Trump: 'Madaxweynaha Soomaaliya wuu diiday in uu Ilhan Omar u wato Soomaaliya'

Xigashada Sawirka, Reuters/Social/Ilhan Omar
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isagoo warbaahinta kula hadlayey Aqalka Cad mar kale magac dhabay Ilhaan Cumar oo uu sheegay inuu kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud mar uu la kulmay.
"Waxaad ogtahay inaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, waxaan u soo jeediyey haddii uu jeclaan lahaa inuu kaxaysto iyada", ayuu yiri Trump balse wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan ugu jawaabay "inuusan doonayn".. Madaxweyne xigeenka dalka J Vance iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Trump oo qolka kula sugnaa ayaa si weyn ugu qoslay arrintaasi.
Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka falcelisay hadalka Trump ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda X, ee horrey loo oran jiray Twiter waxay ku sheegtay Trump inuu lahay qof beenlow ah.
"Horrey wuxuu u diiday in Soomaaliya leedahay madaxweyne, haddana been kale ayuu abuurayaa.Madaxweyne Trump waa nacas been low ah oo an sinaba hadaladiisa waji gabaxa leh loo rumaysan karin.
Xiriir BBC-du la samaynay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya si aan ugu helno jawaab sheegashada Trump nooma suuragelin inaan helno.
Waxa wali sii xooggaysanaya khilaafka ka dhex taagan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congreska dalka Maraykanka.
Maalmo ka hor ayey ahayd markii Trump uu Ilhaan oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya uu ku dhaliilay inaysan u sheegi karin sida dal loo maamulo iyadoo ka soo jeedda sida uu ku qoray bartiisa Social Truth ''dal sabool ah oo ay colaado ragaadiyeen isla markaana isku dayaysa in Maraykanka ay barto sida wax loo maamulo".
Ilhaan oo ka jawaabtay hadalka Trump waraysi ay bixisay waxay ku sheegtay "Aniga waxaan ku dhashay, dabcan, Soomaaliya, taasoo uu madaxweynaha jecel yahay inuu xuso. Waxaan sidoo kale ku faanaa hiddahayga Soomaaliyeed. Taasi waa wax aysan iga qaadi karin. Waxaana rabaa in aan hal arrin sheego, taas oo madaxweynaha uu u baahan yahay inuu fahmo: ma aha suurtagal inuu xilka ka qaado xildhibaan weli shaqeynaya," ayey tiri Ilhaan Cumar oo CNN la hadlaysay.
Mar kale dagaal afeedka u dhaxeeya Ilhaan Cumar iyo Trump ayaa xiiso kale yeeshay markii sida lagu baahiyey baraha bulshada Trump sheegay inuu Ilhaan kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Maraykanka ku sugan kana qayb galaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Falcelintii hore ee hadaladii Trump ka sheegay Soomaaliya
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hadalkii hore ee Trump ka sheegay Soomaaliya isagoo ku dhaliilay Ilhaan Cumar ayaa si weyn baraha bulshada ay Soomaalidu ugu falceliyeen iyagoo siyaabo kala duwan ugu hadlay.
Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa garab-istaag u muujiyay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Mareykanka lagana soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, oo maalmahan ay hadallo is dhaafsadeen madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Wasiirka ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray: "Wixii siyaasadda dalka ay xildhibaanka ka tahay ah waa arrin aan inoo oolin, balse gabadheena haddii isirkeeda lagu beegsanayo garabkeeda ayaan taagannahay, magaceeda iyo magaca halka ay ka soo jeeddo asal ahaan meel weyn ayay gaarsiisay."
Wuxuu kale oo uu intaa ku daray, "Soomaalidu waa dad fac weyn, taariikh fog leh, Meesha ay ku nool yihiin ka muuqda, dunidana ka tilmaaman, intaasna waxa jiri kara kuwo dhibsanaya." Ayuu yiri.
Khilaafka u dhaxeeya Ilhaan Cumar iyo madaxweyne Trump ayaa muddo dheer soo taxnaa, xitaa muddo-xileedkiisii hore.













