Dhegeyso: Shirka Maalgashiga Qurbajoogta ee Soomaaliya

Qoraalka Codka,
Dhegeyso: Shirka Maalgashiga Qurbajoogta ee Soomaaliya

Magaalada Muqdisho waxa maanta ka qabsoomay shir hal maalin ah oo ku saabasan maalgashiga qurbo joogta Soomaalida ee wadanka gudihiisa iyo sidii loo kordhin lahaa kaalintooda hadda ay kaga jiraan dibu dhiska dalka.

Shirka oo ay ka qaybgaleen qurbo joog fara badan oo dalka ka sameeyay ganacsiyo yaryar iyo kuwa waaweyn ayaa loogu baaqay kuwooda aan wali dalka imaan, in ay soo laabtaan dalkana maalgashadaan.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo tagay shirkaasi intii uu socday ayaa wareystay Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya Ibraahim Guure Maxamed, wuxuna marka hore weydiiyay qodobda uu shirku diiradda saarayo.