Shirkadda Hyundai oo sameysay gaari ceedceedda ku shaqeynaya

Gaariga Sonata ee ceedceedda ku shaqeynaya

Xigashada Sawirka, Hyundai

Qoraalka sawirka, Gaarigan ay Hayundai soo saartay wuxuu ceedceedda ku qaadnayaa saqafka kore

Shirkadda gawaarida sameeysa ee Hayundai oo laga leeyahaya Kuuriyada Koonfureed ayaa soo saartay gaari ay ugu magac dartay Sonata oo ku shaqeeynaya tamarta uu ceedceedda ka qaato.

Gaarigan ay Kuuriya sameeysay 60% tamarta uu ceedceedda uga baahan yahay uu ka heli karaa saqafka kore oo ay ceedceedda ku dhacdo muddo lix saacadood ah.

Dabka uu gariga Sonata ceedceedda ka helana wuxuu ku socon karaa ilaa iyo 1,300km (800 oo mile).

Shirkadda Hayundai waxay sheegtay iney gawaaridi horay ay u soo saartay laftooda saqafka kore haddii loo xiro ay ceedceedda dab ka heli karaan.

Macaash lagama helayo?

Shirkaddu waxay sheegtay nidaamka ceedceedda gawaarida ku shaqeeynaya oo la soo saaro waxay yareyneysaa wasaqeynta hawada oo waxaa yaraanayo kaarboonka hawada lagu sii daayo, shidaal yar uu isticmaalayo.

Gaariga Sonata ee shirkadda Hayundai

Xigashada Sawirka, Hyundai

Gaarigan cusub oo ah nooca raaxada ayaa matoorkiisa loo sameeyey si uu u qaadan karo tamarta.

Gawaarida cusub ayey shirkaddu qorsheyneysaa iney marka ugu horreyso u iib geyso suuqa Waqooyiga Mareykanka iyo Korea, balse ay hadda diyaar u ahayn iney meela kale u iib geyso.

Balse shirkadda qiimaha ay damacsantahay iney ku iibiso gawaarida ceedceedda ku dhacdo saqafka kore ee gaariga ma aysan sheegin.

nooc ka mid ah gawaarida korontada ku shaqeeya

Xigashada Sawirka, Lightyear One

Qoraalka sawirka, nooc ka mid ah gawaarida korontada ku shaqeeya

Dalka Britain ayaa sida oo kale ka mid ah waddamada soo saara gawaarida korontada ku shaqeeya waxaana marki ugu horreysay suuqyada dalka UK lgu soo bandhigay bishii hore.

Shirkadda Hayundai ma aha shirkaddi ugu horreysay oo soo saarto gawaari ceedceed ku shaqeeyo balse waxaa horay u soo saartay shirkadda Toyota gawaari ay ugu magac dartay Prius iyo Revero.

Dalka Netherlandina waxaa uu sameeyey gawaari yaryar oo koronta ku shaqeeya isla-mrkaana dabyar ceedceedda ka qaata si batariga gaariga ay dab u siiyan.

Gaarigaasi korontada ku shaqeeynaya ayaa qiimahiisu waxaa lagu qayaasay €149,000 (£137,000), iyada oo lagu wado in la suuq geeyo 2021-ka.