Cirbixiyeen sheegay in uu dadka u dalxiis gaynayo meeraha Mars

Mid ka mid dayac gacmeedyada Musk uu qorsheynayo in uu cirka u diro

Xigashada Sawirka, SPACEX

Qoraalka sawirka, Mid ka mid dayax-gacmeedyada Musk uu qorsheynayo in uu cirka u diro

Elon Musk oo ah nin baabuurta sameeya ayaa dad isugu yimid magaalada Adelaide ee dalka Australia u sheegay in uu ku hawlan yahay dayax-gacmeed loogu talogalay in uu dadka geeyo heegada sare ee cirka si ay halkaas ugu dalxiis tagaan.

Qorshahan ayaa waxa uu damacsanyahay in uu hirgaliyo sanadka 2024-ka.

Waxa uu sheegay in shirkaddiisa cirbixiyeenimada ee SpaceX uu qorshaynayo in ay soo saarto hal nooc oo gaadiidka cirka ah oo wada qaban kara dhammaan hawlaha loo baahanyahay si looga kala goosho meerayaasha kala duwan.

Gaadiidkan cusub ayaa sidoo kale dadka u kala gooshin kara dusha oogada dhulka, magaalo illaa magaalo si aad u dhaqsiyo badan.

"Waxa ay dadka inta badan u maleeyaan safar masaafo dheer ah, ayaa lagu gaari karaa wax ka yar nus saac" ayuu u sheegay kasoo qeybgalayaasha shirweynaha cirbixiyeenada caalamka.

Mr Musk ayaa qorshihiisan ka shaaciyay shirweynihii dhacay 2016-ka, haddana waxa uu isla shirkii kusoo laabtay isaga oo wata faahfaahin dheeraad ah.

Gaadiidkan oo sidoo kale loo yaqaano BFR ayaa waxa uu dherar ahaan dhanyahay 106m, balaciisuna 9 mitir.

Gaadiidkan ayaa waxa sidoo kale dushiisa ka haadi kara dayax-gacmeedyo yaryar, waxana sidoo kale uu leeyahay adeeg lagu cilad bixiyo dayax-gacmeedyada waaweyn ee haddaba cirka hoganaya, isaga oo sidoo kale dadka u qaadi doona meerayaasha si ay ugu soo dalxiisaan.

Dayax-gacmeed yar

Xigashada Sawirka, SPACEX

Qoraalka sawirka, Dayax-gacmeed yar

Musk ayaa horey usoo saaray baabuurka batariga ku shaqeeya ee Tesla, isaga oo sidoo kale guddoomiye ka ah shirkadda SolarCity ee soo saarta qalabka ku shaqeeya tamarta cadceedda.

Taageerayaal badan ayuu ninkani leeyahay, waxana dadka ay aad ugu xushmeeyaan hal abuurkiisa.