Soomaali ku nool Los Angeles oo BBC uga warramay sida uu u saameeyay dabka ka holcaya halkaas

Xigashada Sawirka, Xuseen Buulow
Khubarrada saadaasha hawada ee California, dalka Mareykanka ayaa ka digaya in dabeylo xooggan oo sii hurin kara dabka Los Angeles ay mar kale halkaasi ku wajahan yihiin toddobaadkan, xilli shaqaalaha dab-damiska ay isku dayayaan inay demiyaan ilaa saddex dab oo halkaasi ka holcaya.
Saraakiisha ayaa ka digay in kadib dabeylaha oo labadii maalin ee lasoo dhaafay degganaa, ay xoogeysan karaan gaar ahaanna waxaa laga baqayaa dabeylaha qallalan ee Santa Ana inay sii socdaan ilaa Arbacada.
Dabkan ayaa saameeyay nolosha dadka halkaasi ku nool, waxaana ka mid ah Soomaali ganacsi ku leh xaafad ka tirsan magaalada.
Xuseen Maxamuud Buulow oo maqaayad ku leh magaalada Ingliwood ee koonfurta Los Angeles, ayaa BBC-da uga warbixiyay guud ahaan saamaynta dabka.

Xigashada Sawirka, Xuseen Buulow
"Musiibadu waxay ku dhacday meel nolol kala duwan ay ka socotay oo dhismeyaal nooc kasta ah leh, haatan lama aqoonsan karo sida ay u kala dhisnaayeen, waa musiibo wayn," ayuu yiri Xuseen Buulow.
Waxa uu intaa ku daray in dabka uu saamayn ku yeeshay ganacsigii iyadoona dadka inta badan ay ka qaxeen goobaha ka agdhaw halka uu dabku ka kacay.
Dhanka kale waxa uu sheegay in Soomaalida halkaas ka dhaw ay yihiin kuwo aad u yar sidaasna aysan u jirin cabsi badan oo ay qabaan.
"Dadka Soomaalida ah ee la shaqeeya shirkadaha filimaanta ama dad qaar ee ganacsi leh ayaa goobta ka dhawaa balse waa tiro aad u yar," ayuu raaciyay.
Waxa uu xusay in waxa ugu daran ee ay ka cabsi qabaan ay tahay dhanka caafimaadka, iyadoo ay soo gaareen khashinka iyo danbasta ka soo baxaya gubashada. Tan ayaa sidoo kale sababtay in dadku aysan bannaanada iyo maqaayadaha isugu imaan taasoo saamayn ku yeelatay ganacsiga.
Baaraha caafimaadka ee degmada LA ayaa cusboonaysiiyay tirada dhimashada Axaddii waxa ayna gaartay ilaa 24, halka saraakiishu ay sheegeen goor sii horaysay ugu yaraan 16 kale inay wali maqan yihiin.
Ilaa 16 ka mid ah dadka dhintay ayaa laga helay aagga dab damiska ee Eaton, halka siddeed kalena laga helay aagga Palisades.
Saddex kamid ah gaadiidka dab damiska ayaa ku gubtay agagaarka Los Angeles.
Dabka ugu weyn waa Palisades, kaas oo hadda gubay in ka badan 23,000 eekar oo 11% ka kooban.
Ka hor duufaanta dabaysha, xoogaa horumar ah ayaa laga sameeyay joojinta fiditaanka dabka ee Palisades iyo Eaton, kuwaas oo haatan ka gubanaya darafyada magaalada. Dab demiska maxalliga ah ayaa waxaa caawinaya shaqaale ka socda siddeed gobol oo kale, iyo sidoo kale Canada iyo Mexico, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dabka Eaton waa kan labaad ee ugu weyn wuxuuna ku gubay in ka badan 14,000 eekar. Waxa ku jira 27%
Dabka Hurst ayaa isna gaaray 799 eekar, waxaana lagu dhawaaday in si buuxda loo xakameeyo.
Dabkaan ka kacay LA ayaa saamayntiisu waxa ay dhalisay khasaare aad u badan waana kii ugu kharashka badnaa taariikhda Maraykanka.
Axaddii, saadaasha gaarka ah ee Accuweather ayaa kordhisay qiyaasta horudhaca ah ee khasaaraha maaliyadeed ee dabka waxaana lagu sheegay inuu gaarsiisanyahay inta u dhaxaysa $250bn-$275bn.
In kasta oo shaqaaluhu ay ku guulaysteen xakamaynta dabka ugu weyn, mas'uuliyiintu waxay ka digeen dabaysha la filayo inay ku soo wajahantahay aagga uu dabku ka dhacay taas oo horseedi karta "xaalad masiibo ah", iyada oo dhammaan gobolka LA lagu soo rogay digniinno la xiriira dabka.













