Sameer Wankhede?

Sameer Wankhede waxa uu kasoo jeedaa gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya. Magaciisa waxa uu soo shaac baxay sanadkii 2008-dii waxa uu ka howl galayay qaybta canshuuraha ee garoomada diyaaradaha.

Markii ugu horreysay waxa uu booliska Hindiya ku biiray sanadkii 2006-dii.

Sameer aabihiis xitaa waxa uu ahaan jiray askari ka tirsanaa booliska Hindiya.

Xilligii uu ka shaqeynayay qaybta canshuuraha ee garoonka diyaaradaha Mumbai, Sameer wuxuu tallaabooyin ka qaaday qaar ka mid ah xiddigaha Bollywood-ka

Xigashada Sawirka, ANI

Qoraalka sawirka, Xilligii uu ka shaqeynayay qaybta canshuuraha ee garoonka diyaaradaha Mumbai, Sameer wuxuu tallaabooyin ka qaaday qaar ka mid ah xiddigaha Bollywood-ka

Markii uu ku biiray waaxda canshuuraha, Wankhede waxaa durbadiiba la geeyay qaybta kastamka. Waxa uu muddo dhowr sano ah taliye ku xigeen ka ahaa waaxda canshuur eegista ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Mumbai.

Waxa uu sidoo kale kasoo shaqeeyay taliska sirdoonka canshuuraha (DRI) iyo iyo Laanta Qaran ee baaritaannada (NIA). Laanta NIA waa hay'ad ka tirsan dowladda oo baaritaanno ku sameysa falalka la xiriira argagixsada.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii, Sameer Wankhede waxaa loo magacaabay inuu noqdo taliyaha laanta la dagaallanka iyo xakameynta maandooriyaha ee magaalada Mumbai.

Waxaa sidoo kale la guddoonsiiyay abaalmarinta ugu wanaagsan ee dhinaca baaritaanka, taasoo ay siisay wasaarad ka tirsan xukuumadda.

Sameer Wankhede waxa uu markii ugu horreysay wararka warbaahinta qabsaday 2020-kii kaddib markii uu la wareegay baaritaannada la xiriira eedeymaha ganacsiga daroogada ee ka jiray gudaha Bollywood-ka.

Eedeymaha la xiriira in xiddigaha Bollywood-ka ay ku lug leeyihiin ganacsiga maandooriyaha waxa ay indhaha NCB kusoo jeesteen kaddib geeridii atoorihii lagu magacaabi jiray Sushant Singh Rajput.

Bannaanka ayay iska taallay hadal heynta ku saabsan in jilayaasha Bollywood-ka ay isticmaalaan daroogada, waxaana taas sii dheereyd in Sushant Singh Rajput saaxiibtiis Rhea Chakraborty lagu eedeeyay inay isticmaasho daroogada.

Ciidanka ka howlgala NCB ayaa xabsiga u taxaabay Rhea Chakraborty, kaddibna Sameer Wankhede waxa uu u soo jeestay inuu dabagal ku sameeyo Bollywood-ka.

Xarunta NCB waxaa sidoo kale looga yeeray xiddigaha kala ah Deepika Padukone, Sara Ali Khan, Rakul Preet Singh iyo Sharaddha Kapoor, kuwaasoo dhammaantood su'aalo laga weydiiyay arrintan, halka majaajiliistaha caanka ah ee lagu magacaabo Bharti Singh isagana loo xiray eedeymo ku saabsan maandooriyaha.

Jilayaasha kale ee su'aalaha la weydiiyay waxaa ka mid ah Arjun Rampal oo ka mid ah atooreyaasha ugu magaca weyn Bollywood-ka iyo atariisada musalsalka telefishinnada ee lagau magacaabo Pratika Chauhan.

"Sanadkan gudihiisa oo kaliya waxaa, NCB waxay fulisay 94 howlgal oo laga sameeyay Mumbai iyo 12 laga sameeyay Goa," ayuu yiri Wankhede oo la hadlayay Wakaaladda Wararka ee ANI.

Waxa uu intaas ku daray "in 12 qof loo xiray dacwado la xiriira daroogada".

Laakiin Sameer Wankhede waxaa lagu eedeeyay inuu si sharciga ka baxsan u bartilmaameedsado xiddigaha Bollywood-ka si uu ugu soo caan baxo.

Sameer Wankhede xaaskiisa Ranti Redkar waa atariisho soo jisha filimada Hindiga iyo Marathi

Xigashada Sawirka, KRANTI REDKAR / INSTAGRAM

Qoraalka sawirka, Sameer Wankhede xaaskiisa Ranti Redkar waa atariisho soo jisha filimada Hindiga iyo Marathi

Xitaa markii uu Sameer Wankhede ka howlgalayay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Mumbai, waxaa lagu dhaliilayay inuu si gaar ah u daba dhigan jiray xiddigaha Bollywood-ka.

Intii uu taliye ku xigeenka ka ahaa qaybta canshuur eegista waxa uu ganaax dul dhigay atariishada Bollywood-ka ee lagu magacaabo Manissha Lamba iyo fannaanka la yiraahdo Mika Singh.

Waxaa la sheegay in sanadkii 2011-kii markii koobka ciyaaraha Cricket-ka ee Hindiya ay kusoo guuleysatay la keenay garoonka diyaaradaha Mumbai la diiday in lala soo galo ilaa laga bixiyo canshuur. Xilligaas Sameer ayaa joogay qaybta canshuur eegista.

Xaaskiisa waa atariisho

Sameer Wankheda waxa uu mar walba wajihi jiray eedeymaha ku aaddan inuu neceb yahay Bollywood-ka balse xaaskiisa waa atariisho soo jisha filimada ku baxa Marahi-ga iyo Hindiya.

Atariishadaas oo lagu magacaabo Kranti Redkar waxa uu guursaday dhowr sano ka hor.

Barteeda Instagram-ka ayay Kranti Redkar soo dhigtay farriin ay ninkeeda ku bogaadineyso shaqada uu ka qabtay laanta ka hor tagga daroogada, waxayna tiri: "Waad ku mahadsan tahay shaqadaada. Dhammaanteen waan bogaadineynaa shaqada NCB iyo tallaabooyinkeeda inkastoo lasoo hadal qaado Bollywood-ka oo kaliya balse ay jiraan dad kale oo ay saameysay shaqada".

"Waxaa jira dad sheegaya in NCB ay si gaar ah u raadsato dadka ku jira Bollywood-ka, laakiin dadkaas waxaan kula talinayaa inay wax aqriyaan, wararkana la socdaan. Way sahlan tahay in wax la eedeeyo iyadoo guriga la iska fadhiyo, taleefan qaali ahna la isticmaalayo, inta aad wax eedeyneyso adigoo iska fadhiyana, NCB waxay ku mashquulsan tahay inay la tacaasho xakameynta daroogada," ayay sii raacisay qoraalkeeda.

Warbaahinta Hindiya qudheeda waxay sheegaan in hay'adda NCB ay howl fiican fulisay, dad waaweyn oo daroogada ka ganacsadana lasoo qabtay.