Sida burcadda Internet-ka ay isugu dayayaan inay ku wiiqaan awoodda Putin?

Koox aan magacooda la aqoon ayaa Ruushka la beegsaneysaa weerarada Internet-ka tan iyo markii uu duulaanka ku qaaday Ukraine, waxay kooxdan ku dhawaaqeen weerar dhanka Internet-ka ah oo lagu bartilmaameedsanayo madaxweyne Putin si ay uga aargoostaan duullaankii Ukraine.
Dhawr qof oo ku howlan dagaalkan ayaa BBC-da uga warramay ujeeddooyinkooda, xeeladahooda iyo qorshahooda ku aadan weeraradaas.
Dhammaan weeraradii internetka ee la qaaday tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Ukraine, waxaa soo if baxay in burcad aan la gareynin ay weerar dhanka Internet-ka ah ku qaadeen teleefishiin laga leeyahay Ruushka.
Markii la jabsaday teleefishinka waxaa laga soo duubay muuqaal gaaban oo muujinaya barnaamijyadii caadiga ahaa oo la hakiyay, waxaana lagu baddalay muuqaallada bambaanooyinka ku qarxay Ukraine iyo askar ka hadlaysa argagaxa colaadda.
Muuqaalkaas ayaa baahay 26-dii bishii Febraayo kaas oo bogag aan la aqoon oo ay ku xiran yihiin malaayiin qof ay ku baahiyeen baraha bulshada, waxay baahiyeen, #Teleefishinkii dowladda Ruushka waxaa jabsatay koox aan la aqoon si loo baahiyo xaqiiqada dhabta ah ee Ukraine.
Waxaana markiiba daawatay malaayiin qof.

Waxaana muuqaalkan ka muuqday dhammaan astaamaha lagu garto weerarada Internet-ka, wuxuu ahaa mid saameyn leh oo fudud in lagu wadaago Online-ka, Sida qaar badan oo ka mid ah weerarrada kale ee kooxda ayaa aad u adkeyd in la xaqiijiyo.
Laakiin mid ka mid ah kooxaha yaryar ee aan heybtooda la aqoon ee dhaca geystay ayaa sheegay in ay iyagu mas'uul ka ahaayeen, oo ay la wareegeen adeegyada TV-ga muddo 12 daqiiqo ah.
Qofkii ugu horreeya ee soo bandhigay muuqaalka ayaa xaqiijiyay muuqaalka.
Eliza waxay ku nooshahay Maraykanka laakiin aabaheed wuxuu kasoo jeedaa Ruushka, wuxuu wacay gabadhadiisa markii laga joojiyay barnaamijkii uu ka daawanayay teleefishinka "Aabahay ayaa isoo wacay markii ay arrinta dhacday, wuxuuna igu yiri "waxay soo bandhigeen runta!" Markaa waan duubay, waxaanan soo galiyay muuqaalka online-ka, wuxuu igu yiri aabahay, qof aan saaxibo nahay ayaa sidoo kale arkay muuqaalka.
Rostelecom, oo ah shirkadda Ruushka ee maamusha adeegyada Internet-ka ee la jabsado ayaanan wax jawaab ka bixin arrintan.
Kooxaha jabsaday ayaa sabab uga dhigay ficiladooda iyagoo sheegay in dadka reer Ukraine ee aan waxba galabsan la xasuuqayo. "Waxaan sii xoojin doonnaa weerarrada ka dhanka ah Kremlin-ka, haddii aan wax laga qaban si loo soo celiyo nabadda Ukraine," ayay raaciyeen.
Burcaddan oo aan heybtooda la aqoon ayaa sidoo kale hawada ka saaray Website-yo laga leeyahay Ruushka isla markaana waxay xadeen xogta dowladda, Lisa Forte oo kamid ah dadka iska leh shirkadda amniga internetka ee Red Goat ayaa sheegtay in inta badan weerarradan ay ilaa hadda yihiin "kuwa aasaasi ah".
"Waa arrin hal abuur ah in la jabsado teleefishinka, waxaana u malaynayaa inay adag tahay in hawada laga saaro" ayay tiri Lisa Forte.

Maxay yihiin burcaddan?
- Kooxdan waxay markii ugu horreysay soo ifbaxeen sanadkii 2003 iyagoo kasoo muuqaday website la yiraahdo 4chan.
- Kooxdu malaha hoggaan, astaantootadana waa "Waxaan nahay ciidan".
- Of kasta wuxuu sheegta in uu ka tirsan yahay burcaddan, wax kasta ay damacaan wey jabsadaan, waxay weeraraan ururada lagu eedeeyo inay si khaldan u isticmaaleen awoodda.
- Waxaa astaan u ah 'weji daboolan oo aan la arkeynin".
- Kooxdu waxay leedahay akoonno badan oo baraha bulshada ah, waxaana bartooda Twitter-ka ku xiran 15.5 milyan oo qof.


Xigashada Sawirka, Roman
Buracaddan Internet-ka ee aan la aqoon ayaa sidoo kale hawada ka saartay Website-yo laga leeyahay Ruushka, Lisa Forte ayaa sheegtay in arrintani ay kamid tahay in la xakameeyo waxyaabaha lagu soo bandhigyo Website-yada si wax looga baddalo macluumaadka lagu soo bandhigay halkaas.
Weerarada buracadda Internetka ayaa horseeday dhibaato weyn, khuburrada Internet-ka waxay sheegayaan in laga naxay dhibaatada ay ka geysteen Ruushka tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine.
Waxaa laga cabsi qabaa in burcadda Internet-ka ay weerar ku qaadaan koombiyuutarada isbitaallada isla markaana ay hawada ka saaran adeegyada isgaarsiinta ee muhiimka ah.
"Weligay ma arag wax la mid ah arrintani," ayay tiri Emily Taylor oo ka tirsan majaladda Cyber Policy.
"Weeraradani waa kuwo halis ah , sare ayay usii kici karaan ama waxay saameyn karaan adeegyada muhiimka ah ay ku tiirsan yihiin shacabka"
Roman waxa uu ka shaqeeyaa gurigiisa oo ku yaalla Kyiv, isaga oo isku dubaridinaya kooxdiisa marka ay samaynayaan Website-yo, apps Android iyo Telegram bots si ay u caawiyaan dowladda Ukraine oo dagaal kula jirta ciidamada Ruushka si ay weerarada Internet-ka ugu bartilmaameedsadaan Ruushka.
"Diyaar ayaan u ahay in aan qori qaato si aan ugu biiro dagaalka laakiin wakhtigan la joogo xirfadayda ayaa si fiican loogu isticmaalaa kombuyuutarka, waxaan ku suganahay gurigeyga aniga oo heysta labadeyda Koombiyuutar si aan isugu dabarido weerarada Internet-ka ee ka dhanka ah Ruushka" ayuu yiri Roman.
Wuxuu intaa ku daray in kooxda ay hawada ka saareen adeegyadii Internet-ka ee basaska Ruushka muddo saacado ah balse BBC-da ma xaqiijin karto warkaas.
Isaga oo difaacayay howsha uu ku jiro wuxuu yiri, "howshan waa sharci darro waana khalad, waxaana wajahi kartaa halis saameysa ehelkaaga ama adigaba"













