Nin lagu soo dacweeyey inuu xaday oo liqay ukun qiimaheedu yahay 19 kun oo doolar

Ukunta la xaday

Xigashada Sawirka, Fabergé

Qoraalka sawirka, Ukunta la xaday
    • Author, Kelly Ng

Nin u dhashay wadanka New Zealand ah ayaa lagu soo oogay dacwad xatooyo ah kaddib markii lagu eedeeyay inuu si aad u yaab leh u dhacay silsilad dahab ah oo dheeman lagu farsameeyay isaga oo liqay gabi ahaanteedba.

Hantida uu liqay oo ah silsilad Fabergé egg ah oo qiimaheedu yahay $19,300 oo doolar weli lama helin, sida ay booliisku u sheegeen warbaahinta maxalliga ah.

Booliiska ayaa looga yeeray Partridge Jewellers oo ku taala badhtamaha Auckland gelinkii dambe ee Jimcihii hore, waxaana ninka oo 32 sano jir ah lagu qabtay gudaha dukaanka dhowr daqiiqo gudahood. Waxa uu maray baadhitaan caafimaad, waxaana booliisku sheegeen inuu weli ku jiro xabsiga.

Sida uu sheegay website-ka dukaanka dahabka, silsiladda Fabergé egg ee la sheegay in la xaday waxaa ku xardhan 60 dheeman oo caddaan ah iyo 15 safayr (sapphires) buluug ah, waxaana marka la furo ka dhex muuqda oktobus yar oo laga sameeyay dahab gaadhay 18-carat ah.

Ukunta Octopussy, sida loogu magac daray, waxaa dhiirrigeliyay filimkii James Bond ee la sameeyay sanadkii 1983 oo isna lahaa isla magacaas, kaas oo ka hadlayay dhaca adag ee ukunta Fabergé.

Fabergé waa shirkad dahab iyo qaalimaad caalami ah oo sumcad weyn ku leh dunida, laguna aas aasay Ruushka in ka badan laba qarni ka hor, waxayna caan ku tahay ukumo laga sameeyay dhagxaan qaali ah iyo biraha qaaliga ah.

Eedeysanaha waxaa la filayaa inuu maxkamadda soo hortago mar kale 8-da December.

Sida ay wararku sheegayaan, waxaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah inuu iPad-ka ka xaday isla dukaanka dahabka ah 12kii Nofembar iyo inuu ka xaday qashinka bisadaha iyo alaabta lagu xakameeyo boodada oo qiimahoodu yahay NZ$100.