Dagaalkii 12-ka maalmood ee Iiraan iyo Israa'iil; Iiraan oo sii deysay fiidiyowyada weerarradii Israa'iil ay ku qaadday xarumaha difaaca cirka

Si aan hore looga baran ayaa Telefishinka Iran (IBRC) waxa uu soo bandhigay muuqaalo muujinaya weerarrada Israa'iil ay ku qaaday xarunta laga hago difaaca hawada iyo xarun difaac oo ay leeyihiin ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Muuqaalladan ayaa la sii daayay mar uu waraysi la yeeshay Sarreeye guuto Reza Khajeh, oo ah ku xigeenka madaxa hawlgallada difaaca cirka ee militariga Iran.
Wareysi lala yeeshay ku xigeenka madaxa howlgallada difaaca cirka ee Iran ayaa waxaa la soo bandhigay muuqaal muujinaya laba weerar oo Israa'iil ay ku qaaday goobo ciidan oo ku yaalla Iran. Mid ka mid ah labada fiidiyow, nidaamka difaaca ayaa la beegsaday, laakiin lama cayimin meesha uu ku yaal.
Taariikhda ay IRIB duubtay muuqaalkan ayaa ahayd Juun 13, maalintii ugu horaysay ee duulaanka Israa'iil. Si kastaba ha ahaatee, taariikhda lagu duubay muuqaalka CCTV lafteeda ayaa muujinaysa Juun 12, 3:32 subaxnimo.
Sida laga soo xigtay jeneraal Khawaja, "laba sarkaal" oo halkaa ka shaqaynayey ayaa ka baxayay ka hor weerarka Israa'iil, sida uu sheegayna, "waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah".
Si kastaba ha ahaatee, sida laga arkay muuqaal kale oo la sii daayay intii lagu jiray wareysiga, taliye ku xigeenka Hawlgallada Difaaca Cirka ee Ciidanka Cirka ee Iran ayaa sheegay in muuqaalkan uu ahaa markii "Xarunta Difaaca Tabriz" la beegsaday.
Sawirro laga soo saaray xarunta, ayaa waxaa lagu arkayaa dhowr qof oo ka shaqeynayay ka hor inta uusan gantaalku dhicin, waxaana sawirka ka muuqda, qaar badan oo ka mid ah dadkaasi oo qolka ka sii baxaya markii la weeraray xarunta.
Sarreeye Guuto Khajeh ayaa sheegay in raggan ay ka war hayeen in la bartilmaameedsan doono, isagoo intaa ku daray in taliyaha ciidamada ilaalada xarunta uu noqday "Ruug-caddaa" weerarka Israa'iil awgeed. Luqadda suugaanta siyaasadeed ee Iran, "Ruug-caddaa" waxa loola jeedaa qof maskax ahaan ama jir ahaan naafo noqda marka ay gudanayaan waajibaadkooda.
Taliye ku xigeenka Hawlgalka Difaaca Cirka ee Ciidanka Cirka ee Iran ayaa wareysigan ku sheegay in "35" sarkaal oo ka tirsan ciidamada difaaca lagu dilay dagaalkii 12-ka maalmood socday ee u dhaxeeyay Israa'iil iyo Iran.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu sheegay intii lagu guda jiray muddadan, "in ka badan 196 diyaaradood oo Israa'iil leedahay oo nooc kasta leh ayey soo rideen difaaca cirka ee milateriga iyo difaaca cirka ee ilaalada kacaanka ee IRGC".
Qorshahan ayaa la sii daayay iyadoo wararka xanta ah ee ku saabsan dagaal u dhexeeya Israa'iil iyo Iran ay mar kale sii kordhayaan.
Sarreeye Guuto Khajeh ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa'iil la soo riday ay u badnaayeen Hermes 900 iyo Hermes 450 oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn iyo Heron, waxaana inta badan laga soo qabtay galbeedka Iran, bartamaha dalka, iyo magaalada Tehran.
Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Iran ayaa sheegay in weerarkii ay Israa'iil ku qaaday Iran maalmihii hore uu ahaa "Gantaalada badda iyo kuwa ballistic-ga" wuxuuna sheegay in Israa'iil aysan marka hore duqeyn diyaarado dagaal.
Wareysiyadan iyo muuqaalladan ku saabsan weerarrada Israa'iil ay ku qaadday xarumaha difaaca Iiraan ayaa lagu daabacay xaalad maalmihii u dambeeyay aan si rasmi ah loo ogeyn oo aan la xaqiijin. Qaar ka mid ah warbaahinta gobolka ayaa sheegay in diyaaradaha Israa'iil ay ku sugan yihiin hawada sare ee Ciraaq iyo meel u dhow xudduudaha Iran.

Xigashada Sawirka, IRIB
Sarreeye Guuto Khajeh oo ka jawaabayey su'aal ku saabsan suurtagalnimada joogitaanka diyaaradaha dagaalka Israa'iil ayaa sheegay in aysan jirin wax khatar ah oo ku wajahan hawada Iran wixii ka dambeeyey dagaalkii 12ka maalmood.
Wareysigan waxa uu si cad isku barbar dhigay awoodda difaaca ee Iran iyo awoodaha horumarsan ee Israa'iil, oo ay ku jiraan arrimaha la xiriira cunaqabataynta, waxaanu ballan qaaday in "ujeedka ugu dambeeya" ee difaaca Iran uu yahay in la helo awood ay dhexda kaga qaban karto "diyaaradaha dagaalka ee horumarsan" ee hawada dalka soo gala.
Ka dib markii uu dagaalku bilaabmay, waxaa soo baxay dhaleecayn ku saabsan awoodda difaaca ee Iran, taas oo ilaa maanta jirta.
Intii uu socday dagaalkan, Israa'iil waxa ay beegsatay tiro badan oo ka mid ah taliyeyaasha sare ee ilaalada kacaanka Islaamiga ah, oo ay ku jiraan taliyaha guud, taliyaha ciidamada cirka, madaxa hay'adda sirdoonka ee IRGC, taliyaha xarunta dhexe ee Khatam al-Anbiya, ka dibna ninkii isaga beddelay, iyo sidoo kale tiro ka mid ah dadka ku lugta leh barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.
Intii uu socday dagaalkan, Mareykanka waxa uu sidoo kale weeraray xarumaha waaweyn ee Nukliyeerka Iran ee Natanz, Isfahan, iyo Fordow.
Tan iyo markii ay bilaabatay xabad joojinta, saraakiisha Iran waxay ku celcelinayeen inaysan wax rabitaan ah ka qabin dagaal balse ay diyaar u yihiin suurtagalnimada weerar kale.
Saraakiisha militariga Iran ayaa sheegay in wadanku uusan dhamaan awoodiisa u adeegsan in uu ku weeraro Israa'iil intii uu socday dagaalka 12-ka maalmood ah.













