Maxaa ku dhacaya jirkaaga haddii aad iska badiso kafeyga?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maaddada Caffeine, waa walxo firicoon oo ku jira qaar ka mida cabitaannada adduunka loogu jecelyhay waxayna saameyn xooggan ku eeday bini'aadamka. Maxaase dhacaya haddii aad wax badan ka qaadato?
Caffeine, waxay si dabiici ah ugu jirtaa kafeyga, shaaha ama waxaa lagu dari karaa cabitaanka kaas oo ku siinaya tamar.
Qaar badan oo naga mid ah, maaddadan waxay siin kartaa jirkeenna iyo maskaxdeenna firfircooni loo baahan yahay haddii aan dareemeyno caajis yar.
Laakiin dhawaan, nooc ka mid ah liin dhanaanta oo lagu iibin jiray gudaha dalka Mareykanka ayaa la joojiyay iyadoo lagu tiriyey inay ku jirto maadada caffeine, taas oo dhalisay su’aalo ku saabsan inta ay le'eg tahay caffeine-ta, iyo waxa ay tahay muhiimadda ku jirta?
Inkasta oo ay jiraan tiro daraasado ah oo aad u tiro badan oo muujinaya in qaar ka mid ah cabitaannada caffeine-ku ay leeyihiin faa'iidooyin caafimaad, haddana waxaa jira hubanti la'aan ku xeeran sida ay tahay in aan u isticmaalno.
Sidee maaddada caffeine u saamaysaa jirkeenna?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa jira maaddooyin badan oo muhiim ah, kuwaas oo door ka ciyaaraha jirkeena marwalba balse saameeya garaaca wadnaha, socodka dhiigga iyo wareegyada hurdada.
Qaar badan oo kuwan ka mid ah waxaa saameeya maaddada ‘adenosine’ oo ah kiimiko si dabiici ah uga dhex dhacda jidhkeena, shaqadeeduna ay tahay inay naga daaliso dhammaadka maalinta.
"Adenosine waa mid ka mid ah walxaha si dabiici ah u soo saaro ee jirka si ay u keenaan aamusnaanta dhaqdhaqaaqa xubnaha kala duwan ee ku jira walaaca ama u baahan hoos u dhigista baahida tamarta," ayuu yiri Kenneth Jacobson, madaxa qaybta aqoonsiga molecular ee Machadka Qaran ee Sonkorowga iyo Cudurada dheefshiidka iyo kelyaha ee Maraykanka.
Marka aan isticmaalno kafeyn, waxay si dhakhso ah u nuugtaa dhiiggayaga, halkaas oo ay kala baxdo adenosine-ka. Tani waa sababta isticmaalka caffeine ay naga dhigi karto inaan dareeno soo jeed iyo feejignaan dheeraad ah.
Caffeine waxa kale oo ay kor u qaadi kartaa heerarka kale ee neurotransmitters sida dopamine iyo adrenaline, taas oo kaa dhigi karta inaad dareento kicin, ayuu yiri Damian Bailey, borofisar ku takhasusay physiology oo ka tirsan Jaamacadda South Wales ee UK.
Faa’iidooyinka caafimaad ee maaddada caffeine

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa jira cadaymo aad u badan oo ku xeeran saamaynta kafeyntu ku leedahay caafimaadkeena gaar ahaan kafeega, maadaama ay tani tahay mid ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee kafeyn ku soo kordhiya cuntooyinka dadka intiisa badan.
Dib-u-eegis dalladeed oo lagu falanqeeyay in ka badan 200 oo meta-analys sannadkii 2017 ayaa lagu ogaaday in saddex ilaa afar koob oo kafee ah maalintii ay inta badan la xiriirto faa'iidooyinka caafimaadka ee aan waxyeello lahayn.
Balse waxaa jiri karta hal meel oo laga yaabo in maadadan ay xoogga daciifiso waana caafimaadka wadnaha.
Mid ka mid ah cilmi-baaris dadweyne oo lagu sameeyay ku dhawaad 19,000 oo qof ayaa lagu ogaaday, iyadoo cabbitaanka in ka badan laba koob oo kafee ah maalintii ay la xiriirto khatarta sare ee dhimashada cudurrada wadnaha ee dadka hore u lahaa dhiig karka.
Daraasaduhu waxay muujinayaan in kafeega uu sidoo kale saameyn ku yeelan karo sida wanaagsan ee aan jimicsiga u sameyno. Hal daraasad oo lagu sameeyay baaskiilleyda hiwaayadda u leh ayaa lagu ogaaday inay hagaajin karto waxqabadka jireed ilaa 1.7%. Caffeine waxa kale oo lala xiriiriyey hoos u dhaca khatarta ah ee noocyada kala duwan ee kansarka, cudurada wadnaha iyo nooca 2 ee sonkorowga.
Qaxwaha an shaaka lagu darin ayaa si joogto ah loo ogaaday in ay ka ilaaliso niyad-jabka, sidoo kale waxaa jira caddayn ah in adenosine antagonists, oo ay ku jiraan caffeine, oo xannibaya adenosine receptors, ay faa'iido u leeyihiin maskaxda gabowga sida cilmi baarisyadu tilmaameen..
Dhab ahaantii, cilmi-baaristu waxay la xiriirtay isticmaalka kafeyn ilaa 60% khatarta ah inuu ku dhaco cudurka Alzheimers.
Mid ka mid ah sharraxaadda tan ayaa ah in kafeyntu ay hagaajiso socodka dhiigga ee maskaxda sida uu sheegay Bailey oo ku takhasusay physiology.
Maskaxdu waxay gubtaa xaddi aad u badan oo tamar ah, tanina waxay ka dhigan tahay in ka badan rubuc ka mid ah shuruudaha tamarta jidhkeena.
"Laakin in kasta oo awoodda kafeyntu ay u kordhiso socodka dhiigga ee maskaxda ay tahay shay wanaagsan, tani waxay sidoo kale kicin kartaa madax-xanuun, markaa kafeyntu waa arrin halis u ah xanuunka goonjabka." ayuu intaas raaciyey.
Waxaana xusid mudan in qaar ka mid ah faa’iidooyinka caafimaad ee la xidhiidha kafeega aanay hoos ugu dhicin maadada kafaynta. Chlorogenic acid, oo ah kafeega u gaar ah, tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inay ka danbeyso qaar ka mid ah natiijooyinka caafimaadka faa'iidada leh ee kafeega, gaar
Waqtiga ku habboon

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii aad isticmaasho caffeine si aad u foojignaato marka aad joogto goobaha shirarka ama isku day inaad hagaajiso awooddaada jimicsiga, wakhtiga maalintaas ayaa u muuqda mid muhiim ah.
"Heerka Caffeine waxay ku koraan qulqulka dhiigga 20 daqiiqo ka dib, waxayna ku qaadataa ilaa saacad 'caffeine ugu sarreysa." ayuu yiri Damian Bailey, borofisar ku takhasusay physiology oo ka tirsan Jaamacadda South Wales ee UK.
"Caffeine waxa ay ka caawisaa murqaha in ay si xoog leh isu urursadaan, waxaanay kordhisaa dulqaadkayaga daalka, markaa waxa ay si weyn kor ugu qaadi kartaa waxqabadka haddii la qaato hal saac ka hor jimicsiga."ayuu intaas raaciyey Bailey.
Goormee kafeyntu aysan kuu wanaagsanayn
Tilmaamaha qaranka ee UK, iyo US, waxay ku talinayaan in la xaddido kafeyn ilaa 200mg maalintii markaad uur leedahay.
Falanqaymo gaaraya soddon iyo toddoba iyo soddon iyo saddex cilmi-baarisyaa ayaa lagu ogaaday in maadada Kafeyn si weyn u kordhi karto khataraha xilliga uurka, taas oo ay ku jiri karto hooyada inay ku dhacdo sonkorowga uurka ama preeclampsia, ama uurjiifku la kulmo koriin xaddidan.
Tani waa sababta in kafeyntu si fudud uga gudubto mandheerta. Cilmi-baadhayaashu waxay ogaadeen in dhicinta iyo dhimashada ay sababi karto.
















