Waa sidee xaaladda Soomaalida ku dhaqan Mareykanka kadib hadalkii Trump?

Qoraalka Codka, Trump ayaa eedeymo kala duwan ujeediyay Soomaalida ku dhaqan Mareykanka
Waa sidee xaaladda Soomaalida ku dhaqan Mareykanka kadib hadalkii Trump?

Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa wajahaya cabsi iyo argagax kadib markii madaxweyne Trump uu ku tilmaamay dad aan lag arabin Mareykanka in ay sii joogaan .

Dolwadda Federaalka Mareykanka ayaa wadda qorshe ay ku qabqabanyso dadka sharci la'aanta ku jooga dalkaasi ee Soomaalida ah, kuwaas oo ciidamad Laanta Socdaalka ee ICE, loo yaqaanno loo adeegsanayo.

Dariiqyada, goobaha shaqada iyo xaruumaha caafimaadkaba ayaa dadka lagu beegsanayaa isla markaana lagu waydiinayaa su'aalo la xiriira waxyaabaha ay dalka ku joogaan.

Arrintaan ayaa abuurtay cabsi xooggan, iyadoo dhaqdhaqaaqa ganacsigu uu gaabis yahay oo dadku ay joogaan guryaha.

Dadka ayaa loogu baaqayaa in aysan albaabbada ka furin ciidamada magaalada wareegaya ee dadka waydiinaya sharciga.

Haddaba lifaaqa kore ka dhageyso wararkii ugu dambeyay: