Mareykanka oo Shiinaha ku eedeeyay inuu jabsaday qasnadda dowladda

Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shiinaha oo lagu inuu jabsaday qasnadda dowladda Maraykanka

Nin kamid ah kuwa jabsada xogaha internet-ka oo dowladda Shiinaha ay maalgelisay ayaa u dhacay nidaamka waaxda maaliyadda ee Maraykanka, waxa uuna u gudbay qaybaha xogaha ee shaqada iyo shaqaalaha ee waaxdaasi sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Maraykanka.

Arrintaan ayaa dhacday horraantii Diseembar sida lagu soo bandhigay warqad ay wasaaradda maaliyadda soo saartay oo ay u dirtay sharci dejiyeyaasha si loogu ogaysiiyo dhacdada.

Hay'adda Maraykanka ayaa ku tilmaantay jebinta "dhacdo weyn", waxayna sheegtay inay kala shaqaynaysay waaxda dembi baarista Mareykanka ee FBI-da iyo hay'adaha kale si loo baaro saamaynta.

Afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ee Washington DC ayaa BBC-da u sheegay in eedeynta ay qeyb ka tahay "weerar qarsoodi ah" lana sameeyay "iyadoon wax xaqiiqo ah lagu saleyn".

Waaxda Hantidhowrka ayaa warqadda ay u direen sharci dajiyayaasha ku sheegay in ninka weerarka fuliyay uu fadhigiisu yahay Shiinaha uuna awooday inuu jabsado ama ka gudbo amniga internerta ee waaxda isaga oo adeegsanaya fure ama number sireed ay adeegsadaan koox adeeg bixiyeyaal ah oo waaxda ka taageera dhinaca farsamada.

Adeegga la jabsaday ayaa lagu magacaabaa BeyondTrust, iyadoona tan iyo markii hawada laga saaray adeegaasi mas'uuliyiintu ay sheegeen inaysan jirin wax caddayn ah oo muujinaysa in shakhsigii jabsaday waaxda uu sii waday u dhicidda macluumaadka.

Waaxda oo garab ka helaysa FBI-da, ayaa bilowda howlgallo dhanka internet-ka ah si loo baaro danbiilaha jabsaday waaxda iyo saamaynta guud ee xogta la jabsaday.

Cadaymo hordhac ah oo la helay ayay saraakiishu ku sheegeen in qofka gaystay falka uu u muuqdo mid ku sugan Shiinaha.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waaxda ayaa jabsiga ka warheshay 8-dii Diseembar, sida laga ogaaday aaladda BeyondTrust, waxaana sidaas BBC-da u sheegay afhayeen u hadlay waaxda.

Sida laga soo xigtay shirkadda dhaqdhaqaaqa shakiga leh ayaa markii ugu horreysay la arkay 2 December, balse waxay qaadatay saddex maalmood in shirkaddu ay ogaato in la jabsaday.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in jabsaduhu uu awooday inuu ku fogaado goobaha uu u dhacay sidoo kalena uu adeegsaday qaar kamid ah dukumeentiyada ay isticmaalayeen shaqaalaha.

Waaxdu ma aysan cayimin nooca faylalka, ama goorta ay dhacdey jabsiga, sidoo kale ma aysan cayimin heerka sirta nidaamyada kombiyuutarrada.

Dadka wax jabsada waxaa laga yaabaa inay awoodaan inay abuuraan xisaabaad ama beddelaan furaha sirta ah saddexdii maalmood ee ay isticmaalayeen BeyondTrust.

Sida wakiillo basaasnimo ah, burcadda internet-ka ayaa la rumaysan yahay in ay doonayeen xog, halkii ay isku dayi lahaayeen in ay lacag dhacaan.

Afhayeenku wuxuu sheegay in waaxda khasnaddu "ay si dhab ah u qaadato dhammaan hanjabaadaha ka dhanka ah nidaamyadayada, iyo xogta ay hayso", iyo inay sii wadi doonto inay ka shaqeyso ka ilaalinta xogteeda khataraha dibadda.

Warqadda waaxda ayaa lagu sheegay in warbixin dheeri ah oo ku saabsan dhacdadaas la siin doono xildhibaannada muddo 30 maalmood gudahood ah.

Afhayeenka safaaradda Shiinaha Liu Pengyu ayaa beeniyay warbixinta waaxda, isagoo bayaan uu soo saaray ku sheegay inay adkaan karto in la raadiyo halka ay ka yimaadeen burcadda.

"Waxaan rajeyneynaa in dhinacyada ay khuseyso ay qaadan doonaan go'aano xirfad leh oo mas'uul ku dhisan marka ay tilmaamayaan dhacdooyinka internetka, iyaga oo ku saleynaya gunaanadkooda caddayn ku filan halkii ay gudbin lahaayeen xogo aan dhammaystirnayn iyo eedaymo aan sal lahayn," ayuu yiri.

"Maraykanku waxa uu u baahan yahay inuu joojiyo isticmaalka ammaanka internetka ee uu ku sumcad dilayo Shiinaha, sidoo kale uu joojiyo faafinta dhammaan noocyada kala duwan ee macluumaadka ku saabsan waxa loogu yeero khataraha jabsiga ee uu u saarinayo Shiinaha."

Tan ayaa lagu tilmaamay inay tahay xadgudubkii ugu dambeeyay ee heerkiisu aad u sarreeyo iyo jebinta Mareykanka ee lagu eedeeyo burcadda internet-ka ee Shiinaha.

Waxay daba socotaa beegsigii kale ee shirkadaha isgaarsiinta bishii Diseembar taasi oo suurtagal ah inay jabiso xogta diiwaanka taleefoonka ee guud ahaan bulshada Maraykanka.