Yaxya Sinwar: Kumuu ahaa cirroolaha colaad u joogga ahaa ee haatan ay Israa’iil xaqiijisay inay dishay?

Xigashada Sawirka, Reuters
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa'iil Israel Katz ayaa xaqiijiyay in hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwar uu geeriyooday.
Wuxuu sheegay in hoggaamiyaha Xamaas ay saraakiisha Israa'iil maanta dileen, isagoo ku tilmaamay "maskaxdii ka dambeysay xasuuqa iyo xadgudubyada" 7-dii October.
Katz ayaa intaa raaciyay: "Tan waa guul militari oo muhiim u ah Israa'iil iyo guul dunida xorta ah usoo hoyatay oo ka dhan ah xagjirnimada Islaamka ee Iiraan ay hoggaamiso.
"Cirribtirka Sinwar waxay fureysaa suurtogalnimada sii deynta degdegga ah ee la heystayaasha waxayna waddada u xaareysaa isbeddel horseedi doonaa xaqiiqda cusub ee Qasa —oo ka maran maamulka Xamaas iyo Iiraan."
Raadiye u ku hadla afka ciidamada Israa'iil ayaa ku warramay in dhacdadan ay dhacday mar howlgal uu ka socday magaalada koofurta Qasa ku taalla ee Rafax.
Yaxya Sinwar waa bartilmaameedka ugu horreeya ee Israa'iil ee Qasa waxaana lagu eedeeyaa inuu mas'uul ka ahaa inuu ka dambeeyay weerarkii 7-dii Oktoobar ee sanadkii hore gudaha Israa'iil lagu qaaday, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 1200 oo qof.
Sawirro googo'an oo lagu soo wadaagay baraha bulshada ayaa muujinayay qof u ek Sinwar oo dhex yaalla burburka dhisme.
Bishii August ayay ahayd markii kadib wadahadallo labo maalmood qaatay oo magaalada Doxa ee dalka Qadar ay ku yeesheen madaxda ururka Xamaas ay ku dhawaaqeen cidda beddelaysa hoggaamiyahoodii siyaasadda Ismaaciil Haniya oo dhowaan lagu dilay dalka Iiraan.
Xamaas ayaa ku dhawaaqday in Yaxya Sinwar, uu noqonayo madaxa guud ee cusub ee Ururka isagoo beddelaya Ismail Haniyeh.
Ninkan ayaa tan iyo 2017kii, waxa uu ahaa hoggaamiyaha kooxda ee gudaha marinka Qasa. Hadda waxa uu noqon doonaa hoggaamiyaha garabkooda siyaasadeed.
Hoggaanka Xamaas ayaa si wada jir ah u doortay Sinwar inuu hoggaamiyo dhaqdhaqaaqa, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan.
Goluhu wuxuu si aqlabiyad ah ugu codeeyay in la doorto Sinwar, taasoo mid ka mid ah saraakiisha Xamaas uu BBC-da u sheegay in tani tilmaamayso "farriin ka dhan ah Israa'iil".
"Waxay dileen Haniyeh, qofka dabacsan ee u furfuran xalalka. Hadda waa inay la macaamilaan Sinwar iyo hoggaanka militariga,” ayuu yiri sarkaalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xaaladdo badan ayaa laga hadlay, laakiin ugu dambeyntii, laba magac oo kaliya ayaa la soo bandhigay: Yahya Sinwar, iyo Mohammed Hassan Darwish, oo ah qof aan muuqan oo madax ka ah Golaha Shuurada Guud, oo ah golaha soo saara Xafiiska Siyaasadda Xamaas.
Ka hor dhimashadiisa, Ismaciil Haniyeh waxa ay dublamaasiyiinta gobolku u arkayeen in uu yahay shakhsi wax ku ool ah marka loo eego kuwa kale ee Xamaas ahaana darawalka muhiimka ah ee siyaasadeed ee kooxda.
Ninkan hadda hoggaanka kooxda qabanaya Yaxye Sinwar, waxaa loo arka mid ka mida kuwa ugu xagjirsan Xamaas.
Sinwar ayaa ka mida kuwa ugu sarreeya liiska shaqsiyaadka Xamaas ee Israa’iil aad u doon doonayso.
Hay’adaha ammaanka ee Israa’iil ayaa rumeysan inuu isagu maleegay qorsheynta iyo fulinta weerarradii 7-dii Oktoobar 2023, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 1,200 oo qof oo Israa’iiliyiin ah halka 251 la qafaashay.
Maxay Israa’iil ka tiri magacaabista Sinwar?

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Israa’iil ayaa xilligaas sheegtay inay wali doonayso inay disho Yaxye Sinwar. Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in tani noqon doonto ciribtirka Sinwar.
"Magacaabista argagixisada soo jireenka ah ee Yahya Sinwar oo loo magacaabay hogaamiyaha cusub ee Xamaas, oo bedelaya Ismail Haniyeh, waa sabab kale oo adag oo ah in si degdeg ah loo tirtiro, loogana tirtiro ururkan sharka leh dunida," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter wasiirka arrimaha dibadda Israa'iil Israel Katz.
"Yahya Sinwar waa argagixiso, kaasoo mas'uul ka ah weerarkii argagixiso ee ugu naxariista darnaa ee taariikhda," afhayeenka ciidamada difaaca Israel Daniel Hagari ayaa sidaas u sheegay warbaahinta Al-Carabiya.
Sinwar, laguma arag meel fagaare ah tan iyo weeraradii October, waxaana la rumeysan yahay inuu ku ku jiro "10 dabaq oo dhulka hoostiisa ah" oo ku yaal Qasa sida uu sheegay bishii June xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.
Waa Kuma Yaxye Sinwar?

Xigashada Sawirka, EPA
Yaxye Sinwar, waxa uu ku dhashay xerada qaxootiga Khan Younis ee Qasa sanadkii 1962di, isaga oo daraasaadka Carabiga kaga takhasusay Jaamacadda Islaamiga ah ee Qasa. Saddex jeer ayaa la xiray – 1982, 1985 iyo 1988dii. Markii ugu horreysay waxaa la xiray isaga oo jaamacadda dhigta, markaas oo uu ahaa hoggaamiyaha ardayda.
Waxa uu madax ka noqday qarabka amniga ee Xamaas bartamihii 1980kii, isaga oo mas'uul ka ahaa dabogalka iyo ciqaabista Falastiiniyiinta ku eedeysan inay la shaqeeyaan Israa'iil.
Laakiin waxay Israa’iil xirtay 1988dii, isaga oo xabsi ku jiray ilaa 2011-kii , markaas oo uu qeyb ka noqday heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo lagu siidaayay 1000 qof oo Falastiiniyiin ah, iyo Askari Israel oo shan sano u xirnaa Xamaas.
61-jirkan ayaa sannadkii 2017-kii loo magacaabay madaxa xafiiska siyaasadda kooxda ee Marinka Qasa, xilkaas oo uu ilaa hadda hayay.
Maraykanka ayaa Sinwar ku daray liiska madow ee "argagixisada caalamiga ah".













