Wiil uu dhalay Shah Rukh Khan ee indhaha saxaafadda ku wada jeedaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbaahinta dalka Hindiya ayaa si aad ah u hadal haysa sheekada laba wiil oo dad caan ah ay dhaleen.
Midka koowaad waa Aryan Khan, oo ah 23 jir ah wiilka uu dhalay xiddigga a Bollywood-ka Shah Rukh Khan, kaas oo la xiray subaxnimadii hore ee Axadda kadib markii lagu eedeeyay in uu xaflad ka sameeyay daawooyin madadaalo ah.
Midka labaad waa Ashish Mishra, oo ah wiil uu dhalay wasiirka arrimaha gudaha ee Hindiya, kaas oo lagu eedeeyey inuu darawalkiisa ku amray inuu gaarigiisa jiirsiiyo dad beeraley ah oo mudaaharaadayay, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac.
Khan iyo Mishra labaduba way beeniyeen eedeymaha loo soo jeediyay, islamarkana labadan kiis ma ah kuwa sina iskula xiriira.
Laakiin qaabkii loola dhaqmay labada nin ee dhalinyarada ah ee ay fulinayeen laamaha ammaanka, iyo warbaahinta oo si baaxad weynayd ay u soo jiidateen kiiska Khan, ayaa horseeday in qaarkood ay su'aal geliyaan ajendaha qaar ka mid ah saxaafadda, waxayna ku eedeeyeen qaar ka mid ah inay isku dayayaan inay "sawir xun ka bixiyaan Bollywood" .
Kiiska Daroogada.
Khan ayaa laga soo dejiyay markab dalxiis oo ka yimid Mumbai oo ah magaalada ay qoyskiisu ku nool yihiin - waxaa uuna xilligaas ku sii jeeday goobta loo dalxiis tego ee lagu magacaabo Goa.
Xafiiska Xakamaynta Maandooriyaha (NCB), oo xiray isaga iyo dhowr qof oo kale , ayaa sheegay in lagu xiray arimo "la xiriira , isticmaalka iyo iibinta waxyaabo sharci darrada ah".
23 jirkan ayaa xabsiga lagu sii hayn doonaa ilaa 7-da bsihan Oktoobar.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegay, iyada oo ku saleysan waraaqaha qabashada Khan, in arrinta eedda daroogada ay u badan tahay in cadeymaha loo hayo ay tahay aad u yar oo aysan jirin sabab lagu sii hayo xabsiga.
Qareenkiisa Satish Manshinde ayaa si adag u beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay.
Wuxuu u sheegay garsooraha dhageysanayay kiiskii dammaanad loogu raadinayya Mr Khan in"laba jeer la baaray markii uu raacay doonnida" iyo "in aan laga helin wax koontarabaan ah" mana jirto "wax caddayn ah oo ah in uu daroogo isticmaalayay".

Xigashada Sawirka, ANI
Dibadbaxyo ay dhimasho ka dhalatay
Dhacdada labaad waxay ku lug leedahay Ashish Mishra, oo ah wiilka ra'iisul wasaaraha Narendra Modi oo ay saaxiib yihiin wasiir Ajay Mishra, ka dib markii baabuur ka mid ah kolanyo ay wateen la sheegay in la jiirsiiyay koox beeraley ah oo mudaaharaad ka waday degmada Lakhimpur ee Uttar Pradesh.
Guud ahaan, sideed qof ayaa la dilay. Ururada beeraha ayaa sheegay in laba mudaaharaadeyaal ah ay dhinteen markii la dul maray, laba qof oo kale oo dhaawac uu soo gaaray ayaa markii dambe ku dhintay isbitaalka, iyo saddex ka mid ah shaqaalaha BJP iyo darawalkii oo ay garaacayeen koox mudaaharaadaya.
Wararkii ugu horreeyay ee arrintan ku soo saabsan ayaa iyaga oo soo xiganaya Ashish Mishra waxa uu sheegay inuu dhex marayay gaariga beeraleydan dibadbaxa dhigayay isaga oo ka baqdin qaba in ay waxyeelo u geystaan.
Markii dambe wuxuu sheegay inuusan saarneyn gaariga markii falka uu dhacayay - tasai oo aabihii-na uu ku raacay.
Kaddib markii ay mudaaharaadyo sameeyeen axsaabta mucaaradka iyo ururada beeraleyda ayaa ugu dambayntii boolisku subaxnimadii Isniinta baaritaan bilaabay oo aabbihii iyo wiilkii dacwad lagu soo oogay.
Qaabkii ay warbaahinta u tabiyeen
Axaddii oo dhan, qaar ka mid ah telefishinnada ayaa tebinayay dhibaatada qoyska Khan. Waxaa la sawiray oo la duubay isaga oo ay booliisku wadaan gudaha iyo bannaanka dhismayaasha.
Waxaa sidoo kale sawirada wiilka Mr. Khan aad loogu baahiyay baraha buslahad halka ay dad badan iskula wadaageen WhatsApp.
Xiritaanka Khan ayaa mid ka mid ah wariyaasha waxaa uu ku tilmaamay inuu ahaa "bur -bur weyn oo ka dhacay xaflad rave", halka mid kale uu dalbaday in la joojiyo "xiriirka ka dhexeeya Bollywood iyo daroogada".
Xrigga wiilka u dhalay xiddiga xiddigga a Bollywood-ka Shah Rukh Khan ayaa ahaa midka ugu sareeya wararka dalkaasi Hindiya.










