Sida Iiraan, Mareykanka iyo dunida kale ay uga falceliyeen dilka hoggaamiyihii Xamas Yaxye Sinwar

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xubin sare oo ka tirsan Xamaas ayaa xaqiijiyay in hoggaamiyahooda Yaxya Sinwar lagu dilay dagaal, laakiin wuxuu sheegay in dhimashadiisu ay sii xoojin doonto kooxda.
Guutada al-Qassam ayaa sheegtay in kooxaha wax iska caabinta ay ogyihiin in qiimaha xoreynta uu yahay mid aad u sareeya, waxaana uu intaa ku daray in ay diyaar u yihiin in ay lumiyaan askartooda iyo hogaamiyayaashooda inta uu socdo halganka.
Kooxda ayaa sheegtay inay diidan tahay "in loo hoggaansamo cadowga" halgankeeduna "ma joogsan doono illaa Falastiin laga xoreeyo, Sahyuuniyadda ugu dambeysana laga saaro".
Mas’uul sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in kooxdu ay sii wadi doonto wadadii ay ku gaari lahayd hamiga shacabka Falastiin, isagoo intaa ku daray in dhimashada Sinwar ay sii xoojin doonto kooxda.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dilka Sinwar ee Gaza uu sare u qaadayo "rajada laga qabo xabbad joojin" dagaalka muddada sanadka ah socday.
Geerida hogaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar waxa ay ka dhigan tahay "waqti cadaalad ah", ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, oo wadahadal kula leh Berlin ra'iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz.
Scholz waxa uu dhankiisa sheegay in dhimashadii Sinwar ay rajaynayo in ay banayso waddo loo maro "rajada dhabta ah ee xabbad joojinta Gaza iyo heshiis lagu sii daayo la haystayaasha Xamaas". Biden waxa uu sheegay in uu u sheegay ra’iisal wasaaraha Israa’iil: “Aynu sidoo kale ka dhigno fursadda aan ku raadinayno waddo nabadeed – mustaqbal wanaagsan oo Gaza laga helo Xamaas la’aanteed”.

Xigashada Sawirka, EPA
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa qoraal uu soo dhigay barta X waxaa uu ku sheeg in Sinwar "uusan k baqi jirin geeri islamarkana uu si geesinimo leh uu u dagaalamay ".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qoraalkiisa ayuu, Seyed Abbas Araghchi waxa uu farta ku fiiqay sawirka waxa u muuqda meydka Sinwar, isaga oo ku tilmaamay "Isha dhiirigelinta dagaalyahannada iska caabinta ee gobolka, Falastiiniyiinta iyo kuwa aan Falastiiniyiinta ahayn".
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri “ u jeedada xoraynta Falastiin wali waa mid nool”.
Sinwar, oo kaalinta 1-aad kaga jira liiska loogu doonista badan yahay Israa’iil, ayaa ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee ka dambeeyay weerarradii 7-dii October, waxaana la dilay ka dib markii ciidamada Israel ay weerareen dhismo ku yaalla Rafah.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in geerida hoggaamiyaha Xamaas aysan la macno ahayn in la soo afjarayo dagaalka Gaza.
Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee dhulkaas ayaa sheegtay in 42,500 oo qof lagu dilay halkaas tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaanka militari.
Waxaan sidoo kale la hadalnay qaar ka mid ah Falastiiniyiinta Gaza oo maanta u sheegay BBC-da laanteeda World Service ee Gaza siday u arkaan Yahya Sinwar oo ay Israa'iil dishay.
Mid ka mid ah, oo doortay inu magacxiisa qariyo, ayaa u sheegay barnaamijka in inkastoo ay jiraan "ra'yiyo kala duwan oo ku saabsan" hoggaamiyaha Xamaas, uusan u arkin dhimashadiisa mid wax ka beddelaysa dadka ku nool marinka Qaza.
"Ma aaminsani in tani ay wax ka bedeli doonto dhaq-dhaqaaqa iskahorimaadka," ayuu yiri, isaga oo soo xiganaya sida dhimashada mas'uuliyiinta kale ee Xisbullah iyo Xamaas - sida Xasan Nasrallah bishii hore - aysan keenin wax isbadal ah ".













