Muxuu ururka "Dowladda Islaamka" ugu baaqay iska caabinta Xamaas?

Garabka Izzedine al-Qassam Brigades ee Xamaas

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Garabka Izzedine al-Qassam Brigades ee Xamaas

Ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka ayaa cambaareeyay jabhadda Falastiiniyiinta ee Xamaas, oo uu ku eedeeyay inay xiriir la leedahay Iran.

Afhayeenka ururka, Abuu Xamsa al-Qurashi, ayaa cod uu baahiyay Talaadadii u muuqday mid ku baaqaya in Falastiiniyiinta ay ka hortagaan Xamaas.

Ururka Xamaas ayaa dhowr jeer dagaallo xooggan la galay Israa'iil, waxaana uu dambeeyay mid 11 maalmood socday oo bishii May dhexmaray labada dhinac.

Ra'iisal wasaarihii hore ee Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa xilligaas sheegay in Iran ay taageero siisay Xamaas. "Haddii aysan jirin taageerada Iran, Xamaas waxa ay ku jabi lahayd laba todobaad gudahood,"ayuu yiri Netanyahu.

Inta uu socday dagaalkaas, warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegay in taliyaha ciidamada kumaandoosta Quds, Jen. Ismaaciil Qaani uu telefoonka kula hadlay hogaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniyeh si uu ugu muujiyo taageero.

Dilkii hogaamiyaha Boko Xaraam

Farriinta Dowladda Islaamka ayaa waxaa kamid ahaa hambalyo uu hogaanka ururkaas u diray xooggaga taabacsan ee ka dagaallama caalamka, gaar ahaan Afrika.

Waxa uu afhayeenka Dowladda Islaamka al-Qurashi si gaar ah u ammaanay faraca u qaabilsan Galbeedka Afrika (ISWAP) oo uu sheegay "inay jabiyeen fitnada Khawaarijta" taasoo loo fasiray dilkii dhawaan loo geystay hogaamiyaha Boko Xaraam.

Abubakar Shekau ayaa la sheegay in uu ku dhintay gacanta ISWAP kadib dagaal dhexmaray labada urur ee xagjirka ah. Boko Xaraam ayaa hoos tagta ururka Al-Qaacida.

Hogaamiyaha ururkaas, Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurashi, ayaan warkiisa la maqal tan iyo markii uu xilka la wareegay October 2019.

Ninkii xukunka uga horreeyay ee Abubakar Al-Baqdadi ayaa lagu dilay hawgal ay ciidamada Maraykanka ka fuliyeen gobolka Idlib ee Suuriya dabayaaqadii October 2019.

Muddo 5 sano ah ayuu hogaaminayay ururkaas ku caanbaxay dilalka arxan darrada ah iyo barakicinta, marna maamuli jiray deegaanno badan oo ka tirsan Ciraaq iyo Suuriya.

Abubakar Al-Baqdadi

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Abubakar Al-Baqdadi

Ururka Xamaas

Xamaas waa ururka ugu weyn ee jabhadaha u dagaallama Falastiiniyiinta. Ururka oo la asaasay 1987 ayaa magaciisa waxa laga soo gaabiyay Xarakatul Muqaawamah Al-Islaamiyaha. Waxaa Xamaas ka go'an in ay burburiso Israa'iil.

Markii hore waxaa laga lahaa laba ujeedo oo kala ah: Iska caabin hubaysan oo uu fuliyo garabkiisa milateri Izzedine al-Qassam Brigades, iyo horumarinta bulshada.

Hase yeeshee kadib markii ay Israa'iil ka soo baxday Gaza sanadkii 2005, Xamaas ayaa qeyb ka noqotay hannaanka siyaasadda Falastiiniyiinta. Waxa uu ururka ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee 2006, sanad kadibna waxa uu la wareegay gacan ku haysta Gaza kadib markii uu ka eryay dhaq-dhaqaaqa Fatax.

Tan iyo markaas, ururka Xamaas ayaa saddex dagaal la galay Israa'iil. Xukuumadda Tel Aviv iyo dowladda Masar ayaa go'doomiyay marinka Gaza si ay ururka Xamaas ugu cadaadiyaan inuu joojiyo weerarrada.

Ururka Xamaas, gaar ahaan garabkiisa milateri ayaa waxaa argagixiso u aqoonsan Israa'iil, Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo dalal kale.