Gaari alwaax ka sameysan ma raaci lahayd?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qeybaha gawaariga ayaa la qorsheynayaa in mustaqbalka loo bedelo alwaax, taas oo dad badan ka yaabisay.
Baarayaal u dhashay dalka Japan ayaa billaabay shaqo ay ku raadinayaan alwaax awood leh oo birta gawaarida lagu bedelo. Waxay qorsheynayaan in 10 sano gudahood ay tallaabadaas ugu guuleystaan.
Sidoo kale waxay raadinayaa wax bac ka sameysan oo heer-kulkasta u adkeysan karo, oo lagu bedelo berta ku xiran matoorka gaariga agtiisa.
Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaal lagu doonayo in gawaarida laga dhigo kuwa fudud.
"Waxaan isu diyaarineynaa in aan yareyno culeyska gawaarida, intaan awoodno, gaar ahaan kuwa loo yaqaano SUVs iyo Pick-up," ayuu yiri Paolo Martino, oo la shaqeeya IHS Markit.

Xigashada Sawirka, Getty Images
shidaal yar ayey qaataan gawaarida fudud. Laanta tamarta ee Mareykanka waxay sheegtay in la yareeyo culeyska gawaarida boqolkiiba 10, in ay dhaqaalaha sare u qaadeyso boqolkiiba sideed.
Sidoo kale gawaarida la dabeeyo ayey doonayaan in ay fududeeyaan, si ay meel fog u gaaraan ka dib marka hal-mar la dabeeyo, sidoo kalena in beterigooda uusan si fudud u halaabin, ayuu yiri Martino.
Arrintaas wa tan qasabtay in loo baahan yahay gaari geed laga sameeyay. Sida caadiga ah, alwaaxda waxaa laga sameeyaa maraakiibta, guryaha iyo alaab kale.
Baarayaasha jaamacadda Kyoto ee Japan waxay sheegayaan in waxa alwaax ka sameysan ay ka xoog badnaan karaan birta, hadana 80 boqolkiiba ay ka fududaan karaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxda waxay daawa ku shubayaan alwaaxda, si ay uga dhigaan wax la mid ah bac.
Waxaa fududaaneyso in la qalloociyo, looguna bedelo birta gawaarida hadda laga sameeyo, sida ay sheegeen khubarada.
Bare sare, Hiroyuki Yano, oo hogaaminaya khubarada jaamacadda Kyoto, wuxuu sheegay in alwaaxa laga sameyn doono qeybaha gaariga sida albaabada.
Cilmi-baarayaashu waxay kaashanayaan dowladda Japan, shirkadaha gawaarida, iyo shirkado kale, si ay tallaabadan ugu guuleystaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidoo kale waxay Japan ka shaqeyneysaa gawaari ka sameysa wax la mid ah bacda oo jileec ah.
Tatsuo Kaneko, oo ka tirsan iskuulka sare ee Sayniska iyo Teknolojiyadda, wuxuu ka shaqeynayaa in uu sameeyo waxyaabo dareera ah oo bac laga dhigo.
Waxyaabahaa waa kuwa ka fudud birta, sidoo kalena heer-kulka u adkeysan kara, sida uu sheegay cilmi-baaraha.
"Wax la mid ah bac, weli looma adeegsan qeybaha gawaarida. Waxay u baahan tahay in kuleylka iyo dabka u adkeysan karto," ayuu yiri Kaneko says.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wuxuu kaashanayaa tiro ka mid ah shirkadaha gawaarida iyo kuwa qalabka elektorooniga sameeyo. - Sidoo kale waxaa gacan siinaya shirkado caalami ah.
Waxaa ka mid ah faa'idada ugu wayn ee arrintan in illaa shan sano aysan daxalaysan, sidoo kalena waxay fududeyneysaa gaariga.
Arrintaas waxay yareyneysaa qiiqa, waxayna sare u qaadeysaa xawaaraha. Balse waxay su'aal ka taagan tahay, arrintan ma waxay keeneysaa dhibaato dhanka deegaanka iyo dhirta ah?
Kaneko wuxuu qiray in isbedelka uu keeni karo dhibaatooyiin kale, balse la xallinkaro.










