Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo xilka laga qaaday isagoo isbitaalka ku jira, maxayse Soomaalida Waqooyi-bari uga dhigan tahay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Senetarada Kenya ayaa u codeeyay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, inkastoo uu ku guul dareystay inuu ku marqaati furo dacwadda xil ka qaadista kadib markii qareenkiisa uu sheegay in isbitaal loo qaaday.
Maalin ka mid ah maalmihii ugu yaabka badnaa ee soo mara taariikhda siyaasadeed ee Kenya, Gachagua ayaa lagu waday in uu ka soo muuqdo aqalka senate-ka ka dib xilliga qadada si uu isu difaaco.
Si kastaba ha ahaatee, Gachagua, oo loo yaqaanno Riggy G, ayaan soo xaadirin, waxaana qareenkiisu uu codsaday in dib loo dhigo isagoo sheegay in macmiilkiisa uu ka cabanayey xanuun dhanka xabadka ah, isla markaana ay daweynayaan dhakhaatiirta Isbitaalka Karen.
Hase yeeshee Senatarada waxay door bideen inay sii wadaan codeynta isaga oo goobta ka maqan taasoo keentay in kooxda difaaca ay ka baxaan aqalka.
Diidmada senate-ka ee ah in dib loo dhigo dacwadda ilaa Sabtida waxay muujineysaa sida ay uga go'nayd inay ka takhalusaan Gachagua, dhowr bilood ka dib markii ay isku dhaceen madaxweyne William Ruto.
Toddobaadkii hore, aqlabiyad aad u badan oo mudanayaasha baarlamaanka ee aqalka hoose ayaa u codeeyay in xilka laga xayuubiyo, taasoo gogol xaar u ahayd maxkamadeyntiisa labada maalmood ee Senet-ka.
Gachagua, oo ah maalqabeen ka soo jeeda gobolka qaniga ku ah codadka ee bartamaha bartamaha Kenya oo saaka ku sugnaa gurigiisa, ayaa ku tilmaamay xil ka qaadista lagu sameeyay mid siyaasadeysan.
Waxa ay Soomaalida uga dhigan tahay xil ka xayuubinta madaxweyne ku xigeenka

Xigashada Sawirka, Reuters
“Soomaalidu gobolka Waqooyi-Bari Kenya ayay ka mid tahay, wixii Keenyanka kale ay dhib u arkaan ayay iyagana dhib u arkaan, laakiin waxaa jira arrimo khaas ah oo madaxweyne ku xigeenka ay Soomaalida ka tabaneysay.
Waxa ay Soomaalida Waqooyi-bari u arkayeen in dowladda hadda talada haysa aysan Soomaalida siinin cod badan marka sidaas darteed dadka fursadaha shaqada laga siiyay dowladda ayuu Gachagua u arkayay inay yihiin dad jago aysan lahayn la siinayo,” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Cabdi Barre oo ka mid ah xildhibaanada Aqalka Hoose oo la soo doorto deegaanka Tarbaj ee Ismaamulka Wajeer.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Gachagua uu muddo ku dhaganaa ninka sirdoonka Kenya u weyn isagoo markaasi u arka in Soomaalida Waqooyi-bari aysan codad badan keenin. “'Idinka cod yar ayaad keenteen' ayuu muddaba ku celcelinayay.”
“Waxaa kale oo uu waday olole lacagta qoonadada gobollada loogu qeyb-sanayo sida loo kala badan yahay kaas oo loogu magac daray ‘hal-shilin iyo hal qof’ taas oo anaga hadaan nahay dadka Waqooyi-bari Kenya dhib nagu ahayd marka bixitaankiisa taas ayay meesha ka saareysaa”, ayuu yiri xildhibaan Xuseen.
Halkee ayuu ka soo billowday isku dhaca Ruto iyo Gachagua?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hardanka awoodeed ee u dhaxeeya madaxweynaha, William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigati Gachagua ayaa horseeday walaac laga qabo degganaan la'aan dowladda dhexdeeda ah, xilli Kenya ay bartanka uga jirto xasarad qoto-dheer oo dhaqaale.
Ruto ayaa Gachagua u doortay inuu madaxweyne ku xigeen u noqdo haddii la doorto doorashadii 2022, markaasoo uu ka guuleystay raysal wasaarihii hore Raila Odinga kaddib doorasho si adag loogu tartamay.
Gachagua ayaa ka soo jeeda gobolka codadka ugu badan laga helo ee Mount Kenya, wuxuuna taageerayaal badan u soo jiiday Ruto, kuwaasoo codka siiyey doorashadii uu ku guulaystay.
Si mooshinkan loo meel mariyo, waxay u baahan tahay taageerada ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha labada aqal, iyadoo aysan ku jirin xildhibaannada lasoo magacaabay.
Xildhibaannada taageersan mooshinka ayaa kalsooni ku qaba in la meel marin doono.
Balse Gachagua ayaa caddeeyay inuusan gacmaha laaban doonin xilkana uusan ka degi doonin isagoo aan dagaallamin.
“Madaxweynaha wuu ku amri karaa xildhibaannada inay joojiyaan. Marka, haddii ay sii wadaan, wuu ku jiraa,” ayuu u sheegay warbaahin gudaha ah.
Ruto ayaa hore u ballan-qaaday inuusan Gachagua gelin doonin “ciriiri siyaasadeed”, oo la mid ah tii uu isagu la kulmay markii uu madaxweyne ku xigeen u ahaa ninkii uu xukunka kala wareegay, Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha Kenya ayaa markii dambe magacaabay Kithure Kindiki oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka beddalaya Gachagua.













