Xiriir miyaa ka dhaxeeya cayilka xad dhaafka ah iyo kansarka minka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cayilka xad dhaafka ah ee haweenka ayaa kordhiya khatarta kansarka ku dhaca minka, sida lagu xusay baaritaan la sameeyay.
Haddii haweeney dhererkeedu yahay (1.65m) uu miisaankeedu (12.7kg) ka badan yahay kan caadiga ah ee caafimaadka leh, waxaa laba jibbaar kordhaya khatarta ay ugu jirto kansarka minka, tusaale ahaan.
Baaritaankan oo ay maalgelisay waaxda Cancer Research UK (CRUK) ayaa waxaa ka qeyb galay 120,000 oo haween ah oo ku nool UK, Mareykanka iyo shan dal oo kale.
Hay'adda ayaa sheegtay in miisaan caafimaad leh uu dhimi karo 13 nooc oo kansar kala duwan ah. Waxyaabaha kale ee sababi kara kansarka minka ayaa lagu sheegay inay ka mid yihiin hidda-sidaha qofka iyo hoormooniska.
Cirbadda lagu cabbiro sokorta dhiigga

Xigashada Sawirka, SPL
Fakrad ayaa tilmaameysa in unugyada cayilan ay farriin u diri karaan unugyada kale si ay u kala qeybsamaan oo u sii bataan, taas oo sababi karta kansar.
Kobcidda qaar ka mid ah kansarka naasaha ku dhaca ayaa lala xiriiriyaa hoormoonka haweenka ee oestrogen, kaas oo sidoo kale ay soo saaraan unugyada cayilan.
Daraasadda CRUK, oo ay horkacayaan koox ka tirsan Jaamacadda Bristol laguna daabacay bogga BMC Medicine, ayaa ka mid ah daraasadaha ugu waaweyn ee laga sameeyay xiriirka ka dhaxeeya buurnida iyo kansarka minka.
Waxaa daraasadda diiradda lagu saaray saameynta cayilka muddada dheer waxayna lagu ogaaday in hoormoonka haweenka, cirbadda sokorta dhiigga lagu cabbiro iyo hoormoonka ragga ee testosterone, lala xiriiriyo cayilka iyo kansarka minka.
Baarayaasha ayaa rajeynaya in saynisyahannada ay mustaqbalka adeegsan doonaan dawooyin lagu xakameynayo heerarka hoormoonnada dadka khatarta ugu jira kansarka.
Dhiigga ka yimaada xubinta taranka haweenka

Baaraha horkacaysay daraasadda oo lagu magacaabo Dr Emma Hazelwood ayaa tiri: "Daraasaddan waa tallaabadii ugu horreysay oo xiiso leh oo loogu kuur galayo sida daraaseynta hidda-sidayaasha loogu adeegsan karo in lagu ogaado sida cayilka xad dhaafka ah uu u sababo kansarka iyo sida wax looga qaban karo."
Madaxa warbixinta caafimaadka ee CRUK Dr Julie Sharp ayaa tiri: "Daraasadaha sida tan waxay muujinayaan in cayilka xad dhaafka ah uu yahay waxa labaad ee ugu weyn ee kansarka ka sababa UK waxayna naga caawin kartaa inaan billowno is weydiinta sababta.
"Tani waxay door muhiim ah ka cayaari kartaa ogaanshaha sida mustaqbalka looga hortagi karo loona daweyn karo kansarka".
Hal ka mid ah 36-dii haween ee ku nool UK ayaa waxaa ku dhaca kansarka minka halka afartii haweenna ay middood isu aragto caadada oo xilli hore ka go'da.
Calaamadaha kansarka minka

Xigashada Sawirka, STEVE GSCHMEISSNER/SCIENCE PHOTO LIBRARY
- calaamadda ugu weyn waa dhiig aan caadi ahayn oo ka yimaada xubinta taranka
- calaamaddan waxaa ka mid noqon kara:
- dhiig kaa yimaada kaddib marka caadadu kaa go'do
- dhiig u dhaxeeya xilliyada caadada
- dhiig kaa yimaada kaddib galmada
- dhiig bax saa'id ah oo xilliga caadada
- dhiigbax saa'id ah oo joogto ah, oo aysan daaweyn wax ka tareyn
- dheecaan biyo biyo ama dhiig wata oo xubinta taranka ka yimaada
- Si kastaba, ma aha in dhammaan dhiigbaxa aan caadiga ahayn uu yahay kansarka minka, sidaa darteed waxaa lagu talinayaa inaad dhaqtar u tagto.












