Waa kuma ninka ay Israa'iil u taqaannay 'Bisadda leh Sagaal Nafood`ee ay haatan xaqiijisay inay dileen?

Xigashada Sawirka, AFP
Militariga Israa'iil ayaa maanta sheegay in madaxii militariga Xamaas Mohammed Deif ay ku dileen duqeymo cirka ah oo ay ka fuliyeen Gaza 13-kii July.
Deif ayaa lala beegsaday duqeymo cirka ah oo Israa'iil ay ka geysatay xero ku taalla agagaarka Khan Younis.
Militariga Israa'iil ayaa xilligaas sheegay in taliye kale oo Xamaas ka tirsan, Rafa'a Salemeh, lagu dilay duqeymaha, balse waxay sheegtay inaysan xaqiijin rasmi ah u heyn waxa ku dhacay Deif.
Waa kuma Deif?
Mohammed Deif wuxuu hoggaaminayay Izz al-Din al-Qassam, oo ah garabka militari ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.
Inta badan waxa laga ogyahay Deyf waa warbixinnada ay shaaciyeen warbaahinta Israa'iil iyo Falastiin. Waxay sheegeen in Deyf uu ku dhashay xerada Qaxootiga ee Khan Yunis ee ku taala Qaza 1965-kii.
Maxamed Diab Ibrashim al-Masri ayaa loo bixiyay markii uu dhashay balse markii dambe wuxuu la magac baxay Deyf oo macnaheedu yahay "marti"..
Wax badan lagama oga barbaarintiisii iyadoo ay socdaan khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Israa'iil iyo Falastiin oo raad aan la iloobi karin ku reebay Bariga Dhexe.
Waa nin aa inta badan la arag oo Falastiiniyiintu u yaqaannaan ninka caqliga badan, halka Israa’iiliyiintu u yaqaannaan Bisadda leh Sagaal Nafood.
Dowladda Israa’iil ayaa xabsiga dhigtay sanadkii 1989, kadib markii uu aasaasay al-Qassam iyadoo ujeeddadu ahayd in lagu soo qabto saraakiisha Israa’iil.
Kadib sii deyntiisii, wuxuu gacan ka geystay dhismaha godadka dhulka hoostiisa ee dagaal-yahannada Xamaas u oggolaaday inay gudaha Israa’iil ka galaan Gaza.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Deif wuxuu ka mid ahaa ragga loogu doon doonista badan yahay Israa’iil, iyagoo ku eedeeyay qorsheynta iyo kor-joogteynta bambadii lala eegtay bas sanadkii 1996, ayna ku dhinteen tobnaan Israa’iiliyiin ah, iyo ku lug lahaanshiyada qabashadii iyo dilkii saddex ka mid ahaa saraakiisha Israa’iil bartamihii 1990-meeyadii.
Israa’iil ayaa xabsiga dhigtay sanadkii 2000, balse wuu ka baxsaday billowgii kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiinta.
Wixii intaa ka dambeeyay, aad uma soo muuqan. Waxaa laga hayaa uun saddex sawir: mid taariikheysan, mid uu mask xiran yahay, kan saddexaadna waa mid dahsoon.
Isku daygii dil ee ugu darnaa wuxuu dhacay sanadkii 2002: Deif ayaa badbaaday balse wuxuu waayay mid ka mid ah indhihiisa. Israa’iil ayaa sheegtay inay sidoo kale ay go’een cagta iyo gacanta, iyo in sidoo kale hadalku ku adag yahay.
Ciidamada ammaanka Israa’iil ayaa mar kale ku guul-darreystay dilka Deif mar ay howlgal ka sameynayeen Marinka Gaza sanadkii 2014, balse waxay dileen xaaskiisa iyo labo carrurtiisa ka mid ah.
Maxaad ka taqaannaa Xamaasta dagaalka culus kula jirta Israa'iil?

Xigashada Sawirka, Reuters
Xamaas waa ururka ugu weyn ee jabhadaha u dagaallama Falastiiniyiinta. Ururka oo la asaasay 1987 ayaa magaciisa waxa laga soo gaabiyay Xarakatul Muqaawamah Al-Islaamiyaha. Waxaa Xamaas ka go'an in ay burburiso Israa'iil.
Markii hore waxaa laga lahaa laba ujeedo oo kala ah: Iska caabin hubaysan oo uu fuliyo garabkiisa milateri Izzedine al-Qassam Brigades, iyo horumarinta bulshada.
Hase yeeshee kadib markii ay Israa'iil ka soo baxday Gaza sanadkii 2005, Xamaas ayaa qeyb ka noqotay hannaanka siyaasadda Falastiiniyiinta. Waxa uu ururka ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee 2006, sanad kadibna waxa uu la wareegay gacan ku haysta Gaza kadib markii uu ka eryay dhaq-dhaqaaqa Fatax.
Tan iyo markaas, ururka Xamaas ayaa saddex dagaal la galay Israa'iil. Xukuumadda Tel Aviv iyo dowladda Masar ayaa go'doomiyay marinka Gaza si ay ururka Xamaas ugu cadaadiyaan inuu joojiyo weerarrada.
Ururka Xamaas, gaar ahaan garabkiisa milateri ayaa waxaa argagixiso u aqoonsan Israa'iil, Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo dalal kale.













