Dhacdooyinkii ugu waaweynaa 2024-ka iyo saameyntooda

Xigashada Sawirka, Getty Images, AP, BBC Studios , EPA
Dhacdooyin kala duwan oo waaweyn ayaa sanadkan adduunka ka dhacay. Waxay isugu jiraan kuwa argagax iyo naxdin leh, sheekooyin ku taabanaya iyo kuwa kale oo muhiim ah oo la xiriira caafimaadkeena.
Bilihii u dambeeyay waxaa jiray sheekooyin badan oo baraha bulshada ka dhaliyay doodo sida dagaalka Sudan, afgembigii madaxweyne Bashar al-Assad, dagaalka Gaza iyo guusha madaxweyne Donald Trump.
Sheekooyinka kale ee sida weyn baraha bulshada loogu wadaagay waxaa ka mid ah gabadha feertanta ee u dhalatay Algeria, Iman Khalif oo ka qeybgalkeeda olombikada si weyn looga hadlay.
Suuriya iyo dhicistii Bashar al-Assad
Markii uu dilaacay kacdoonkii dunida Carabta sanadkii 2011-kii, Bashar al-Assad xukunkii Suuriya wuu sii xajistay inkastoo dalka uu u kala qeybiyay qeyb ay dowladda iyo ciidamada maamulaan, iyo qeybo kale oo ay xukumaan kooxo hubeysan.
Hay'at Tahrir al-Sham ayaa toddobaadyadii u dambeeyey sanadkan bilaabay in ay weeraraan meelaha ciidamada Asad xukumaan, waxay qeybsadeen magaalooyin muhiim ah, ugu dambeyn waxay soo gaareen magaalada Dimishiq halkaas oo Asad isaga cararay, wuxuu qaxooti ku noqday Ruushka.
Dhacdooyinkaas waxay soo jiiteen adduunka oo dhan maadaama uu degdeg u dhacay xukunkii qoyska ee wadanka maamulayay muddada dheer.
Abu Muhammad al-Julani ayaa noqday hoggaamiyaha cusub. Magaciisa saxda waa Axmed al-Sharaa. Xukuumadii Assad ayaa si xun u soo cadaadisay.

Xigashada Sawirka, EPA
Wareysi ay BBC la yeelatay Axmed al-Sharaa bishan Disember wuxuu noqday mid aad looga daawaday barta Youtube-ka. Dhowr maalmood oo kaliya waxaa daawaday 5 milyan.
Inkastoo dhicista Asad si weyn loo soo dhaweeyay, haddana waxaa shaki laga muujiyay hoggaamiyayaasha cusub.
Hayat Tahrir al-Sham waxay ku jirtaa liiska argagixisada ee Qaramada Midoobay, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Britain.
Markii lagu arkay isagoo dhinac Suran calanka sida weyn loogu yaqaan Taliban, Moxamed al-Bashir waxay keentay su'aalo ku saabsan sida loo wajahayo kuwa hadda xilka haya.
Tallaabooyinka ay qaadaan isaga iyo saaxiibadii bilaha soo socda ayaa muujin doona mustaqbalka dal ay ku nool yihiin dad kala diimo duwan iyo qowmiyado kala duwan.
Dilka Xassan Nasrallah, Yaxya Sinwar iyo Ismaaciil Haniyeh
Bilowgii sanadkan dagaalka Gaza ayaa ahaa warka ugu weyn iyadoo malaayiin ku xiran BBC-da ay ay ka hadlayeen dagaalka. Kumanyaal ayaa lagu dilay, welina lama gaarin wax heshiis ah, lamana sii deyn maxaabiista.
Madaxii xafiiska siyaasadda, Ismaciil Haniyeh, ayaa bishii July la dilay isagoo booqasho ku jooga casimadda Iran ee Tehran. Ciidamada Israel ayaa weerar ku dilay Yaxye Sinwar oo ay ku sheegeen in uu ahaa ninkii ka dambeeyay weerarkii Oktoobar 2023-kii. Muuqaalka dilkiisa ayaa si weyn loogu wadaagay baraha bulshada.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dagaalka Xisbullah iyo Israel ayaa ka sii socday xadka Lubnaan iyo Israel. Bishii la soo dhaafay ayuu dagaal rasmi ah sii noqday. Israel ayaa ku qaaday weeraro lagu dilay hoggaamiyaha Xisbullah Xasan Nasrallah.
Xisbullah iyo Israel waxay saxiixdeen xabad joojin inkastoo dagaalka Gaza uu sii socdo. Haddii Xamas iyo Israel ay xabad joojin saxiixdaan lama oga mustaqbalka xaaladda bani'aadannimo ee Gaza.
Cabsida dagaal dhexmara Iran iyo Israel.
Intii uu socday dagaalka Gaza iyo Lubnaan waxaan aragnay in xiisadda Iran iyo Israel ay korortay, gaar ahaan markii la dilay taliyihii ciidamada ilaalada kacaanka.
Kaddib markii Iran ay Israa'iil ku weerartay dayaaradaha bilaa duuliyaha Israe, waxaa kordhay cabsida in labada dal dagaallamaan balse taasi ma dhicin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixin ay BBC-da ka sameysay werarkaas ayaa waxaa la daawaday in ka badan 5 milyan oo jeer. Labada dhinaca waxay hadda u muuqaataa in ay ay xiisada qaboojinayaan oo aysan dooneyn in ay galaan dagaal toos ah.
Iran waxaa ka dhintay madaxweynahooda Ebrahim Raisi. Shil diyaaradeed ayuu ku dhintay bishii May sidoo kale waxay weyday saaxiibkeeda Suuriya Bashar al-Asad halka Xisbullah ay la kulantay dhaawac xoog leh kaas oo aysan degdeg uga soo kabsan Karin.
Donald Trump ayaa markale noqday madaxweyne
Labo jeer ayaa laysku dayay in Trump la dilo. Muuqaal isagoo wajiga ka dhiigaya bishii July ayaa ahaa mid si gaar ah ay kaamarooyinka u qabteen.
Bishii Nofember, Trump wuxuu doorasho kaga adkaaday Kamala Harris oo la tartameysay kaddib markii madaxweynaha hadda xilka ka sii dagaya Biden uu ka haray tartanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bishii Sebtember markale ayaa laysku dayay in Trump la dilo. Markasta cinwaanada wararka isaga ayaa haystay. Inta badan Google isaga ayuu ahaa qofka sida weyn loo raadinayay.
Wararka doorashada ayaa ahaa sheeko meelo badan aad looga xiiseynayay. Trump oo ku soo noqonaya xafiiska bisha Janaayo 2025-ka ayaa keentay in laga hadlo waxaa uu sameyn doono marka uu soo laabto
Musiibo bani'aadannimo oo weli ka taagan Sudan iyadoo dagaalka uu socdo
Sanadkan 2024-ka, dadka Sudan waxay la kulmeen dagaal dhiig ku daatay oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kooxda RSF.
Dagaalka oo galaya sanadkii saddaxaad bisha April ee soo socota, waxaa uu keenay in 11.5 milyan oo reer Sudan ah ay ka qaxaan guryahooda. In ka badan 3 milyan oo dadkaas ka mid ah waxaa lagu qasbay in ay u qaxaan dalalka dariska.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyadoo dunida ay ku mashquushay dagaakla Gaza, kan Lubnaan iyo waxa hadda ka socda Suuriya ayey u muuqataa isku dayada lagu doonayo in xal looga gaaro dagaalka Sudan inay noqdeen kuwa istaagay. Hay'adaha caalamiga ayaa ka digaya khasaaraha weyn ee ka imaanaya dagaalka iyadoo ay sii hurinayaan hubka ka imaanaya dalal badan oo kala taageersan labada dhinac.
Iman Khalif iyo olombikadii Paris
Gabadhan u dhalatay dalka Algeria ayaa noqotay qof sheekadeeda si weyn looga hadlo iyadoo si weyn magaceeda baraha wax laga raadsado ama looga baaray markii ay ku guuleysatay olombikada adduunka ee Paris.
Lagama hadal oo kaliya arrimaha isboortiga ama seyniska ee la xiriira sida loo go'aamiyo jinsiga qofka balse dad caan ah oo ay ku jiraan Donald Trump iyo Elon Musk ayaa ka hadlay iyagoo ka horjeeda gabadhaas. Dalkeeda Algeria si weyn ayaa loogu dabaaldegay guusheeda.
Furuqa daayeerka ayaa si weyn looga walaacay adduunka

Xigashada Sawirka, Reuters
Inkastoo cudurkan la yaqaanay ilaa iyo 1970-kii haddana markii dhowr dal laga diwaangeliyay dad qaba cudurka ayaa keentay cabsida adduunka. Baraha wax laga baaro waxaa aad looga raadiyay astaamaha cudurka iyo goobaha uu ku fiday.
Hay'adda caafimaadka adduunka WHO ayaa ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo degdeg ah kaddib markii ay kordheen dadka lagu arkay astaamaha cudurka. Tallaalka cudurka ayaa la qeybiyay si wax looga qabto faafitaanka goobaha uu ka dilaacay ee bariga iyo bartamaha Afrika.













