Ciidamada Ilaalada Xadka oo lasoo dhoobay Minneapolis iyo dibadbaxyada oo weli socda

Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saraakiisha Waaxda Arrimaha Ammaanka Gudaha Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta CBS News in ilaa 800 oo Ciidamada Ilaalada Xadka ah la geeyay aagga Minneapolis. Waxay dheeraad ku yihiin ilaa 2,000 oo ciidamada federaalka ee ICE oo hore usii joogay halkaas.

Muddooyinkii dambe ayaa walaac laga muujinayay ciidamadan faraha badan ee halkaas lasoo dhoobay, iyadoo lagu andacoonayay inay saameysay bulshada ku nool gobolka ayna absi gelisay.

Lama hubo saameynta ka dhalan karta ciidankan la geeyay gobolka Minnesota.

Dhanka kale, Maamulka Trump ayaa ka laabanaya Sharciga Ilaalinta Ku-meel-gaarka ah (TPS) ee ay heystaan ku dhowaad 2,500 oo muhaajiriin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo qarka u saaran inay waayaan sharcigooda iyo oggolaanshaha shaqada marka ay taariikhdu tahay 17-ka Maarso.

Tallaabadan ayaa timid bilo ka dib markii Mr. Trump uu muhaajiriinta Soomaalida ah ee ku nool Maraykanka ugu yeeray "khashin" uuna sheegay inuu rabo inay ka baxaan dalka. Maamulkiisa ayaa soo xigtay fadeexad musuqmaasuq oo baaxad leh oo lala xiriirinayo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida si kumanaan wakiillo socdaalka federaalka ah loo geeyo aagga Minneapolis.

Maalmo ka dib markii 2,000 oo wakiilada federaalka ah ay ku qulquleen Minnesota, wakiilka ICE Jonathan Ross ayaa toogtay Renee Good, oo ahay muwaadin u dhalatay Maraykanka oo kaxaynaysay gaarigeeda. Inkasta oo Mr. Trump, Xoghayaha DHS Kristi Noem iyo saraakiil kale oo federaal ah ay isku dayeen inay Good ku tilmaamaan inay dooneysay inay waxyeelleyso wakiilka, falanqaynta khubarrada ee caddaymaha muuqaalka ah ayaa beenisay sheekadaas.

Maalintii Isniinta, gobolka Minnesota, oo ay weheliyaan magaalooyinka Minneapolis iyo St. Paul, ayaa ku dhawaaqay dacwad ka dhan ah Noem iyo saraakiil kale oo federaal ah si loo joojiyo qulqulka wakiillada ICE ee tagaya Minnesota.

Dacwaddu waxay ku doodaysaa in kororka ciidanku uu yahay xadgudub ka dhan ah Waxkabadelka 10-aad ee Dastuurka (10th Amendment), kaas oo dhigaya in "awoodaha uusan dastuurku u xilsaarin Maraykanka, kana mamnuucin gobollada, una deynin gobollada ama dadka."

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Muxuu Trump u beegsanayaa Soomaalida iyo Soomaaliya?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Muddooyinkii aynu soo dhaafnay waxa uu Trump u beegsaday Soomaalida si gaar ah, isaga oo sheegay inay ''sababeen dhibaatooyin badan.

Bishii November Trump waxa uu sheegay inuu joojinayo barnaamijka difaaca kumeel gaarka ah siinaya Soomaalida soo galootiga ku ah Minnesota (TPS) oo ah difaac sharci ah oo kahor tagaya in la tarxiilo.

Roodo Cabdullaahi Colaad oo ah cilmi-baare iyo u dhaqdhaqaaqe caafimaadka dhimirka ayaa BBC-da oo wax ka weydiisay waxa uu Trump ku maagay Soomaalida waxay tiri ''idaacadaha iyo dad badan oo Maraykan ah, waxa ay ugu ka falceliyeen iyaga oo dadka u bayaaminaya in arrintan ay ahayd abuurida mashquulin xaalado badan oo dalka ka jira, waana waxyaabo badan oo dadka siyaasiyiinta ah ay sameeyaan xaalad jirta si xaalad kale loogu daboolo buur isku qarin la sameeyo, marka saamaynta ugu weyn halkaasi ayay ka imaanaysay''.

Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa BBC u sheegtay in ay jiraan 2,471 Soomaali ah oo haysta TPS, iyo 1,383 qof oo codsiyadoodu wali sugayaan.

DHS ayaa ku jawaabtay qoraal internet-ka lagu faafiyay oo ku saabsan joojinta xaaladda ilaalinta, iyagoo soo dhigay sawir Trump ah oo wata qoraalka: "Aniga ayaa hadda taliyaha ah."