Maxay tahay khatarta beeraha kafeyga ee Kenya soo food-saartay?

Xigashada Sawirka, Kate Stanworth
- Author, Ismail Einashe
- Role, BBC News, Komothai
Dhulka sare ee cagaarka ah ee Komothai oo ka tirsan gobolka Rift Valley ee Kenya, beeralleyda sida Simon Macharia waxay soo saaraan abuur yar oo kafey ah oo ku kala firirsan buuraha.
Mr Macharia si la mid ah beeralleyda kale ayaa jawaanno ay ku jiraan miraha guduudka ah ee kafeyga geeya meelaha lagu warshadeeyi, halkaasoo lagu cabbiro laguna hagaajiyo.
Mashiin ayaa ka saareysa qolfaha guduudka ah, miraha gudaha ku jira ayaana la dhaqaa waxayna maraan heerar kala duwan.
Halkan, shaqaalaha ayaa miraha kafeyga u kala saara heerar, kan ugu sarreeya ayaa loo dhoofiyaa maqaayadaha kafeyga ee Yurub.
"Waxaan kafeyga ugu yeernaa dahabka madow halkan," ayuu BBC u sheegay Mr Macharia, oo beertiisa ay ku fadhiso dhul dhan 2.5 hiktar (lix acres).
Wuxuu soo saaraa kafeyga nooca AA ee Kenya, oo adduunka qiimo sare ka joogo sababo la xiriira tayadiisa sare, dhumucdiisa buuxda, caraftiisa saa'idka ah iyo dhadhankiisa.

Xigashada Sawirka, Kate Stanworth
Dalagga wuxuu ka mid ahaa kuwa dhulalkaas sare ee cagaarka ah tan iyo sanadihii 1890meeyadii, markii gumeysigii Ingiriiska ee halkaas degganaa ay bareen dadka deegaanka.
Haatan, dhulkan wuxuu caan ku yahay kafeyga aadka loo ammaanay ee u gaarka ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In la beerto miraha waa shaqo culus - soo gurista, jarista, hagaajinta dhulka, buufinta, bacriminta iyo rarista dalagga.
"Kafeyga wuxuu u baahan yahay inaad diirad buuxda saarto, gaar ahaan marka ay bilaabaan inay soo baxaan," ayuu yiri Mr Macharia.
"Laga soo bilaabo xilligaas ilaa maalinta aad guraneyso - lixdaas bilood, shaqadaada joogtada ah waa beerta."
Geedka kafeyga maalgashi weyn ayuu u yahay beeralleyda aan lacagta heysan, maaddaama ay afar sano qaadan karto in miruhu bislaadaan.
Qiimaha halka koob ee kafey ee maqaayad ku taalla Yurub, oo caadi ahaan ah $4 (£3.20), ayaa muujineysa farqiga weyn marka loo barbardhigo inta ay helaan shaqaale badan oo beeraha kafeyga Kenya ka shaqeeya, oo maalintii sameeya ugu badnaan $2.30.
Edita Mwangi, oo miraha kafeyga kasoo gurta dhulka guduudan ee buuraha oo ka korreeya warshadda lagu hagaajiyo, ayaa tan xaqiijineysa.
"Ma oga abaarta aan la daalaa dhaceyno. Waa inaad harjaddaa maalin iyo habeen si aad u badbaaddo," ayay tiri.
Iyadoo afar carruur ah ay ku tiirsan yihiin, Ms Mwangi ayaa shaqeysa toddobaadkiiba lix maalin, iyadoo hesha ilaa $1.40 maalintii.
Waa inay lugeysaa 5km (saddex meyl) si ay u gaarto beerta ay ka shaqeyso.

Xigashada Sawirka, Kate Stanworth
Beeralleyda ayaa dareema in hannaanka ganacsiga ee u dhaxeeya Kenya iyo Yurub - suuqa kafeyga ee ugu weyn adduunka - uu muddo caqabad ku ahaa.
Balse haatan, khatar cusub ayaa soo baxday, taasoo carqaladeyneysa awoodda beeralleyda ee ah inay dakhli sameeyaan - waana isbeddelka cimilada.
Geedaha kafeyga ayaa aad ugu nugul isbeddellada yar ee u dhaxeeya xaaladaha cimilada iyo hawada.
Waxay sidoo kale u baahan yihiin xaalado cimilo oo gaar ah sida cimilo huursan iyo roob ay ku koraan.
"Isbeddelka cimilada waa caqabad weyn oo heysata beeralleydeenna kafeyga," ayuu yiri John Murigi, oo ah guddoomiyaha Bahda Kafeyga Komothai, oo wakiil ka ah 8,000 oo beeralleyda kafeyga ah sida Mr Macharia.
Cimilada qabow iyo roobka aan la isku halleyn karin ayaa saameyn ba'an ku leh dhirta jilicsan ee kafeyga, ayuu yiri Mr Murigi.
Taas waxaa ka dhalatay, "in wax soo saarka kafeyga uu yaraado sanadihii lasoo dhaafay".
Wuxuu intaa raaciyay in isbeddelka cimilada uu sii xoojinayay faafidda cudurrada ku dhaca dhirta kafeyga.
Mr Murigi ayaa sheegay inay bateen cayayaannada quuta caleemaha kafeyga, iyo cudurrada ku dhaca miraha kafeyga, caabuq wax burburiya oo xaaqi kara in ka badan 80% dalagga.
Si loola tacaalo xanuunnadan soo badanaya, beeraleyda ayaa u weecanaya isticmaalka sunta cayayaanka ee waxyeeleyn karta tayada ciidda muddada dheer sidoo kalena dhalin karta khatar caafimaad.
Beeralleyda ayaa isticmaala sunta cayayaanka sida Roundup, oo ay ku jiraan glyphosates oo la ogyahay inay kansar sababto - lagana mamnuucay qeybo ka mid ah dalalka Yurub - si loo hubiyo inay helaan dalag fiican.
Waaxda xakameynta cayayaanka ee Kenya, ee ku shaqada leh fasaxidda isticmaalka waxyaabahaas, ayaan ka jawaabin codsiga BBC ee ah inay ka falceliyaan.

Xigashada Sawirka, Kate Stanworth
Si loo soo saaro hal koob oo kafey ah waxay u baahan kartaa 140 litar oo biyo ah - oo ay ku jiraan kuwa ay ku baxayaan dhirta.
Balse gobolka Rift Valley ee dihin, cimilada sare iyo xaaladaha roobka oo is bedbeddalaya ayaa la micno ah in biyuhu ay kusii yaraanayaan beeralleyda kafeyga.
Joseph Kimani oo beeralleyda ka tirsan ayaa BBC u sheegay in "heerarka webiga ay aad hoos ugu dhaceen" sababo la xiriira cimilada oo is bed beddeleysa, sida muddooyinka abaarta iyo roobabka culus.
Wuxuu sheegay in sababo la xiriira roob la'aan, ay beeralleydu ku qasbanaadeen inay isticmaalaan biyo badan oo kuwa webiga ah.
Balse ku tiirsanaantan korortay ee biyaha webiga, oo ay sababeen roob yaraanta, ayaa laga yaabaa inay sii yareyso biyaha markii horeba gabaabsiga ahaa.

Xigashada Sawirka, Kate Stanworth
Iyadoo Mr Murigi uu qirsan yahay inay korortay isticmaalka biyaha ee beeralleyda, wuxuu beeninayaa in tan ay tahay sababta uu webigu usii qallalayo.
Si kastaba, iyadoo ilaa 23 urur oo beeralleyda kafeyga ay gobolkan ka jiraan, biyo badan ayaa loo isticmaalaa beeraha kafeyga ee Deegaanka Kiambu.
Sheekada Komothia ma aha mid gaar ah. Iyadoo kororka cimilada iyo abaaraha ee adduunka ay sii kordhayaan, kafey fiican ayaa adag in lagu beero dhammaanba qeybaha adduunka.

Xigashada Sawirka, Kate Stanworth













